Waxgarad ka soo jeeda gobolada Bay iyo Bakool oo sheegay in xiligan ay dhibaatooyin adag ay ka taagantahay goboladaasi.


march:9 Source: Somalisan news

Odayaashaani iyo wax garadkaani kazoo jeeda Gobolka Bakool aya waxa ay ka hadleen dhibaatooyin dhnka nolsha ah oo xilligani soo food saartey qoysaskii bilihii ugu danbeeyey ka cararey duqeymaha iyo dagalada Magaalada Muqdisho kasii socda kuwaasi oo gaarey Gobolka Bakool.

Malaaq Cali Muumuin waxa uu kamaid yahay odayaasha Gobolka Bakool waxaana uu sheegay in dhibaatooyin xoogani oo dhanka nolosha ah xirooyinka barakacayaasha ee Gobolkaasi ay ku heyso qoysas badan oo kazoo barakacay qeybo kamid ah Magaalada Muqdisho.



Malaaqa waxaa uu sheegay in dhibaatooyin ay kamidka yihiin cuno yari iyo cafimaad darro ay xilligaani soo food saartey qoysaskaasi ku jira xerooyinka kala duwan ee barakacayaasha eek u yaala Degmaayin ay kamidka yihiin Xudur iyo Waajid iyagoona ugu baaqay odayaasha in ay maamulka Xarakada Mujahidiinta Al-shabab ee ka arrimiya Gobolada Bay iyo Bakool in ay gar gaar lasoo gaaraan dadkaasi dhibaateysan.

Sidoo kale Malaaq Cali Muumin ayaa waxa uu sheegay in ay jiraan howlo gar gar ah oo maamulka Islaamiga ah ee Goboladda Bay iyo Bakool ay gaarsiiyeen xerooyinka ay dadka barakacayaasha ah ay ku jiraan walow uu sheegay in dhibatooyinka dadkasi heysta ay yihiin kuwa isa soo taraaya.



Muuse maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666