Gudiga Dastuurka ee dowladda KMG Soomaaliya oo sheegay in maanta ay soo gabagabeeyeen qoristii arimaha Dastuurka ee dowladda KMG.


march:9 Source: Somalisan news

Gudiga Dastuurka ee dowladda KMG Soomaaliya ayaa maanta waxa uu sheegay in ay soo gabagabeeyeen qoristii arimaha Dastuurka ee dowladda KMG Soomaaliya.

Shir jaraa’iid oo maanta magaalada Muqdisho uu ku qabtay gudoomiye ku xigeenka Guddiga Dastuurka iyo arimaha Faderaalka ee dowladda KMG Soomaaliya ahna ku simaha gudoomiyaha gudiga Dastuurka ee dowlada KMG Soomaaliya C/qaadir Sheekh Ismaaciil ayaa waxa uu ku sheegay in ay soo gabagabeeyeen qoristii la isku waafajinayay Dastuurka iyo ku dhaqan Shareecada Islaamka isagoo sheegay in ay u gudbinayaan Golaha Baarlamaanka ee dowladda KMG Soomaaliya dastuurkii ay soo qoreen kaasi oo markii ay hordhigaan kadib uu shaqeyn doono.



Waxa uu sidoo kale sheegay gudoomiye ku xigeenka gudiga Dastuurka arimaha Fedaraalka ee Baarlamaanka dowladda KMG Soomaaliya in dastuurkan ay soo gabagabeeyeen sidoo kale ay hordhigi doonaan Shacabka iyo Culumaa’udiinka Soomaaliyeed kadibna uu si rasmi ah u dhaqan gali doono.

Dhawaan ayay aheyd markii gudiga dastuurka ee baarlamaanka KMG Soomaaliya ay sheegeen in uu soo dhawyahay qorista iswaafajinta Dastuurka iyo sidoo kale ku dhaqanka shareecada Islaamka islamarkaana maanta ay soo gabagabeeyeen, hase ahataee lama oga marka la horgeeyo Golaha baarlamaanka ee dowladda KMG Soomaaliya waxa ay ka yeeli doonaan aqbalitaanka Dastuurkan iyadoo horay Golaha Baarlamaanka ee dowladda KMG Soomaaliya ay u aqbaleen in dowladda KMG Soomaaliya ay wadanka ku maamasho shareecada Islaamka



Muuse maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666