
Ra’iisul wasaaraha dowladda Ingiriiska
oo Madaxweyne Sheekh Shariif ku cadaadiyay sidii loo sii deyn
lahaa lamaanaha u dhashay wadanka Ingiriiska.Ra’iisul wasaaraha
dowladda Ingiriiska Gordon Brown ayaa Madaxweynaha dowladda KMG
Sheekh Shariif ku cadaadiyay sidii uu gacan uga geysan lahaa sii
deynta lamaanaha u dhashay wadanka Ingiriiska.
Kulan albaabadu u xirnaayeen oo ay yeesheen
Ra’iisul wasaaraha wadankla Ingiriiska Gordon Brown iyo
Madaxweynaha dowladda KMG ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh
Axmed ayaa waxaa ay kawada hadleen arimo dhowr ah oo ay ka mid
ahaayeen falalka kooxaha burcad badeeda Soomaalida iyo kooxaha
argagixisada ee ka jira geeska Africa sida ay sheegeen saraakiil
ka tirsan dowladda Ingiriiska.
Afhayeen u hadlay Ra’iisul wasaaraha
wadanka Ingiriiska ayaa sheegay in ra’iisul wasaaraha wadanka
Ingiriiska Gordon Brown uu cadadis ku saaray Madaxweynaha Soomaaliya
Sheekh Shariif Sheekh Axmed in uu gacan ka geysto sii deynta lamaanaha
u dhashay wadanka Ingiriiska oo ay gacanta ku hayaan kooxaha burcad
badeeda Soomaalida.
Afhayeenka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay
in Ra’iisul wasaaraha wadanka Ingiriiska uu soo dhaweeyay
Howlgalka ay doonayso dowladda KMG ee Soomaaliya in ay kula wareegto
guud ahaan dalka Soomaaliya.
Hase ahaatee madaxweynaha dowladda KMG
ee Soomaaliya ayaa waxaa uu u sheegay Ra’iisul wasaaraha
wadanka Ingiriiska Gordon Brown in dowlada KMG ay gacan ka geysan
doonto sii deynta labada Lamaane ee u dhashay wadanka Ingiriiska
isagoo u faah faahiyay howlgalka uu doonayo in uu kula wareego
gobolada dalka Soomaaliya,iyadoo taasina uu soo dhaweeyay Ra’iisul
wasaaraha Ingiriiska una balan qaaday in dowladiisa ay ka qeyb
qaadan doonto howlgalkaasi.
Dhinaca kale Wasiirka arimaha dibada ee
dowladda KMG ee Soomaaliya Cali Axmed Jaamac Jangali oo ka mid
ah wafdiga la socda Madaxweynaha dowladda KMG ee Soomaaliya ayaa
sheegay in kulamada uu la yeeshay Madaxweyne Shariif masuuliyiinta
dowladda Ingiriiska ay dhamaantood ku dhamaadeen jawi wanaagsan
islamarkaana dowladda Ingiriiska ay ka heleen balan qaadyo buuxa.
Waxaa uu sidoo kale sheegay Jangali in
dowladda Wadanka Ingiriiska ay xiiseynaysay in ay ogaato arimaha
Soomaaliya isagoo sheegay in dowladda Ingiriiska ay fahantay waxyaabihii
uu u sheegay Madaxweynaha dowladda KMG.
Madaxweynaha dowladda KMG ee Soomaaliya Sheekh Shariif Shekh Axmed
ayaa markii ay soo gaba gaboobeen kulamadii uu la lahaa masuuliyiinta
Ingiriiska waxaa uu la kulmay Jaaliyada Soomaalida ee kunool wadanka
Britain kuwaasi oo uu u sheegay dhibaatooyinka ka jira wadanka
Soomaaliya.
Waa markii ugu horeysay oo madaxaweyne
Soomaaliyeed tan iyo 1991-kii uu caasuumaad ka helo dowladda Ingiriiska
iyadoo xiligaan Casuumadaasi dowlada hesheyna ay tahay dowladda
Madaxweynaha uu ka yahay Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
ahmed yousuf_somalisan.com
Muuse maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666
|