
Dadka barokacayaasha ah ee ku jira Xerooyinka
dadka soo barokacay ee ku yaallo Magaalada B/weyne,ayaa waxaa
xiligan lasoo daristay dhibaatooyin dhanka Nolosha ah,kadib markii
dadkaasi aysoo buux dhaafiyeen Xerooyinkaasi.
Guud ahaan Xerooyinka ayaa waxaa ay gaarayaan ilaa 12kaam,mar'aan
maanta gaaray qaar kamid ah Xerooyinkaasi,ayaa waxaa ii muuqanayay
dhibaatooyin kala duwan,waxaan arkaayay Caruur la'liita xanuuno
kala duwan,Haween Xaamilooyin ah oo qaarkood laygu sheegay in
Xerooyinka dhexdooda dhowrjeer ku dhiig baxeen,halka kuwa kalana
ay u geeriyoodeen,dad ku naafoobay dagaaladii ka dhacay dalka,waxaana
hoy u ah Aqalo ka samaysan baakado,baco xargo lagu xiray,kuwaasi
oo aan iska xajin karin dabaylaha dhacaayo,iyo qabowga xiliga
habeenkii ah,iyagoo qaarkoodna aysanba haysan meelo ay gabaad
ka dhigtaan,waxaana ay dulsaar ku yihiin dadka kale,halka kuwa
kalana ay iska hoosjiifaan geedaha hoostooda.
Dadka ku jir Xerooyinka ayaa waxaa ay u badan yihiin kuwa aan
awoodin in ay xamaal tagaan,waxaana shaqeeyo kuwa yar oo markaasi
Magaalada kasoo hela xoogaa ay quutaan.
Qaar kamid ah dadkaasi oo aan codad kasoo qaaday,ayaa waxa ay
aad ugu dayrinayaan sida haatan xaaladooda tahay,iyagoo qaarkood
sheegay in maalintii ay halmar wax quutaan,hadiiba ay helaan,iyagoo
ii sheegay in aysan Hay'addaha waxbo in mudo ah ka helin,waxaana
Kaamamkani gacanta ku hayo dad u ah horjoogayaal oo Hay'addaha
wax ugu soo aruuriya hadiiba laga soo helo.
Magaalo Muxumad Tuuray oo horjoogayaasha kamid ah oo aan Xerada
Nasiib kula kulmay,ayaa waxaa ay sheegtay in xaalada dadkani ay
tahay mid daran,waxaana ay intaasi ku dartay in maalin kasto aysoo
gaaraan dad kasoo cararay dhulka miyiga ah,maadaamaa wali abaarihii
dabo dheeraa ay ka jiraan.
Magaalo ayaa waxaa ay intaasi ku dartay in dagaaladii ka dhacay
Magaalada B/weyne,ay saamaynta ugu daran ku yeesheen dadka soo
barokacay,kuwaasi oo aan aqoon meelo kale oo ay aadaan,waxaana
ay xiligaasi tageen sida ay sheegtay meel ka baxsan Magaalada
B/weyne.
Dhibaatooyinka ka jira Xerooyinka Magaalada B/weyne ayaa ah kuwa
aan lasoo koobi karin,waxaana aan la'ogayn waxa ay Hay'addaha
gargaarkii ugu gaabiyeen,xili Hay'addaha saraakiil kamid ah lagu
dilay koonfurta iyo bartamaha soomaalioya,iyo xili laxiray Xafiiskii
WFP ee Gobolka Hiiraan.
Muuse maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666
|