
Waxaa galabta ka dhacay agagaarka wadadda
isgoyska KM4 ee Magaalada Muqdisho ayaa maanta laba ciidan oo
ka wada tirsan Ciidamo Dowladda KMG ah waxaa ka dhex dhacay dagaal
qaraar oo aad u kululaa, gaystayna qasare baaxd leh.
Dagaalka ayaa markii hore ku dhawaad 3:00
galabnimo waxaa uu ka ka dhex arxay Ciidamo Dowlada ka tirsan
oo rabay inay baabuur xamuul ah ka qaataanlacago baad ah balse
ay ka hor sitaageen ciidamo kale oo meel laamiga u dhow degan
wararka qaarna sheegayaan inay ilaalo u yihiin Taliyaha Ciidamada
Badda Soomaaliya Faarax qare kaasoo gaystay khasaarihii ugu badanaa
ee dagaalada dhacay uu gaystay.
Dagaalkaasi oo daqiiqado socda ayaa waxaa
dagaal kale uu ka bilowday wadada Taleex iyadoo markii la arkayay
ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM oo wata baabuurta gaashaan oo wadada
taleex ku sii qul qulaya,waxaana markaasi socday dagaalo u dhexeeyay
Ciidamada Dowlada KMG Soomaaliya iyo xoogaga ka soo horjeeda.
Dagaalkaani danbe waxaa la isgu adegsaday hubka waaweyn sida madaafiiicda
oo kale waxaana uu socday waqti kooban kaasoo xiray isku socodkii
dadka iyo gaadiika wadada Maka Almukarama inkastoo dagaalkii ka
horeeyay uu wadada xiray.
Inta la ogyahay ilaa 3 qofood ayaa dagaalkaasi
ku geeriyootay kaasoo u dhexeeyay ciidamada Dowlada dhexdooda
kuwaasoo kala ahaa Haweeney madaxa looga jiro, askari ka tirsan
kuwa Dowlada ka tirsan iyo Haweeney kale, iyadoo tiro kale oo
intaasi ka badana ku dhaawacmeen sida wiil dhalinyaro ah iyo haweeney
laamiga qarkiisa wax ku iibsaneysay.
Dhanka kale xaalada ayaa saacad kadib ku
soo noqotay caadi, waxaana furmay isku socodka dadka iyo gaadiidka
wadada Maka Al-Mukarama ee Magaalada Muqdisho, lamana yaqaan sida
Saraakiisha Dowladu u xalin doonaan dagaalka ka dhex dhacay Ciidamada
Dowlada oo mar kasta soo noqnoqda.
Muuse maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666
|