Ra’iisul wasaaraha dowladda Ingiriiska oo Madaxweyne Sheekh Shariif ku cadaadiyay sidii loo sii deyn lahaa lamaanaha u dhashay wadanka ingiriiska.


march:9 Source: Somalisan news

Ra’iisul wasaaraha dowladda Ingiriiska Gordon Brown ayaa Madaxweynaha dowladda KMG Sheekh Shariif ku cadaadiyay sidii uu gacan uga geysan lahaa sii deynta lamaanaha u dhashay wadanka Ingiriiska.

Kulan albaabadu u xirnaayeen oo ay yeesheen Ra’iisul wasaaraha wadankla Ingiriiska Gordon Brown iyo Madaxweynaha dowladda KMG ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa ay kaha hadleen arimo dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen falalka kooxaha burcad badeeda Soomaalida iyo kooxaha argagixisada ka jira geeska Africa sida ay hadalka u dhigeen.

Afhayeen u hadlay Ra’iisul wasaaraha wadanka Ingiriiska ayaa sheegay in ra’iisul wasaaraha wadanka Ingiriiska Gorden brown oo cadadis ku saaray Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh axmed in uu gacan ka geysto sii deynta lamaanaha u dhashay wadanka Ingiriiska oo ay gacanta ku hayaan kooxaha burcad badeeda Soomaalida.

Afhayeenka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in Ra’iisul wasaaraha wadanka ingiriiska uu soo dhaweeyay Howlgalka ay doonayso dowladda KMG ee Soomaaliya in ay kula wareegto guud ahaan dalka Soomaaliya.

Hase ahaatee madaxweynaha dowladda KMG ee Soomaaliya ayaa waxaa uu u sheegay Ra’iisul wasaaraha wadanka Ingiriiska in uu gacan ka geysan doono sii deynta labada lamaane ee u dhashay wadanka Ingiriiska isagoo u faah faahiyay howlgalka uu doonayo in uu kula wareego gobolada dalka Soomaaliya,iyadoo taasina uu soo dhaweeyay Ra’iisul wasaaraha ingiriiska una balan qaaday in dowladiisa ay ka qeyb qaadan doonto howlgalkaasi.

Dhinaca kale Wasiirka arimaha dibada ee dowladda KMG ee Soomaaliya Cali Axmed Jaamac Jangali oo ka mid ah wafdiga la socda Madaxweynaha dowladda KMG ee Soomaaliya ayaa sheegya in kulamada uu la yeeshay masuuliyiinta dowladda Ingiriiska ay dhamaantood ku dhamaadeen jawi wanaagsan islamarkaana dowladda ingiriiska ay ka heleen balan qaadyo buuxa.




Waxaa uu sidoo kale sheegay Jangali in dowladda Wadanka ingiriiska ay xiiseynaysay in ay ogaato arimaha Soomaaliya taasoo uu sheegay in dowladda ingiriiska ay ahdmaan fahantay waxyaabihii uu u sheegay Madaxweynaha dowladda KMG.

Madaxweynaha dowladda KMG ee soomaaliya Sheekh Shariif Shekh Axmed ayaa markii ay soo gaba gaboobeen kulamadii uu la lahaa masuuliyiinta ingiriiska waxaa uu la kulmay Jaaliyada Soomaalida ee kunool wadanka Britain kuwaasi oo uu u sheegay dhibaatooyinka ka jira wadanka Soomaaliya.

Waa markii ugu horeysay oo madaxaweyne Soomaaliyeed tan iyo 1991-kii uu caasuumaad ka helo dowladda ingiriiska iyadoo xiligaan Casuumada dowlada hesheyna ay tahay dowladda Madaxweynaha uu ka yahay Sheekh Shariif Sheekh Axmed.



Muuse maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666