munaasabad aad loo soo agaasimay looguna dabaaldagayey dhalshada nabigeenna scw ayaa waxa ay ka dhacday wadanka holland gaar ahaan magaalada den haag :


march:8 Source: Somalisan news

Ixtifaalada lagu waynaayo bishan barakaysan ee rabiicul awwal oo ah bishii uu dhashay nabigeenna muxammed SCW ayaa waxa ay si talantaali ah uga soconayaan magaalooyinka , tuulooyinka dhamaad wadamada reer yurub , kuwii ugu danbeeyey ayaa waxa ay ka dhaceen dalka holland gaar ahaan magaalada DEN HAAG .

Kulan diimeedkan oo si heersare ah loo soo qabanqaabiyey ayaa waxaa ka soo qeybgalay dadweyne aad u tiro badan kuwaas oo aad ugu riyaaqayey siirada , mucjisaadka iyo waliba taariikhdii nabigenna muxammed NNKH .

Munaasabdda ayaa si habsami loo furay ayadoo ay culumadu ay halkaasi ka aqriyeen taariikhda dheer ee ka hadlaysa nabiga SCW ee ku qoran kutubka mowliidka taaso loo yaqaan CADIRTA . intaa kadib waxaa markaliya furmay khudbadii diiniga ahaa ee loogu talagalay .

Shiikh Muuse nuur shiikh muuse (shiikh muuse cadde) oo ka tirsan culumaaudiinka soomaaliyeed ee aadka looga yaqaan dalka iyo dibadaba ayaa waxa uu dadweynihii ka soo qeybgalay mowliidka uga sheekeeyey mucjisaadkii nabiga SCW , khayrka ku jiraa in la dhigo mowliidka nabiga SCW .

Shiikh muuse cadde oo dadweynihii halkaasi ka qeybgalay ay aad ugu riyaaqeen khudbadiisa ayaa gabagabadii waxa uu uga duceeyey dhamaan umadda soomaaliyeed in uu ilahay dhibka ka kor qaado nabad iyo barwaaqana ugu badalo .

waxaa kaloo ka qeybgalay culumada kala ah shiikh Maxamed IIKAR , shiikh siciid , shiikh bashiir iyo culumo kale .

Munaasabada mowliidka nabiga SCW ee ka dhacay magaalada DEN HAAG ee dalka holland ayaa waxaa soo qabanwaabiyay jaaliyadda soomaaliyeed ee dalkaasi waxan akmid ahaa :

 



Mr : Axmed xaaji cali
Mr Mohamed muuse
Prof : Abdi xakiim cabdi ismaciil
M r: Mahdi maxamed shiikh
M r: cabdi wali axmed diiriye
Mr :cabdikariim axmed jaamac KATAANGE
Dr : Cali khaliif faarax iyo masuuliyiin kale .

Ugu danbaytii , waxaa munaasabdaasi lagu waynaynayey loogana sheekeynayey dhalshadii nabiga SCW ee DEN HAAG ka dhacday ay si heersara ah lagu khatimay , kuandhamaatay sidii loogu talagalay .

W/Q: Wariye Axmed khadar
Email:axmedmbc@hotmail.com



Muuse maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666