
dadka dagan goobaha ay gacanta
ku hayaan xoogaga dowlada ka soo horjeedo ayaa waxaa soo food
saartay cabsi daran iyo dareen colaadeed iyada oo aan habenadiina
la socon karin meelaha qaar waxaana qoraxdu marka ay dhacdo wadoyinka
lagu soo daadiyaa cidamo aad u hubeysan kuwaa oo lagu tilmaamay
in ay amaanka sugayaan balse dadku ay cabsi daran ka muujiyeen
Magaalada Muqdisho ee Casamida Soomaaliya ayaa labadii Maalmood
ee ugu danbeyey laga dareemayaa dhqdhaqaaqyo ciidan oo ay wadaan
dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMSIOM ee Muqdisho.
Warar hoose oo laga helayo dowlada KMG
ee Soomaliya ayaa sheegay in damaca dowlada uu yahay in weeraro
culus ay ku qaado kooxaha mucaaradka xili kala daadsanaa ay ka
dhax jirto mucaaradka.
Dowlada ayaa la sheegayaa in ay fursad
u aragtay colaad horay qarsaneeyd ee uu daaha iminka qaadmay taasi
oo dhaxtaala lixaadyada Mucaaradka ee kala ah Xisbul Islaam iyo
Al Shabaab kuwaasi oo ah qabad kaliyah ee hortaagan hirgelida
dowladdaShariif haba ugu darnaatee kooxdaAl Shabaab oo tayo ahaan
iyo mabda,aanba ka adag Xisbul islaam.
Qaar ka mid dadka Soomaaliyeed ee si aad
ka ah ugu nugul siyaadadaha Soomaaliya ayaa sheegaya iyana in
dowlada ay heshay fursad horay loo saadaalinayey oo ah in colaada
Xisbul Islaam iyo Al Shabaab ay soo dhalaasho.
Sidoo kale waxa ay waararku tilmaamayaan
in werarka dowlada KMG uu yahay mid lala sugayey fursado sidaan
oo kala ah , islamarkaana waxa haatan soo dedejiyey ay tahay tafaraaruqa
kooxaha mucaaradka ka dhaxdhashay.
Intaasi oo dhan marka laga soo tago warar
kale ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliaya Shariif uu wajiga
ka dadbaday natiijo uu saadaaliyey taasi oo ah cabashada iyo qasaaraha
dadka rayid ka ah xiliga dagaalka uu socdo, waxaana madaxweyne
Shariif lagu sheegay in uu wax badan ka walaacsan yahay werarka
marka lee fiiryo sumacad daro uga timaada waxyeelada dagaalka
ka gaartaa shacabka.
Isku soo wada duub dhaq dhaqaaqyada ciidan
ay wadaan Ciidamada ayaa ah kuwo dheeli tiran, waxaana socda abaabulo
xoogan oo ay dowladda ugu jirto sidii weeraro ballaaran u qaadi
laheyd maalmaha soo socda.
Ciidamada Dowladda oo u badan dhalinyaro
ayaa markii u horeysay todobaadyo kadib markii ay gaabis noqdeen
hadalada goodinta waxay bilaabeen dhaq dhaqaaq ciidan, waxcaana
la arkayaa iyadoo ciidamada la geynayo aagaga dagaalka iyo xerooyin
dhoowr ah
Sidoo kale ciidamada AMISOM ayaa iyana
bilaabay dhadhqaaq,kuwaasi oo dhowaan fariisin cusub ka sameetnray
Digfeer, waxaana sidoo kale lagu arkayaa qaar ka mid ah afafka
hore ee goobaha ay degan yihiin AMISOM Taankiyo ay la soo baxeeen.
Magaalada Muqdisho ayaa degan marka laga
reebo dhadhaqaaqa ciidan, waxaa gaabsi u muuuqda mucaaradka ,
dadka shacabka ah ayaa ka dhararaya dagaalka oo raba in ay dhan
u dhacaan , waxaa had iyo gooraale weerara ku goodiso dowlada,
waxaa hadlkii dowlada ka soo baxa ee ugu danbeeyey uu ahaa kii
daraad ka soo baxay C/qaadir Cali Cumar oo ka mid ah wasiirada
warkooda loo nugul yahay, waxa uuna carabaabay in amaanka ay hananayaan
goordhow.
Muuse maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666
|