
hadal heynta ugu badan dalka
mareykanka ayaa ah nin la sheegay in ciidamada Amaanka dalka mareekanka
gacanta ay ku dhigeen nin Soomaali Mareeykan ah oo lagu magacaabo
Maxamed Maxamuud Xaashi kaasi oo lagu eedeeyey in uu damacsanaa
in uu qarxiyo shirkad uu la shaqeeynayey oo ku taala Magaalada
Taxi ee Dalka Mareeynka.
Mustaf Ibraahim oo ah nin Soomali Mareeykan
ah oo ay shirkada ka wada shaqeynayeen Maxamed Maxmuud oo ay dowladda
Mareeykanka ay xirtay ayaa sheegay in ay basaaseen dad Mareeykan
ah oo ay ka wada shaqeeyaan Shirkada kuwaasi oo ka qaaday Maxamed
hadal uu ugu cago jugleey ka dibna u gudbiyey maamulka Shirkada.
Mustafa ayaa sheegay in Maxamed ay u yeereen maamulka Shirkada
ka dibna inta uu ku sii socday wadada ay qabteen ciidamo Mareekan
ah, waxaana loo sheegay in ku eedeeysan yahay warar uu ku yiri
dad ay wada shaqeeyaan kaasi oo ah in uu shirkada qarax ka sameeyn
rabo.
|” Maxaxed waxaa u wacay maamulka shirkada laakin inta uu
u sii socday xafiiska maamulka shirkada ayaa waxa wadada ka qabtay
ciidamo , ka dibna waa la xiray, saraakil ka tirsan laanta amaanka
ee xirtay ayaa noo sheegay in amarka Maxamed lagu xiray ay soo
gudbiyeen maamulka shirkada, waxa ayna sidoo kale inoo sheegeen
in cadeeyn loo hayo in shirkada uu qarax u geysan rabay”
ayuu yiri Mustafa Ibraahim oo ka mid ah dad Soomali ah oo shirkada
kala shaqeynayey Maxmed Maxamuud oo Dowlada Mareekanka u xiran.
Mustafa ayaa intaasi raaciyey in uu si
wanaagsan u yaqaano Maxamed , waxa uuna ku sheegay in uu yahay
nin aanan ka suurtoobin falkaasi oo kale, waxa uuna tilmamay in
Maxamed hadalada uu ku dhahay raga uu la shaqeynayey ee basaasay
in booto ama afka un ay ka ahaayd.
Dadka Soomaliyeed ee qurbo joogta ah gaar ahaan dadka ku nool
dalalka Mareekanka iyo Yurub ayaa waxaa heysta dhibaatooyinka
uga yimaada xaga dalka ay ku nool yihiin , waxaana arimhaani ay
soo ifbaxeen ka dib markii dhalinyaro Soomaaliyeed ay u soo haajireen
dalka Soomaliya si ay uga barbar dagaalamaan ciidamada AL Shabaab
ee Soomaaliya.
Muuse maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666
|