Dowlada canada oo sheegtay in ay liiska argagixisada ku dartay xarakada Mujaahidiinta alshaab kana mamnuucday dalkeeda cid kasta oo xiriir sokeeye laleh


march:8 Source: Somalisan news

War qoraal ah oo ka soo baxay dowlada Canada ayaa lagu cadeeyey in go’aan ay ku gaartey in ururka Al-Shabaab oo ka mid ah kooxaha Islaamiyiinta Soomaaliya laga mamnuuco dalkaasi, isla markaana lagu daro liiska waxa loogu yeero argagixisada.

Wasiirka amaanka guud ee wadanka Canada Vic Toews ayaa ka dhawaajiyey maalinimadii shaley in xukuumadiisu ay qaadatey go’aanka lagu mamnuucayo Xarakada Al-Shabaab isagoo taasi qiil uga dhigay ilaalinta amaanka qoysaska iyo muwaadiniinta Canada.

Toews wuxuu farta ku fiiqay in dalka Canada ay mamnuuc k ayihiin dhamaan cid kasta oo xiriir la leh Al-Shabaab ama wax kasta oo ay leeyihiin ama taageera.


Xarakadutul Shabaab Mujaahidiin waxaa laga mamnuucay dhawr wadan oo ka tirsan Galeedka Yurub, iyadoo lagu sheegay kooxda kaliya ee sida tooska u beegsanaya dawlada KMG ah ee Soomaaliya ee awooda badan aan laheyn.

Wasiirkan ka tirsan xuluumada Canada wuxuu sheegay in ay heleen warar uga yimid bulashada Soomaalida ee Canada ku sugan oo ku aadan in Al-Shabaab ay isku dayayso inay qortaan dhalinta Soomaali Canadian-ka ah.

Arintaan ayaa ka danebeysay iyadoo dhawaan xukuumada Britain ay sheegtey inay dalkeeda ka mamnuucdey Xarakada Al-Shabaab, iyadoo sidoo kale laanta dambi baarista Mareykanka ee FBI-du ay baaritaan ku wado 20 dhalinyaro Soomaali ah oo ka tagey Minneapolis labadii sano ee ugu dambeysay kuwaasi oo la aaminsan yahay inay ku biireen Al-Shabaab si ay uga garab dagaalamaan.

Canada to ban militant Somali Islamist group

TORONTO (Reuters) - Canada will list al Shabaab -- a Somali-based Islamist militant group which recently pledged allegiance to al Qaeda -- as a "terrorist group" to prevent it from operating or seeking funds, the Canadian government said on Sunday.

Canada said it took action after it received reports from the Somali community that Al Shabaab has attempted to radicalize and recruit young Canadians.

"This government ... is determined that terrorist groups do not receive support from Canadian sources," Vic Toews, Canada's minister of public safety, said in a statement.

The listing prohibits Canadians from knowingly dealing with assets Al Shabaab owns or controls. It also makes it a criminal offense to knowingly participate in, contribute to, or facilitate certain activities of the group.

Britain's interior minister announced a similar move this month.

Western security agencies say Somalia, which has not had an effective central government for nearly two decades, has become a safe haven for Islamist militants.

Al Shabaab, which controls large parts of south and central Somalia, said last month it had joined "the international jihad of al Qaeda".

(Reporting by Jeffrey Hodgson, editing by Stacey Joyce)

 



Muuse maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666