Madaxweyne Sh Shariif iyo Wafdi Balaaran oo uu Hogaaminaayo oo goordhow dalka ka Duulay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho


march:7 Source: Somalisan news

Sheekh Shariif Sheekh Axmed Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wafdi Balaaran oo uu hogaaminayo ayaa maanta ka duulay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha waxaa wafdigiisa ka mid ah Gudoomiyaha Maxkamada sare Sheekh Maxamuud Cumar Faarax Indhabuur, Ra’iisul wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Maaliyadda Shariif Xassan Sheekh Aadan iyo wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta C/risaaq Cismaan Jurille, iyadoo madaxweynaha tagi doonaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaasi oo uu kaga sii ambixi doona dalka Ingiriiska.


Waxaa la filayaa in Madaxweynaha markii uu gaaro Magaalada Nairobi inay halkaasi ka sii raacaan Wasiirro iyo xildhibaano ka tirsan Dowladda KMG ah ee Soomaaliya, waxaana Wafidga madaxweynaha oo si weyn looga sugaayaa Dalka Ingiriiska oo uu uu Maalinta Berito uu tagayaa halkaasi.

Madaxweynaha soomaliya iyo Wafdigiisa ayaa la sheegay mudada ay joogaan Dalka Ingiriiska waxay kulamo la yeelan doonaan Madax ka tisrsan dalkaasi iyo iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkaasi Ingiriiska oo iyagu diyaargarow dheer u galay sidii ay ula kulmi lahaayeen wafdiga madaxweynaha Soomaaliya uu horkacaayo.




Muuse maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666