
Dagaal iyo duqeymo is barbar socday oo
ka soconayey qeybo ka tirasan xafadaha Magaalada Muqdisho oo soo
garey gabaldhicii
Dagaaladan oo bilowday saaka aroortii xiliga
salaada ayaa waxay ku faafeen xaafadaha waqooyiga Magaalada Muqdisho
sida Cabdicasiis, Shibis, Yaaqshiid, Maanbolyo ,kaaraan waxaana
ay risaastu gareysay qeyb ka fogfog halka dalaaku ka soconayey
sida ay ku soo waramayaan dad ka fog fog halka dalaaladu ka dhacayaan
waxaana dhinacyadu isu adeegsanayaan madaafiicda hobiyaha qoryaha
lidka diyaradaha ,B-M ka iyo madaaficda garbaha laga rido .
Meelaha ay madaafiicdaasi ku dhacday waxaa ka mid ah suuqa arjantiin
ee dagmada kaaraan iyo sidoo kale suuqa juungal ee dagmada yaaqshiid
Magaalada Muqdisho .
Mid ka mi dah dadka degaanka suuqa juungal oo saxaafada u waramayey
ayaa sheegay in uu indhihiisa ku aryey inta dhimasho iyo dhawac
ay geysteen madaafiicda ku hoobaneysay xaafada ajantiin ee magaalada
Muqisho .
Goobjogahaan oo diiday in magaciisa la xuso sababo amaan darted
in xaafada juungal ay ku dhaceen “madaafiic said ah in ka
bada 15 madfac ayaa ku soo dhacaday waxaana ugu daran suuqa juungal
iyogoob kale oo uu ku sheegay afarta geed oo isla xaafada ka tirsan
.
Goobjoogahaan ayaa sidoo kale sheegay in uu indhihiisa ku arkay
dhimashada ilaa 9 qof oo rayid ah isaga oo sheegay inuu sidoo
kale arkayey 13 qof oo qaba dhawacyo kala duwan .
Madaafiicdaan ayaa socotay maanta oo dhan, balse 10-saac xilliga
magaalada Muqisho ayaa waxaa la soo rakibtay qoryaha BM-ka, kuwaas
oo raxan raxan u dhacayey markiiba 21 madfac ayaa isku meel ku
hoobaneysay ayuu yiri isaga oo codkiisa caro lag adareemayey .
Dadka deegaanka ayaa bilaabay in ay guryahooda isaga cararaan
tiiyoo aysan garaneynin meel ay aadaan kuuna sheegaya in aysan
meelna u qorsheysneyn
Warku wuxuu intaa ku darayaa in dadka dhintay iyo kuwa dhawacmay
ay dhamantood wada yihiin dadkii deegaanka oo waa la wada garanayaa
isaga oo intaa raciyey in meydadkii guryahay lagu xareeyey
Intii ay socdeen duqeynaha iyo dagaalada waxaa dadka daad gureynayey
gaadiidka gurmadka deg deg ah ee ambalaazta oo ay keenta shirada
isgarsiinta ee nation link .
Dadka qaar ayaa kala garan wayey meel ay ka yimaadeen iyo halka
ay u socdaan ka dib markii ay madaafiicdu bilaabatay deegaanka
oo u badan guryo jiingado ka sameysan darted waxay waayeen meel
ay gabaad ka dhigtaan inta badan dadka rayidka ah ee ay waxyeeladu
soo gaadhay .
Duqeymahaan galabta ilaa saaka lagu garaacayey
qeybo ka tirsan waqooyiga Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka horeeyey
dagaalo iyo duqeymo maalmihii la soo dhafay ka dhacay inta badan
xaafadaha Magaalada Muqdisho waxaana ka mid aha kuwa ay isaga
horimanayeen ciidamo ka wada tirsan kuwa dowlada KMG Somaliya
kuwaas oo geystay qasaara isugu jira dhimasho iyo dhawac kala
duwan iyo sidoo kale dilal si gooni gooni ah uga dhacay deegaana
ay gacanta ku hayaan xoogaga Muqaawimada kuwaas oo shalay oo iyo
doraad lagu dilay tiro gareysa 5 ka isugu jirta xarakada mujaahidiinta
alshaab iyo ururka xisbul islaam kuwaas oo aan weli jirin cid
sheegatay in ay ka danbeysay dilalka loo geystay xubnaha iyo saraakiisha
xarakada shabaab iyo xisbul islaam .
Dagaalada manta ka dhacayey muqdisho ayaa waxaa ay u dhaxeeyaan
ciidamada xarakada Mujaahidiinta alshaab iyo cidamada dowlada
oo garab iyo gaashaanba ka helayo ciidamda Midowga Africa ee AMISOM
.
Dagaaladii ugu danbeeyey ee ilaa manata ka socday qeybo badan
oo ka tirsan xafadaha Mgaalada Muqdisho ayaa la soo warinayaa
in ay ku geeriyoodeen ku dhawaad 20 qof halka dhawacana u garayo
52 qof .
Dagaalka ayaa waxaa guulo ka kaal sheegtay xarakada mujaahidiinta
alshaab iyo dowlada fadaaalka KMG somaliya
Afahyeenka Mujaahidiinta alshaab Sh Cali Maxamed Raage ayaa saxaafada
u shegay in ay guulo wax ku ool ah ka gaareen dagaalkii ay la
galeen cidamada AMISOM iyo ciidamada Dowlada Fadaralka KMG somaliya
ka dib markii ay saaka weerar kadis ah ku qaadeen fadhiisimo ciidamada
dowlada KMG somaliya ay ku lahaayeen qeybo ka tirsan dagmooyinka
waqooyiga Muqdisho wuxuuna afhayeenku intaa ku daray in intii
badneyd ay la wareegeen goobihii saaka uu iska horimadku ka dhacay
wxuuna shegay in xiliga uu haladyey uu ku sugnaa hotel gbolab
ee magaalada Muqdisho isaga oo shegay in ay jiireen difacodii
labaad Afahayeenka ayaa shaki ka mujiyey in mardhow ay isku wareysan
donaan mujaahidiintu dagmada xamar weyne iyo gudaha madaxtooda
waa sida uu hadalka u dhigaye .
Sidoo kale Afhayeenka wasarada warfaafinta
ee dowlada Fadaralka KMG somaliya ayaa ka hadlay dagaaladii manta
oo ahaa kuwo faraha la isula tagay wuxuuna carabka ku adkeeyey
in aysan jirin wax goobo ah oo lagala wareegay ciidamada dowlada
Fadaraalka KMG Somaliya fadhiisimihii ay ku lahaayeen dagmooyinka
waqooyiga Magaalada Muqdisho
Muuse maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666
|