Abaaro iyo biyo la’aan ay dad badani u geeryoodeen ayaa waxa ay ka jiraan deegaano hoostaga deegaanka Ceeelgaras ee gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka Soomaaliya.?


march:10 Source: Somalisan news

Abaaro iyo biyo la’aan ay dad badani u geeryoodeen ayaa waxa ay ka jiraan deegaano hoostaga deegaanka Ceeelgaras ee gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka Soomaaliya.?


Abaaro baahsan oo sababay dhimashada Dad iyo Duunyo faro badan ayaa waxa ay faro kulul ku hayaan Dadka iyo Duunyada ku nool gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka Soomaaliya.

Inta la xaqiijiyay 15-qof ayaa ku geeriyootay tuulooyin hoostaga Deegaanka Ceelgaras ee gobolka Galguduud, waxaana meelaha sida aadka ah ay dadka ugu geeryoodeen kamid ah Shinniila, Kaduulay iyo Gubadlay oo dhamaantood hoostaga deegaanka Ceelgaras ee gobolka Galguduud.






Mid kamid ah nabadoonada ku sugan gobolka Galgaduud ayaa xaqiijiyay dhimashada 15-ruux isagoo sheegay in wali ay abaaruhu taaganyihiin.

Mudooyinkii ugu dambeeyay ayaa abaaro saameyn ku yeeshay Dadka iyo Duunyada waxaa laga soo sheegayay gobolka Galguduud ee barmaha dalka Soomaaliya kuwaasoo sida muuqata sababay dhimashada dadkani faraha badan.

 

 

 

 



Muuse maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666