Dowladda Holland oo marekanka wey disatay warbixin dheeraad ah oo ku saabsan wiilka somaliga ah?


march:10 Source: Somalisan news

Dowladda Holland oo marekanka wey disatay warbixin dheeraad ah oo ku saabsan wiilka somaliga ah?


Dowladda Holland ayaa weydiisatay dowladda Maraykanka in ay keento cadeymo dheeri ah oo ku saabsan eedeymaha loo heysto nin Soomaali ah oo Maraykanku uu doonayo in uu ka dhoofiyo wadanka Holland una qaado dalka Maraykanka si halkaasi loogu qaado dacwad la xariirta in uu taageeray xarakada AL Shabaab.

Max’uud Saciid Cumar oo ah ninkaan Soomaaliga ah islamarkaana heysta dhalashada dalka Maraykanka oo dhawaan ay qabteen ciidamada booliska dalka Holland kadib codsi kaga yimid dalka Maraykanka ayaa waxaa uu haatan dadaal ugu jiraa sidii loo baajin lahaa in uu gacanta u galo dowladda Maraykanka.





Mxkamada sare ee dalka Holland oo haatan gacanta ku heysa kiiska ninkaani ayaa waxaa ay Maraykanka weydiisatay in uu keeno cadeymo ku filan kiiska Max’uud Cumar,waxaana qareenka u doodaya ninkaan Soomaaliga ah uu shaki galiyay gacan galinta ay dalbatay dowladda Maraykanka.


Maxkamadu waxaa ay dowladda Maraykanka ka dalbatay in uu muujiyo cadeymaha uu u hayo eedeymaha uu ku heysto ninkaan Soomaaliga ah ee la xariira in uu Gacan saar la leeyahay Xarakada Mujaahidiinta AL Shabaab.

“Aadbaan ugu faraxsanahay in Maxkamada sare ee dalka Holland ay cadeymo dheeri ah weydiiso dalka Maraykanka taasoo ku aadan eedeynta Max’uud Cumar”ayuu yiri Qareenka oo la hadlayay warbaahinta.

Dalabka Maxkamada dalka Holland ayaa imaanaya xili dowladda Holand uu gacanta ugu jiro ninkaan Soomaaliga ah kadib markii bilowgii sanadkaan ay gacanta ku dhigaan ciidamada booliska ee dalkaasi waxaana dowlada maraykanka ay ninkaasi ku heysataa eedeyn la xariirta in uu dhaqaale ugu aruurinayay gudaha dalka Holland xarakada Mujaahidiinta AL Shabaab oo Maraykanku uu ku tiriyo in ay ka mid tahay Waxa loogu yeero argagixisada

 

 

 



Muuse maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666