Gudi qaramada Midoobay u qaabilsan la socoshada howlaha bini’aadanimada Soomaaliya ayaa sheegay in wax isdaba marin..

march:10 Source: Somalisan news

Gudi qaramada Midoobay u qaabilsan la socoshada howlaha bini’aadanimada Soomaaliya ayaa sheegay in wax isdaba marin iyo musuq maasuq lagu sameeyay raashinka Macaawinooyinka Soomaaliya iyo Fiisooyinka ay ku baxaan siyaasiyiinta Soomaaliye?

Gudi qaramada Midoobay u qaabilsan la socoshada howlaha bini’aadanimada Soomaaliya ayaa sheegay in wax isdaba marin iyo musuq maasuq lagu sameeyay raashinka Macaawinooyinka Soomaaliya iyo Fiisooyinka ay ku baxaan siyaasiyiinta Soomaaliyeed.

Warbixin ay soo saareen gudigaasi ayaa waxaa lagu sheegay in intabadan raashinka Mucaawinada ah ee loogu talagalay shacabka Soomaaliyeed loo weeciyo dhinacyo kale iyagoo gudigu sheegay in boqolaal jawaan oo ay ku qorantahay Calaamada WFP lagu iibiyo suuqyada kala duwan ee gobolada dalka Soomaaliya.

Gudiga qabilsan howlaha la socoshada bini’aadanimada Soomaaliya ee Qaramada Midoobay oo dhawaan ka guuray Magaalada Nairobi una wareegay Magaalada New York ee dalka Maraykanka arimo dhanka amaanka awgeed ayaa ku eedeyay WFP in gudaheeda uu ka jiro Musuq maasuq iyo wax isdaba marin.

si aad u dhageysato warbixinta oo cod ah riiix halkaan

Agaasimaha WFP ayaa sheegay in eedeyntaasi wali aanay soo gaarin hase yeeshee Barnaamijku uu eedeymahaasi baaritaano ku sameyn doono.

Warbixinta ayaa sidoo kale sheegaysa in wasiiro ka tirsan dowlada KMG iyo xubno ka tirsan Barlamanka, dublumaasiyiin iyo dalaaliin Madaxbanaan ay iyana si sharci daro ah suuqyada uga iibiyaan fiisooyinka dib lumaasiyadeed ee lagu aado wadamada dibada gaar ahaan qaarada Yurub.

Waxaa ay sheegeen gudiga qaramada Midoobay in masuuliyiintaasi ka tirsan dowladda KMG ee Soomaaliya ay fiisooyinka diblumasiyadeed ee la siiyo ay suuqyda ku iibsadaan iyagoo tilmaamay in halkii fiisaba ay ku gadaan 10 ilaa 15 kun oo doolarka Maraykanka.

Warbixinta ay soo saareen gudigaasi ayaa sheegeysa in boqolaal ruux oo Soomaali ah ay fiisooyinkaasi ku galeen wadamada qaarada Yurub kadib markii ay la baxeen lacagaha lagu iibiyo.

Sidoo kale warbixintu waxaa ay ku eedeynaysaa Madaxweynaha Maamul goboleedka Puntland in uu xariir dhow la leeyahay kooxaha burcad badeeda ee ka howlgala xeebaha ku dhow dhow Maamul goboleedka Puntland.

Warbixinta gudiga Baaritaanada ee Qaramada Midoobay ay soo diyaariyeen oo lagu wado in xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban-ki Moon la horgeeyo ayaa sidoo kale waxaa ku jira eedeymo kale ee la xariira in masuuliyiin ka tirsan dowladda KMG ee Soomaaliya ay ku howlanyihiin in ay howlgaliyaan dallaaliin Madaxbanaan oo Suuqyada uga iibiya fiisooyinka iyo dukumiintiyada kale ee lagu galo wadamada Yurub.

Muuse maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666