Maamulka Xizbul-islaam iyo masuuliyiinta 4-ta xaafadood ee Baladweyn oo kulan ku yeeshay Baladweyn.


march:10 Source: Somalisan news

Maamulka Xizbul-islaam iyo masuuliyiinta 4-ta xaafadood ee Baladweyn oo kulan ku yeeshay Baladweyn.

Kulankan oo aysoo qaban qaabiyeen Ururka Xisbul Islaam,ayaa waxaa looga hadlaayay,sida layskaga kaashan karo howlaha nadaafada ee Magaalada B/weyne,waxaana kulankan goob joog ka ahaa dadkii ka shaqayn jiray howlaha nadaafada.

Mas'uuliyiintii kasoo qaybgashay ee dhinaca Ururka Xisbul Islaam,ayaa waxaa kamid ahaa Sh,Ibraahin Yuusuf iyo ku xigeenkiisa C/qaadir Max'ed Geedi oo ah madaxda arimaha bulshada,waxaana falaqayn kadib laysku afgartay in dadka ka shaqaynaayo nadaafada ay ku shaqeeyaan si folonteri ah,maadaamaa aan dalka wax u qabadkiisa cidna laga xigin.

Sheikh Ibraahin Yuusuf ayaa goobta ka sheegay in ay diyaar u yihiin dhankooda in ay ka qaybqaataan nadaafinta Magaalada,islamarkaasina ay dhinacooda Xaaqinka iyo Qalabka kale ee wax lagu nadiifo ay ka qaadan doonaan,si markaasin wado jir loogu shaqeeyo.
Sh,Ibraahin Yuusuf ayaa waxaa uu intaasi ku daray in haatan uu Maamulka ballan qaadi karin,tasiilaad ay siinayaan dadkan,laakiin waxaa uu sheegay in wax uu larajaynaayo sida ay noqotaba.





Qaar kamid ah gudiyadii Xaafadaha iyo Haweenkii loogu yeeray in ay ka shaqeeyaan nadaafada oo goobta ka hadlay ayaa waxaa ay muujiyeen sida ay diyaar ugu yihiin ka shaqaynta dhinaca nadaafada si folonteer ah,iyadoo ugu danbeyntii laysku afgartay in maalinta bari ah ay shaqada si toos ah u bilaabato.

Maamulka Ururka Xisbul Islaam ee Gobolka Hiiraan,ayaa mudooyinkii ugu danbeeyay waday sidii looga shaqayn lahaa oo loomeel marin lahaa ciribtirka iyo wacyigelinta ka hortaga nadaafad darida,iyadoo haatan taasi marayso meel gabo gabo ah.

 



Muuse maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666