
Waxgarad iyo odayaal ka socda beesha Mudulood
oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa
sheegay in ay kulan la qaateen madaxda sare ee Dowlada Somalia
ayna kala hadleen xaaladaha dalka iyo arimo kale oo quseeya beesha.
Xuseen Jilacow Dhegacadde oo ka mid ahaa odayaasha shirkaasi jaraa’id
qabtay ayaa sheegay in madaxda sare ee dowlada Somalia ay ka ogolaadeen
codsi ay beel ahaan hordhigeen oo ahaa inaan xilka qaadis ku sameynin
Maareeyaha guud ee dekeda Muqdisho Cabdi Jiinow Calasow.
“Waxaan u mahad celineynaa masuuliyiinta sare ee dowlada
sida madaxweynaha Shariif Shiikh Axmed Gudoomiyaha Baarlamanka
Shiikh Aadan Madoobe iyo ra’isul wasaaraha Cumar C/rashiid
Cali Sharma’arke oo naga ogolaaday codsigeenii si fiicana
noo soo dhoweeyey” ayuu yiri Nabadoon Xuseen Jilacow Dhegacadde.
Sidoo kale. waxaa halkaasi ka hadlay Xasan Cali Maxamed (Wareento)
oo ka mid ah waxgaradka beesha Mudulood isagoo sheegay in beesha
Mudulood ay u dhan tahay codsigaasi aysana jirin wax khilaaf ah
oo arintaasi ka taagan wuxuuna xusay in beeshu ay si buuxda u
garab taagan tahay dowlada Somalia.
Hadalkan ka soo yeeray waxgaradka beesha Mudulood ayaa ku soo
beegmaya xilli mudooyinkii ugu dambeeyey ay soo baxayeen warar
la isla dhexmarayey oo sheegayey in masuuliyiinta dowlada Somalia
ay doonayaan iney xilka ka qaadaan maareeyaha guud ee dekeda Muqdisho
Cabdi Jiinow Calasow oo ah masuul wax badan ka soo qabtay kana
soo shaqeeyey dekeda Muqdisho oo ah Isha ugu weyn ee dhaqaalaha
ugu badan uu ka soo galo dowlada Somalia.
Muuse maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666
|