Dagaalo culus oou dhaxeeyo ciidamada dowlada & AMISOM iyo xoogaga dagaalka kula jira oo ka soconaya qeybo ka tirsan xaafadaha waqooyiga Muqdisho


march:10 Source: Somalisan news

Dagaalo culus oou dhaxeeyo ciidamada dowlada & AMISOM iyo xoogaga dagaalka kula jira oo ka soconaya qeybo ka tirsan xaafadaha waqooyiga Muqdisho
Dagaalkaan oo la isu adegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan iyo madaafiicda lidka diyaradaha ayaa waxaa ka qeybqaadanaya tangiyada iyo gawaarida Gaashaaman qoryahay B.M -ka ciidamada Midowga Africa ee AMISOM kuwaas oo garabsiinaya ciidamda dowlada .

Saaka waaberigii xiligii salada subax ayaa waxaa magaalada oo dhan wada garey gugaca madaaficda lidka diyaradaha iyo taangiyada dhawaqaas naxdinta leh ayaa inta badan dadka muqdisho hurdada ka toosiyey inkasta oo ay jiraan figrado kala duwan oo laga bixinayey qaabka uu dagaalku ku socdo .





Dagaalka xoogiisa ayaa ka soconaya qeybo ka tirsan waqoyiga Magaalada Muqdisho sida kaaraan Shibis iyo cabdicasiis iyada oo ciidamadu haatan iskuhorfahdiyan inta u dhaxeyso hotel GLOBAl iyo bar FIAT oo waayadii u danbeysay ahaa xadka kala qeybiya dhulka ay ka taliso dowlada iyo xoogaga muqaawimada .

dagaalka oo weli soconaya ayaan laga warheynin inta uu la egyahay qasaaraha soo gaarey dhinacayada dagaalamaya iyo dadka rayidka ah ,warar hordhac ah oo ka soo baxaya goobaha ay dagaaladu ka soconayaa ayaa shegaya ay dhimashadu si cagacageyneyso ilaa Afar ruux halka dhawacuna garayo il 9 kale .

ma jiraan wax war ah oo ka soo baxay dhinacyada dagaalka isaga soo horjeedo sidoo kale ma jiraan wax rajo ah o laga qabo in dagaalada Muqdisho ay joogsadaan xiliyadaan dhow

waxaana jiri kara in ay so bataan isku dhacyada iyodagaalada ka dhacaya qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho waxaana dhinac socdo madaafiic waaweyn iyo qoryahay lidka dilyaradaha iyada oo ay jiraan barakac ay bilabeen dadkii yaraa ee ku harsanayaa xaafadaha dagaalku ka soconaya .

base maxaa jira daganaansho laga dareeemayo xaadafada l ajaarka ah halka dagaalku ka soconay sida xafadaha boondheere shangani ,mana bolyo iyo yaqshiid

wixii war ah ee ka soo baxa waxaan idinkuugu soo gudbin doonaa wararka yada danbe



Muuse maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666