Alqacidada Jasiirul carab oo Alshabaab usoo Jeedisay mahad celin Balaaran oo ku aadan dagaalyahanada ay u dirayaan

Source: Somalisan news Feb:9

 

fariin Cod ah oo uu soo duubay Hogaamiyaha labaad ee Ururka Al-Qaciddada Jasiiratul carab Saciid Al-shuhri, isla markaana lagu faafiyay Qaar ka mid ah qaar ka mid ah Website-yadda ayaa waxa uu uga mahadceliyey xarakada Al-shabaab Al-mujaahidiin dagaal yahanadda ay u dirayaan dalka Yemen si ay uga barbar dagaalmaan Al-qaacidada Jasiiratul Carab.

Saciid Al-Shahri oo ah K/Xigeenka ururka Al-Qaacida jasiirada dalalka Carabta ayaa ku sheegay cajaladaasi inuu isagu rajeynayo iminka marin biyoodka Baabul Mandab inay gacanta ku dhigaan, taasi oo uu sheegay arrintaasina inay ka qeyb qaadanayaan kooxaha ay xiriirka la leeyihiin sida ururka Al-Shabaab oo kale.

Ninkaan oo u dhashay dalka Sacuudiga isla markaana loo yaqaan Saciid Al Shahri ayaa tilmaamay in gacan biyoodka Baabul Mandab uu muhiim u yahay, bacdamaa uu kala baro Badda Cas iyo Gacanka cadmeed.

Mas’uulka labaad ee ururka Al-Qaacida u qaabilsan dalalka jasiirada carbeed ayaa ugu baaqay kooxaha Soomaaliya ka dagaalamaya ay la garab geli doonaan sidii arrintaasi ay ku suurtageli lahayd.

Hadalka ururka Al-Qaacida ee jasiirada Carabta ayaa ku soo beegmaya xilli dhowaan ururka Al-Shabaab sheegay in dowlad hoos tagta ururka Al-Qaacida ay ka dhisayaan dalka Soomaaliya.

Muuse maxamuud Jiisow
somalisan39@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666