Dowladda Japan ayaa noqotay dowladdii u horeysay lacago malaayiin
doolar ugu deeqda Dowladda Soomaaliya, lacagtaasoo gaareyso $35.2million,
kadib markii magaalada Tokiyo uu kaga dhawaaqay Wasiirkaarrimaha
Dibada Japan Katsuya Okada.
Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya Cali
Axmed Jaamac Jengeli oobooqasho ku jooga magaalada Tokiyo ayaa
dhigiisa dalka Japan Mr Katsuya Okada waxay ka wada hadleen arrimaha
soomaaliya.
Mr Katsuya Okada ayaa sheegay
in ay dib u soo nooleynayaan doorkiisiyaasadeed ee Japan ku laheyd
Soomaaliya, waxaana uu cadeeyay in aytaageerayaan dowladda hada
ka jirta Soomaaliya si ay lugaheeda uguistaagto.
Wasiirka Arrimaha Dibada Japan ayaa shir
jaraa'id oo ay si wada jir ah ugu qabteen magaalada Tokiyo isaga
iyo Wasiirka Arrimaha DibadaSoomaaliya wuxuu sheegay in Japan
ka taageereyso Dowladda soomaaliya dhinacyada Ammaanka, la dagaalanka
burcad badeedka iyo sidii hey'adahadowladda u siin laheyd tababaro.
Japan ayaa noqoneysa dowladdii u horeysay
ee ugu yaboohda dowladdasoomaaliya lacagtii ugu faraha badneyd
tan iyo markii lagu soo dhisayjabuuti, inkastoo Dowladaha deeqda
bixiya ay sanadkii la soo dhaafay shirkii Brussles ugu deeqeen
ilaa labo boqol malyuun, kuwaasooqaarkood aanay dowladda soo gaarin
Muuse maxamuud Jiisow
somalisan39@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666
|