wafdi balaaran oo uu hogaamiyano wasiirka Arimaha gudaha Sheekh Cabduqadir Cali Cumar oo u ambabaxay dalka kenya

Feb:8 Source: Somalisan news

 

warar naga soo gaarey goor dhaweyd gudaha garoonka diyaradaha ee adan cade International airport ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in halkaasi uu ka duulay Wasiirka arrimaha gudaha ee Jamhuuriyadda Soomaaliya Sheekh Cabduqadir Cali Cumar iyo wafdi Balaaran oo uu hogaaminayo iyagoo u kicitimay dhinaca magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Wasiirka Arrimaha gudaha Sheekh Cabdulqaadir Cali Cumar iyo Wafdigiisa ayaa booqasho kooban oo la xiriirta kulamo uu la yeelanayo hey,ado ka tirsan QM, iyo xubno ka tirsan beesha Caalam ku tegaya dalka Kenya, iyadoo ay martiqaad u fidiyeen Xubno ka tirsan beesha caalamka oo ku sugan Nairobi.

Wasiirka ayaa kahor inta uusan ka duulin gegida diyaaradaha Muqdisho waxaa uu warbaahinta u sheegay in socdaalkiisu la xiriiro sidii deeq bixiyayaasha uu uga codsan lahaa in la soo kaamilo qalabka iyo dhaqaalaha Ciidamada Booliiska Soomaaliya ay ku howl-gelayaan, sidoo kale waxaa uu tibaaxay inuu Xubnaha beesha caalamka kala hadli doono hormarinta maamulada dalka.

Waxaa wafdiga wasiirka uu hogaaminayo ka mid ah wasiirka qorshaynta iyo Iskaashiga caalamiga ah,wasiiru dowlaha qorshaynta qaranka iyo xubno kale oo labada gole ka tirsan

Muuse maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666