|
Xarrakatul
Shabaab oo dagaal kula jira Dowladda Soomalia ayaa maanta kusoo
bandhigtay Muqdisho sarkaal ay sheegtay inuu kasoo goostay iyo
hub fara badan.
Bandhigga sarkaalka iyo hubka oo ka dhacday
Xeradii hore ee Guulwadayaasha ayaa waxaa hadal ka jeediyay Afhayeenka
Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali
Dheere), wuxuuna sheegay inay mahad u celinayaan sarkaalka soo
goostay.
"Walaalkeen wuxuu go'aan ku gaaray inuu difaaco diinta iyo
dalka, wuxuuna kasoo baxay kooxda u adeegaysa danaha shisheeye,
ciidamada kale ee ku harsanna waxaan ugu baaqaynaa inay kasoo
baxaan" ayuu yiri Sheekh Cali Dheere oo sheegay in cid walba
oo u timaada ay cafis u fidinayaan.
Sarkaalka soo goostay oo magaciisa ku sheegay
Baashi Axmed Urur ayaa xusay inuu ka tirsanaa saraakiishii hore
ee Somalia uuna hadda madax u ahaa ciidamada ku xareysan Jasiira,
isagoo ugu baaqay ciidamada iyo saraakiisha uu kasoo tagay inay
kusoo biiraan kooxaha Dowladda ka horjeeda.
"Xeradii aan ka tirsanaa waxaa ka
dhacay dagaal u dhexeeya ciidamada, waxaana isaga dilnay 5-askari,
kuwaasoo aanay wax jawaab ah ka bixin DFKMG ah, taas ayaana sabab
u ahayd inaan kasoo goosto" ayuu yiri sarkaalkan.
Hubka oo gaarayay 50-qori oo kuwa fudud
ah ayaa la sheegay inay wateen askar sakaalka lasoo goostay, balse
aan meesha lagu soo bandhigin, waxaana sarkaalku uu si kooban
u sheegay in isaga iyo askartu ay xalay u soo talaabeen dhinacan.
Dowladda Somalia ayaan weli ka hadlin sheegashada
Xarrakatul Shabaab ee ah inuu dhankooda kusoo biiray sarkaalka
kasoo goostay DFKMG ah iyo askar la socday, iyadoo Afhayeenku
uu sheegay inay weerarradii xalay iyagu mas'uul ka ahaayeen.
Muuse maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666
|