Dowladda soomaaliya ayaa Ergay qaas ah u magacaawday wadanka mareekanka

Feb:8 Source: Somalisan news

 

Madaxweynaha soomaaliya Sharif Sheik Ahmed ayaa sirasmi ah ugu magacaabay Abukar Addow Arman,in uu noqdo ergayga soomaaliya u fadhin doona wadanka mareekanka.

War bixinta shaley laga soo saarey xafiiska madaxweynaha soomaaliya Sharif Sheik Axmed ayaa oo lagu muujinaayay magacaabista Abukar Addow Arman ayaa waxaa kaloo ku qorneed in mudanaanta ugu horeyso la siinayo xiriirka u dhexeeya labada wadan soomaaliya iyo mareekanka.

“Tani waa tillaabo horey loogu qaaday,siddii loo adlkeen lahaa iskaashiga u dhexeeya labada wadan ee saaxibada ah Somalia iyo mareekanka ” ayaa ku qornaa war saxaafadeedka ka soo baxay xarunta madaxtooyada soomaaliya.

Mr. Aman oo da’ada 40 jirka guda galay ayaa in kabadan 30 sano ku noolaa wadanka mareekanka.waxaana uu noqonayaa qofkii ugu horeeyay ee si rasmi ah loogu magaacabo soomaaliya in uu u fadhiyo wadanka mareekanka tan iyo intii doowladdii dhexe burburtay 199-kii.

Dowladda soomaaliya oo itaal daran,haddana magaalada muqdisho waxa ay ka maamushaa goobo aad u yer,laakin waxaa ay taageero ka heesataa beesha caalamka.tii oo ay jirto,haddana waxaa dagaalo joogta ah kala kulantaa kooxo mucaarad ah oo ka soo horjeeda DKMG ah ee soomaaliya.

Dagaallada ka dhacay magaalada muqdisho kaliya waxa ay saameen ku yeesheen in kabadan 20,000 oo qof,kuwaasi oo ubadan dad rayid ah iyadoo 1.5m oo qof oo kale ilaa bishii January2007 ay noqdeen kuwo dagaalada sameen ku yeeshay.

QM,ayaa aad uga walaacsan xaallada quusta ee ka jirta wadanka geeska Africa ku yaala,iyadoo qiyaastii 3.5 million oo qof oo ah kala barar dadka guud ahaa ee soomaaliya ku nool ay yihiin kuwo ubaahan kaalmo dagdag ah
mohamedkafi01@gmail.com

Muuse maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666