Abaara
2:00-habeenimo ayaa la maqlay dhawaca rasaasta noocyadooda kala
duwan iyo madaafiic kaasi oo ay is dhaafsanayeen ciidamada dowlada
KMG ah iyo xoogaga ka horjeeda ee isku hor fadhiya xaafado ka
mid ah Bariga Magaalada Muqdisho.
Madaafiicda labada dhinac is dhaafsanayeen
ayaa wal wal xoogan ku abuuray dadka Rayidka ah ee ku dhaqan Muqdisho
oo xiligaasi ahaa kuwo hurdaya isla markaana ku sugan guryahooda.
Qaar ka mid ah dadka degmooyinkii xalay dagaalku ka dhacay oo
saaka xiriiro kala duwan la sameynay ayaa inoo xaqiijiyay in dagaalkii
xalay uu khasaare dhimasho iyo dhaawac ah u gaystay dad rayid
ah.
Ilaa iyo 3-ruux ayaa la sheegay in ay ku
geeriyoodeen degmooyinka boondheere iyo wardhiigleey oo ahaa halka
dagaalada ugu xoogan ka dhacayeen.
Sidoo kale dagaalka ayaa la sheegay in ay ku dhaawacmeen dad ku
dhaw 10-ruux kuwaasi oo lagu dabiibayo isbitaalada Muqdisho.
Lama oga khasaaraha soo kala gaaray dhinacyadii
dagaalamay,iyada oo aan jirin wax war ah oo ka soo kala baxay
labadaasi dhinac oo ay kaga hadlayaan dagaalkii xalay dhex maray.
Xaalada Magaalada Muqdisho ayaa saaka ah
mid aad u dagan waloow dadka si weyn u hadal hayaan dagaalkii
xalay iyo waliba dhaq dhaqaaqyada ciidan ee wali laga dareemayo
dhinacyada ku hardamaya Magaalada Muqdisho.
Muuse maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666
|