Ciidamo Ethoopiyaan ah oo aad u faro badan, Islamarkaasina wata
gaadiidka dagaalka ayaa soo buux dhaafiyay halka lagu magacaabo
Sariiraale, iyagoo halkaas durba ka bilaabay dhaq dhaqaaqyo Ciidan
oo aan ujeedkooda la garaneyn ilaa hada..
Wadayaasha gaadiidka ka shaqeeyo Gobolada
dhexe iyo Ismaamulka soomaalida,ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada
Itoopiya halkaasi isku balaariyeen,kuwaasi oo ka samaystay sida
ay wararka sheegayaan dhufaysyo kala duwan,sida Buuraha ku teedsan,iyadoo
arintaasi dadka deegaanada ku dhalisay xabsi xoogan oo ay ka qabaan
Ciidanka halkaasi soo dagay.
Ciidamadan Itoopiyaanka ah ayaa waxaa la'ogayn
ujeedkooda iyo halka ay ku wajahan yihiin,hase ahaatee waxay tani
qayb ka noqonaysaa dhaqdhaqaaqyada Ciidan ee ka jira koonfurta
iyo bartamaha soomaaliya.
Arintan ku aadan Ciidamada Itoopiya,ayaa waxaa siwayn looga dareemayaa
deegaanada Gobolka Hiiraan, gaar gaar ahaan Magaalada B/weyne,oo
ay ka taliyaan Maamul ay leeyihiin Xisbul Islaam,waxaana gudaha
Magaalada B/weyne lagu arkayaa dhaq-dhaqaaqyada ay samaynayaan
Ciidamada Ururka Xisbul Isalam iyo Shabaabul Mujaahidiin,yadoo
Ciidamadooda ku daabulaya gaadiidka waawaayn ee dadwayanah.
Inkastoo aan la'saadaalin karin halka ay
ku danbayn karaan xiisadahan laga dareemaayo Gobolada dhexe ee
soomaaliya,ayaa waxaa jira hadane guluf dagaal oo ay wado Dowlada
KMG ah,oo ku aadan sidii ay gacanta ugu dhigilahayd deegaanada
ka maqan oo ay hada ka taliyaan Xoogaga kasoo horjeeda.
ibraahingeedi@hotmail.com
Muuse maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666
|