Ciimdamo Ethiopian ah oo ah horboodayaan ciimado Somali ah oo soo gaarey dagmada ceelbarde oo ka tirsan Gobolka Bakool

Feb:7 Source: Somalisan news

 

Wararka laga helayo Degmada Ceel-Berde ee Gobolka Bakool ayaa ku waramaya in ciidamo Ethoobiyaan ah oo ay la la socdaaan ciidamo Soomaali ah in ay soo gaareen Degmada Ceel-Barde .

Dad deegaankaasi ayaa sheegaya in ciidamada Etoobiyaanka ah ay yihiin kuwa aad u faraban oo wata gadiidka dagaalka, waxaana la sheegay in markii ay soo galeen magaalada ay isku fidiyeen xaafadaha magaaladaasi.

Sidoo kale dadka ayaa sheegaya in cidamada Etoobiyaanka in ay la socdaan ciidamo Soomaali ah oo ay ku sheegen in ay yihiin kuwa muqaal ahaan u labisnaa ciidamada Etoobiya oo kale , waxaana lagu sheegay in ciidamamadaasi ay yihiin ciidamo ka tirsan dowlada KMG oo ay ay dowlada Etoobiya dalkeeda ku soo tababartay.

Ciidamada Etoobiyaanka ah iyo kuwa Soomaalida ah ee soo garay degmada Ceel-Barde ayaa la sheegay in ay magaalada ka qabqabteen dhalinyaro lagu sheegay in ay ahaayeen dadka deegaanka, waxana ciidamada Etoobiya iyo kuwa soomaalida ah imaanshahooda deegaankaasi uu cabsi ku abuuray dadka degmada Ceel-Barde oo ka baqdin qaba in dagaalo halkaasi ay ka dhacaan maadaama gobolka bakool intiisa badan ay ka canta ku hayaan kooxaha Islaamiyiinta ah.

Imaantinka ciidamada Etoobiya ayaa waxa uu imaanay xili dowlada KMG ah ay sheegtay in ay wado qorshayaal ay ku weerareeyso kooxaha ka soo horjeda , waxaana sidoo kale jirta in deegaano tirsan gobolka Hiiraan ay soo gaareen ciidamo Etoobiyaan ah.

Muuse maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666