Cabsi laga qabo in dhalinyaro Somali ah oo gacan milatari ka helayo dowlada sinbaawi ay weeraro ku qaadaan ciyaraha aduunka

Feb:7 Source: Somalisan news

 

wararka ka imanay sirdoonka dalka Mareekanka FBI da ayaa ka digaya in weeraro lagu qaado ciyaaraha aduunka kaas oo ay iska kaashanayaan n dhalinyaro Soomaali ah oo gacan ka heleeysa dowlada Simbabwe

Dowlada Mareekanka ayaa waxa ay sheegtay in dhalinyaro Soomaaliyeed oo gacan ka heleeysa dowlada Dalka Simbaabwe ay qorsheeynayaan in ay weeraro ku qaadaan ciyaaraha Aduunka ee lagu wado in bilaha soo aadan uu ka furmo dalka South Afrika.

Waaxda sirdoonka dalka Mareekanka ayaa waxa ay shegatay in dhalinyaro farabadan oo soomali ah islamarkaana ka mid ah kooxaha islaamiyiinta ah ay gaaren Dalka Simbaabwe oo ay haatan qorsheynayaan in ay weeraraan ciyaaraha Aduunka.

Sidoo kale Waxada Sirdoonka Mareekanka ayaa waxa ay shaaca ka qaaday in Madaxeynaha Dalka Simbaabwe Robert Mugaabi iyo Wadaadka lagu magacaabo Sheekh Mukhtaar Cali oo ka ay ku sheegeen in uu ka ka mid yahay waxa loogu yeeray Argagixisada oo ku sugan Dalka yemen xirir ayla leeyihiin oo ay haatan wadaan qorshayaal dowlada Simbaabe ay ku fududeeyneeyso weerarada la damacsan yahay.

Waaxda Sirdoonka Dalka Mareekanka ayaa waxa ay ugu baaqday dowlada South Afrika in ay ka taxadarto amaanka gobaha ciyaaraha iyadoona Madaxweynaha Dalka Simbaabwe ugu baaqay in uu ka fiirsado weerarda uu ufududeeyn rabo dhalinyarada Sooamlida ah ee ka tirsan Islaamiyiinta .

Hadalkaan ka soo baxay waaxada Sirdoonka dowlada mareekanka ayaa imaanaya xili lagu wado in mudo afar bilood ka dib dalka South Afrika ay ka bilaawdaan ciyaaraha Kubada cagta ee Aduunka.

Muuse maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666