Jaamacada Banadir waxay Ogeysiinaysaa ardayda dhameysatay dugsiyada sare iyo dadweynaha jecel waxbarshada in ay furtay Qeyba Cusub oo ka tirsan Kulliyadda Shareecada iyo Qaanuunka sanad waxbarashadeedka 2009-2010. Semesterka 2aad Jaamacaddu waxey qaadaneysaa arday Cusub Takhasusaadyada kala ah:

Feb:7 Source: Somalisan news

 


E-mail Address: benadiruniversity@yahoo.com Or www.benadiruniversity.net


Ogeysiis
Jaamacadda Banaadir oo looga bartay waxbarasho tayeysan, Takhasu-saad Saynis ah, Macalimiin waayo-arag ah iyo Shahaado Caalami ah, waxey Ogeysiinaysaa ardayda dhameysatay dugsiyada sare iyo dadweynaha jecel waxbarshada in ay furtay Qeyba Cusub oo ka tirsan Kulliyadda Shareecada iyo Qaanuunka sanad waxbarashadeedka 2009-2010. Semesterka 2aad Jaamacaddu waxey qaadaneysaa arday Cusub Takhasusaadyada kala ah:
A. BA. Shareeca iyo Qaanuun
B. BA. Diraasaadka Islaamka


Barnaamijka waxbarshada oo ah 8 Semester, loona qaadanayo si waafaqsan duruufaha ardayga laba waqti:
1. Maalmaha asbuuca oo dhan Saacadaha Waxbarashada.
2. Khamiis & Jumca Saacadaha waxbarshada oo dhan.

Shuruudaha Qabuulka:

1. Arji uu ku codsanayo kulliyadda Sharciga
2. Shahaado dugsi sare oo raad raac leh (Asal iyo Koobi)
3. Warqadda Sugnaanta (Asal iyo Koobi)
4. Lix sawir oo mideb leh (Passport size 6X4 CM)
5. Asluub wanaag kasoo baxday hay’ad la aqoonsanyahay.
6. Gal bir leh oo lagu xafido Dukumiintigiisa.
7. In uu ku guuleysto Imtixaanka Qabuulka Jaamacadda.

Qabashada Codsiyadu waxey bilaabmaysaa 07/02/2010 waxeyna soconeysaa ilaa 27/02/2010 oo la qaadayo Imtixaanka gelitaanka Jaamacadda.
Codsiyada waxaa lagu soo hagaajinayaa xarunta jaamacadda oo ku taal KM5, galbeedka Hotel Amiira.

Wixii faahfaahin dheeri ah kala soo xiriir Telefanada Jaamacadda: 858995/225363/934724/ 5839898/962030, Fax: 920287 ama
E-Mail: busharialaw@gmail.com ama info@benadiruniversity.net



Muuse maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666