Idaacad cusub oo ay maalgelinayso AMISOM kuna hadlaysa afka Somaliga oo laga furay Nairobi sababtu Maxay tahay ,xagee lag adhageysan doonaa ?

Source: Somalisan news Feb:27

inkasta oo la filayey in mid ka mid ah idacadaha Muqdisho kahowlgala loo raro xarunta weyn ee ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin xaradii xalane ayaa hadana waxaa soo shacbaxday inla helay qorshe kale oo lagu dhisayo radio bar-kulan oo awood uleh inlaga dhageysto gobolada fogfog ee dalka iyo wadamada dariska ah sida kenya,Tanzaniya,Ugandha,Sudan,Ethiopia,yamen iyo kuwo kale

idaacadaan ayaa waxaa maal galinaya ciidamada AMISOM oo iyana gacan Mugleh ka helayo qaramada Midoobey iyo mareykanka waxaana laga dhageysan karaa mowjadaha gaagaaban waxaana lagu soo xiri donaa Idacada FM ta ee radiyo Muqdisho sida aan ku helayno warar hose ,waxaana weliba la qorsheynayaa in laga wareego dhageystayaal badan oo hada ku xiran idaacadaha FM yada kale ee laga dhageysto Magaalada Muqdisho waxaan idacadu ku hadli doonta Afsomali sacada ay hawada ku jirto oo dhan

wasaarada warfaafinta ee dowlada Fadaralka KMG somaliya ayaa xaqiijisay in ay dhawaan heshiis la galeen maamulka Idacada ayna siisay ruqsad waxaana ugu qoran in ay tahay idacada dhexdhexaad ah

waa cadow kale oo ay la yimaadeen kuwa nagu soo duulay ayuu yiri mid ka mid ah dad fikirkooda ka hadlayey iyaga oo fadhi ku dirir ku yeeshay goob biibito ah oo shaaha laga cabo .

runtii waa arin dhabar jab ku ah howlaha ay dalka ka wadaan xoogaga dowlada ku kacsan isla markaana diidan joogitaanka ciidamda shisheeye ee gudaha Somaliya .

icadaan iyo webkeeda ayaa waxaa shaqalaha lagu qoranayey qadka talephonka iyada oo wariyihii aan la doneyn logu jawabayey shir baan ku jiraa kii loo aqoonsado in uu ku haboon yahay idacada bar-kulan lagu qaadanayey ugu yaraan bishii $2000 dolarka mareykanka ah waana arin soo jiidasho mudan .

habadaba maamulka idacada oo ayaa soo saarey qoraal dheer oo loogu talagalay in lagu faafiyoqeybha warfaafinta soo galitaanka Masraxa idacadaha Muqdisho inkasta oo la cadeeyey in ay taageeri doonto ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada ayaan hadana weli la cadayn in ay wararka ka baxa idacada radio Muqdisho si toos ah loogu xiri doono waraka ka baxa iyo barnaamijyada si radio Muqdisho looga dhageysto meelo fogfog .

idacadaan ayaa loogu tala galay in ay wax ka bedesho borobogandada ay fidinayaa idacaha ku yaal qeybaha ay gacanta ku hayaan xoogaga dowlada ku kacsan , kuwaas oo mararka qaarkood lagu xanto in ay u xagliyaan dhanka mucaradka

idacadaan iyo webkuba wariyayaal iyo xafiisyo kuma yeelan doonaan qeybaha ay gacanta ku hayaan xoogaga dowlada ku kacsan waxayna wararka ku heli donaan si dhuumaaleysi ah iyo codod ay ka xadaan dadka rayidka ah qaarkood .

xarakada Mujaahidiitna alshabaab ayaa horey u shacisay cidii dhageysata iyo cidii ka hadasha idaacada radio Muqdisho in talaabo sharc ah laga qaadi doono ayna tahay in la dhageysto danbi laga galay dadka ,diinta , iyo dalkaba

warsaxafadeedka ayaa u qoraa sidaan Radio Bar-kulan oo ah Idaacad cusub oo ku hadlaysa Afka Somaliga ayna maalgelinayso AMISOM ayaa laga furay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, taasoo lagu wado inay maalmaha soo socda hawada soo gasho, sida ay shaaciyeen mas'uuliyiinta Idaacaddaas.

Xiliga Subixii waxaa laga dhagaysan doonaa mowjadda gaaban ee 19 mitir band oo la mid ah 15750 Khz saacaddu markay tahay 08:00 - 09:00 aroornimo, halka fiidkiina laga dhageysan doono mowjadda gaaban ee 31 mitir band oo u dhiganta 9960 iyo 9930 saacaddu markay tahay 7:00 - 8:00 fiidnimo.

Muddo gaaban kaddib marka la gaaro bisha Maarso ee soo socota waxaan la filayaa in laga dhageysan doono hirarka FM-yada ee gobolada dalka Somalia. Sidoo kale waxaa laga dhagaysan doonaa dhamaan barnaamijyada raadiyaha barta Internet-ka.

Bar-kulan waxa uu tiigsanaysaa hadaf ah nabad ku soo dabaalidda Somalia, waxayna barnaamijyadiisu u badnaan doonaan kuwo ku salaysan nabadda, waxbarashada, iyo madadaalada, waxaana ku yaraan doona barnaamijyada ka hor imaanaya nabadda, buun buunin kara colaadda haatan taagan ama horseedi kara dhibaatooyin hor leh.
Bar-kulan Waxaa ka hawlgali doona shaqaale khibrad sare leh oo ka soo shaqeeyey warbaahinta gudaha iyo tan dibadda, soomaalida dhexdeedana sumcad ku leh, Waxa uuna dadka soomaaliyeed sii doonaa fursad ay nabadda ku dhiiri galiyaan.

Bar-kulan gacansaar lama lahan dhinacyada isku haya siyaasadda Soomaaliya, ururada bulshada, ganacsatada, ururada caalamiga ah sida Qaramada midoobay, midawga afrika, jaamacadda carabta, ururka wadamada islaamka, urur goboleedka igad iyo hawlgalka Amisom.

Tifaftiridda guud ahaan barnaamijyada Bar-kulan waxaa si madax banaan u hogaamin doona suxufiyiin soomaali ah oo ku xeel dheer mihnadooda shaqo, aqoon durugsana u leh xaaladda guud ee dalka, tan gobolka, iyo caalamkaba.

Bar-kulan hadafkiisa kama dambaysta ah waxa uu yahay ummadda soomaaliyeed oo dib u soo ceshata xasiloonidii iyo kala dambeyntii kuna waarta nabad iyo maamul wanaag.



Muuse maxamuud Jiisow
somalisan39@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666

 

 

 

 

 

 

Ku Laabo Bogii hore