
Kartuuniiste Aadan Faarax Afey (Aadan Afey) oo ku nool magaalada
Muqdisho isla markaasina si weyn looga yaqaan guud ahaan dalka
Soomaaliya, ayaa maanta soo bandhigay sawiro ka tarjumaya xaaladda
dalka Soomaaliya, gaar ahaan qarniyadii hore iyo xaaladda maanta
uu dalku marayo
Sawiradaasi oo ah kuwa farshaxanka isla
markaasina Kartuuniiste Aadn Afey uu gacantiisa ku sameeyay,
ayaa ahaa sawiro soo jiidasho leh, isla mar ahaantaasna marka
aad daawato qalbigaada ku reebaya xusuus taariikheed aad u fog
iyo dareen wadaniyadeed.
Kartuuniiste Aadan Afey oo aanu ku booqanay
xaruntiisa oo ku taala magaalada Muqdisho ayaa Weriyayaasha
waxa uu uga sheekeeyay taariikhdiisa, gaar ahaan mihnadiisa
Sawir gacmeedyada, sidii uu ku soo bartay, meelihii uu ka soo
shaqeeyay iyo waxyaabihii ku dhaliyay inuu Warbaahinta u soo
bandhigo sawiro xambaarsan taariikhda waayihii hore iyo marxaladda
maanta dalka ka jirta.
“wiilkeyga oo la yiraahdo ayaanle
adan ayaa igu dhalaiyey ka dib markii naloo kala turjumay isaga
oo ku nool dalka Denmark Kobanhegan waxaan dib u egey dhaliyaradii
dalka joogtay oo loo dhigayo Manaahijyo kala duwan hadaba si
uu ku dhumin dhaqankeenii ayaan damcay in aan soo uruuriyo intaa
xiliga oo aad u adag “
.jpg)
Waxa uu sheegay Kartuuniste Aadan Afey in barashada sawirka
gacanta uu bilaabay sanadka markuu ahaa 1971-kii, isagoona sheegay
in barashada mihnadaasi ay ku dhiirigelisay Haweeney Talyaani
ah oo lagu magacaabo Suor Flamigna, wuxuuna la soo shaqeeyay
qaar ka mid ah Wargeysyadii dalka ka soo bixi jiray xilligii
Dowladda ay dalka ka jirtay.
Sanadkii 1983-kii waxa uu Kartuuniistaha
sawir gacmeedyo ku bilaabay wargeys lagu magacaabi jiray Xiddigta
Oktoobar, wuxuuna sidoo kale la soo shaqeeyay wargeysyo dhowr
ah oo iyagu ka soo bixi jiray Madbacaddii Qaranka Soomaaliyeed.
Xilligii burburka uu dalka ka dhacay,
waxa uu sheegay Kartuuniiste Aadan Afey inuu la shaqeeyay inta
badan Wargeysyadii dalka ka soo bixi jiray, isagoo sidoo kale
caan ku ahaa sheeko ku soo bixi jirtay Wargeyskii MAANTA ee
ay soo saari jirtay UNOSOM, sheekadaas oo lagu magacaabo Cilmi
iyo Maandeeq, sheekadaasi oo ahayd mid gebigeedba ah Kartuun.
.jpg)
Farshaxaniiste Aadan Afey waxa uu Weriyayaasha
u soo bandhigay Sawirro uu ku sameeyay gacanta, kuwaasi oo mid
kastaba ka tarjumayay marxalad, gaar ahaan labaatankii sano
ee ugu dambeysay, halka sawiradaasi qaarkood ay yihiin kuwo
xambaarsan taariikhda faca weyn ee dalka Soomaaliya, xilliyadii
gumeysiga Talyaaniga uu dalka heystay, waxaana sawiradaasi ka
mid ahaa dagaal dhex maray beelaha Biyamaal iyo Talyaaniga xilligii
gumeysiga uu dalka ku jiray.
Kartuuniiste Aadan Afey ayaa sheegay
in ujeedada uu u soo bandhigayo sawiradaasi taariikhiga ah,
waxa uu sheegay in maadaama dalka uu soo maray muddo ka badan
18-sano burbur iyo kala dambeyn la’aan, taasi oo keentay
inay gabaabsi noqdaan keydadka taariikhda Soomaaliya, uu doonayo
in laga caawiyo sidii uu howshaasi baaxadda leh u sii wadi lahaa.
“Mudaama dalka aanay ka jirin dowlad
dhexe oo awood leh muddo ka badan 18-sano waxaa lumay taariikhda
faca weyn ee dadka iyo dalka Soomaaliyeed, sidaas daraadeed
waxaan shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo uu joogo iyo dhammaan
adduun weynaha ka codsanayaa inay igu dhiirigeliyaan sidii aan
howshaasi ku sii wadan lahaa” ayuu yiri Aadan Afey.
.jpg)
Fiiro gaar ah: Sawiradan waxay gaar u
yihiin Kartuuniiste Aadan Afey, lamina daabacan karo iyadoo
aan fasax looga heysan Kartuunistaha iska leh, cidii dooneysa
inay arrintaasi ka qeyb qaadatana waxay la xiriiri kartaa Kartuuniste
Aadan Afey oo laga helo: Tel: No. +25250-991855. ama anaga hanala
soo xirirto wixii talo iyo tusaale ahba waa ku xiri doonaaye
.jpg)
.jpg)
.jpg)
.jpg)
.jpg)
.jpg)
.jpg)
.jpg)
.jpg)
.jpg)
maxameddeeq.c@hotmail.com
Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
E:mail admin@somalisan.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666
Ku
Laabo Bogii hore