wasaarada
warfaafinta ee dowlada Fadraalka KMG somaliya oo shaacisay in
dib u haben lagu sameeyey idacadii Radiyo Muqdisho maxaad ka
xasuusataa idacadaa barnaamijyadii ka bixi jirey
hada idaacdaan oo aan howsheedu dhameytirneyn
ayaa hawada soo gali donto maalin kasta lixda subax nimo ilaa
saqda dhexe ee habeenkii 12 waxaana ka shaqeyn dono shaqaalihii
dhawaan shaqada ka fadhiistay waji kasta ha uga fadhiisteene
waxayna
kala yihiin riix halkaan
waxaa laga dhaegeysan jiray dalalka
masar, sacudi carabiya,Sudan Ethiopia ,Kenya, Congo, Tanzania
iyo wa-damo kale
Abwaan maxamed Cumar nuur ( abwaan nadamiye )agasimaha wacyi
galinta bulshada iyo abaabulka fanaa-niinta qaranka oo ka warbixiyey
xaalada keydka idaacada wareysi aan la yeeshay xili ay socotay
isrisaaseyn u dhaxayso laba kooxood oo iska soo horjeedo
Idaacada radiyo Muqdisho waxaa
leh shacabka Somaliyeed wuxuuna ku shaqeeyaa ,hantidooda ,magacod
,iyo muruqooda
iyada oo aan qoraal lagu koobi Karin
tilmaanta abwaankaan ayaa waxaa uu baaq ku soo saaray erey bixin
cusub oo lagu bedeli doono ereyga dib u heshiisiin wuxuuna soo
saaray in la isticmaalo ereyga ( dhab u heshiisiin )
keydkaan waxaad ka heli kartaa waxyaabihii
dhacay intii dalka Soomaaliya uu qaran jira ahaa, wixii hoggaamiye
soo maray oo ay ku jiraan xiligii maxaakimta hogamiye kooxeedyadii
ama madaxwaynayaal qudbadahoodii iyagoo kayd ah ayay yaallaan.
"Keydka idaacadda Raadiyo Muqdisho
oo la furay 1951dii ayaa nabaad guur qarka u saaran" idacadan
ayaa waxaa ka muuqdo daryeel la.aan waana mid aan la dayactirin
in mudo ah iyada oo ay sii dheertahay duqeyntii UNISOM ,USA
ee dagaalkii horaantii sagaashameeyadii dhex maray somalida
iyo ciidamadii shisheeye ee dalka yimid
waxaa inoo suurta gashay in aan galno
Xafiiska keydinta hadalka ee idacada radio muqdisho oo ah hanti
ay leedahay dhamaan umada somaliyeed meel kasta oo ay joogaanba
waxaana yaal maaalyiin cajaladood oo ay ku duuban yihiin ilaa
iyo 1951dii wixii la uruurinayey waxaana idiinkaga diyaarinay
warbin dhinacyo badan taa-baneysa
Abwaan maxamed Cumar nuur ( abwaan nadamiye
) agasimaha wacyi galinta bulshada iyo abaabulka fanaa-niinta
qaranka ayaan ka wareysanay arimahaas wuxuuna faka ku so jiray
ilaa iyo 1957dii abwaankaan ayaa shaqada wuxuu la bilaabay abwaanada
kala ahaa siciid xarawe ,xaliimo khaliiif Magool ,iyo abwaan
cabaaye isaga oo abwaan noqday sanadkii 1967dii ,
Abwaan nadaamiye ayaa intii uu fanka
ku jiray wuxuu soo saaray riwaado, heeso jaceel iyo wadani isugu
jira iyo kuwo lagu amaanayey madaxweynihii kacaankii barakeysnaa
sida heestii siyaad salaan haloo diro oo ay daadi jirtay hoboladii
shariifo samow , heesaha uu alifay waxaa ka mid ahaa oo kale
dumarow dab la oogay , ragow dumarku waa tiir , hadaad diiday
hadalkayga habeen wacan nasiibkeyga , bardihii ku yiil isha
baydhabo , waa macaan kolna waa qaraar hadba waa siduu kuu soo
maro , abwaankaan ayaa ahaa macalinkii fananka weyn ee xasan
adan samatar oo inta badan heesihiisa ku luuqeeyo, iyada oo
aan qoraal lagu koobi Karin tilmaanta abwaankaan ayaa waxaa
uu baaq ku soo saaray erey bixin cusub oo lagu bedeli doono
ereyga dib u heshiisiin wuxuuna soo saaray in la isticmaalo
ereyga ( dhab u heshiisiin )
Waxaana jeclahay inaan is talo waydiino
qaabkee ayaa wax looga qaban karaa suugaanta iyo hantida min
guu-reysa iyada oo aanay jirin cid isu xilqaanta wax ka qabashada
howshaan baaxada leh waxaana loo baahan yahay in lagu smaeeyo
dib habeen deg deg ah keydkii cajaladaha ee uu lahaa qaranka
somaliyeed oo nabaad guur qarka u saaran kaas oo ay yaalaan
qeybo ka mid ah suugaan kala duwan waxyna isugu jiraan heeso,wadani
ah, jeceel , gabayo , guurow ,geeraaro , buraabur, shirib ,riwaayado,
sheekooyin, dersino diini ah ,tafsiirka quraanka kariimka ah
,iyo qudbadooyinkii madaxdii soo martay dalka somaliya laga
so bilaabo 1951kii ilaa iyo 2007 .
Abwaan maxamed Cumar nuur ( abwaan nadamiye
) agasimaha wacyi galinta bulshada iyo abaabulka fanaa-niinta
qaranka iyo abwaano kale ayaa waxey kormeer ku tageen keydka
cajaladaha ee Radiyo Muqdisho.
Abwaan maxamed Cumar nuur ( abwaan nadamiye
) agasimaha wacyi galinta bulshada iyo abaabulka fanaa-niinta
qaranka ayuu kaga warbixiyay xaaladda uu ku sugan yahay keydkii
Qaranka ee idaacadda Raadiyo Muq-disho "Keydkii Cajaladaha
ee Raadiyo Muqdisho waxaa ku keydsanaa ilaa iyo 1951dii wixii
ka danbeeyey xala-dihii soo maray dalka qudbooyinkii ,heesihii
, suugaantii fanaaniintii Soomaaliyeed, waxaana dhibaatooyin
ay soo gaareen xilligii ciidamada UNISOM ay duqeynta u geysteen,
taasoo ay hadda ka muuqato haraaga yaalla keydka Idaacadda Raadiyo
Muqdisho waxa ka dhex muuqanayo makiinadihii qaarkood wixii
burburay, nasiib wanaag intooda kale waa laga raray oo waxaa
la geeyay qolka kaydka cajaladaha ee Raadiyo Muqdisho"intii
aan ku guda jirnay qeybta keyga wararka ee idaacada Radiyo Muqdisho
ayaa waxaa gidaarada ku dheganaa sawiro ay lahaayeen wariyayaal
soo maray idaacada oo aan ka xusi karno sida sawirka
Adan Nuux Dhuule, Cali
Sh: Axmed Caraale oo aan ku xasuusto
barnaamijkii bandhiga Radiyaha
Cabdi Idiris Ducaale iyo kuwa kale oo
farabadan".
Goobaha lagu hayo cajaladaha qaranka
waxay lahaan jireen qaboojiyayaal fara badan, waxay ku duubnaayeen
qaababka cajaladihii wareegsanayay, haddase adduunku wuu horumaray,
waxaa la joogaa heer Flash disk-ga lagu xareeyo in ka badan
5 kun oo hees, kaydka hadda noo yaal ma ahan mid casriyeysan,
ilaa 1960kii, waxaad ka heli kartaa waxyaabihii dhacay intii
dalka Soomaaliya uu qaran jira ahaa,wixii hoggaamiye soo maray
ama madaxwaynayaal qudbadahoodii iyagookayd ah ayay yaallaan.
Waa qayb ka mid ah meelaha ay yaalaan
kaydkaasi Raadiyo Muqdisho,waxaana ku dhacay, dhibaato iyo bur-bur
baaxad wayn oo runtii lagu duqeeyay diyaarado casri ah sida
AC-130 oo uu Maraykanku leeyahay, nasiib wanaag maanta waxaa
inoosuurto gashay inaan ka warbixino xaaladda ay ku sugan tahay
suugaanta iyo dha-qanka Soomaaliyeed oo nabaad guur qarka u
saaran.
"Fanaaniinta
Soomaaliyeed maanta waxaan u malaynayaa nin kasta oo meel jooga
marka uu maqlo fanka Soo-maaliyeed aad buu u qiiroonayaa, waxyaabaha
uu u qiiroonayana ma ahan wax kalee waa xukuumaddii ka-caanka
heerka ay gaarsiisay weeye, dhab ahaan waxaad ogtihiin in fanaaniinta
sida mushaarka jaamiciyiinta ay qaadan jireen, waxaad kaloo
ogtihiin in festifaallo ka qayb geli jireen, waxaad kaloo ogtihiin
in la qiimayn jiray, laakiin ayaan darro mar kasta waan jeclahay
inaan sheego dhibkaasi annaga ayaa keenay (Wuxuu abwaanku kaga
jeedaa in abwaanadu ay kiciyeen shacabka Soomaaliyeed kuna dhiirageliyeen
inay dagaallamaan, maan-tana ay ka dhaxleen inay noqdaan bulshada
kuwa ugu hooseeya uguna taagta daran).
Intaa kaddib waxaa la gudo galay in la
soo kormeero keydka cajaladaha ee idaacadda Raadiyo Muqddisho,
taa-soo uu ka warbixinayay fure hayihii soo xanaaneeyay keydkaas
muddadii 17-ka sano ahayd, kana ilaaliyay bili-liqada iyo boobka
iyo inay waxyeello soo gaarto cajaladaha Qaranka Soomaaliyeed,
isagoo mid mid u qaa-dayay, waxeeyna tii ugu horreysay ay noqotay
cajalad magaceeda la yiraahdo "Dhalad" taasoo uu ku
luuqeeyo C/qaadir Jubba, waa waddani, afar daqiiqo iyo soddo
ilbiriqsi ayay soconaysaa, waxaa la qabtay 1985tii, miraha waxaa
lahaa Xasan Ganey, waxaana laxanka saaray Daa’uud Cali
Masxaf, waxaa qabtay maalintaas.
Alle ha u naxariistee Axmed Inshaar Cabdi
Olol, waxayna ku jirtay riwaayaddii la oran jiray (Masiibada
adduu-nyada iyadaa u macallin ah), sidaa ayay u wada calaamadaysnaayeen
cajaladihii, kaydka yaallay oo gaarayay ilaa malyan oo cajaladood
kuwaasoo ay ka mid ahaayeen intii la duubay 1951kii ilaa wixii
ka dambeeyay, wax-aana sidaa loo yeelay inayan suugaanta raadkeeda
lumin oo loo sameeyay waraaqo lagu qoray xilligii soo bax-een,
ciddii qaadday, riwaayadda ay ku jirtay, sababta loo qaaday,
waxaana ka mid ahaa qayb ay yaallaan heesaha waddaniga, kuwo
kacaanka ah, wixii lagu caayi jiray dawladaha kale oo ay cadaawaddu
naga dhaxaysay sida Itoobiya, kuwo isku jir gabayo ah, sheeko
xariiro, jacburro ay ka mid yihiin kuwii C/laahi Dhoodaan,
qayb waxaa taalla darsiyada diiniga ah,
qayb kale waxaa tiilay qasiidooyinka Nabi Ammaanka, kuwo soonka
la saaro iyo iidaha, heesaha soo dhoweynta, heesaha geeraarada,
cajalado Tafsiirka Qur’aanka kariimka iyo qi-raa’adiisa,
waxaa kaloo yiilay riwaayadihii lagu soo Bandhigay tiyaatarka
qaranka, codadkii oo duuban, shee-kooyinkii masraxyada lagu
soo bandhigay kuwii ugu dambeeyay, qeyb waxaa saarnaa murtida
maanta oo uu soo bandhigi jiray Yuusuf Sheekh Cali Samatar,
meel waxaa saarnaa cajaladihii lagu duubay qudbooyinka ma-daxdii
hore ee dowladihii soo maray dalka, meel wayn ayaa waxaa daadsanaa
cajalado ilaa 3 kun ka badan oo uu sheegay inay ahaayeen qudbooyinkii
Max’ed Siyaad Barre, wuxuuna sheegay in aad loo ilaaliyay
nin kastaba ha lahaadee.
Waxaa ka mid ahaa Qudbadii Max’ed
Xaaji Ibraahim Cigaal ka jeediyayqado sharaf uu ka sameeyay
Luuq Fa-rendi la yiraahdo sanadkii 1968kii, Qeyb ayaawaxaa saarnaa
qudbooyinkii ay jeediyeen madaxdii soo maray dalka intii kadambeysay
dhicitaankii dawladdii Max’ed Siyaad Barre, dunida Carabta
kuwo laga duubay ayaa iyaguna rasaysnaa meel gees ah, heeso
iyo barnaamijyo ajnabi ah ayaa iyaguna aan ka marnayn keydka
cajala-daha ee idaacadda Radiyo Muqdisho, waxaa iyagana kabarrada
saarnaa heeso jacayl ah oo ay qaadeen hobol-ladii hore oo dhan,
waxaana laga heli kara fannaan kasta oo laga duubay codkiisii
isagoo sidiisii ah, keydkii-dumay isagu ahaa mid ay ka buuxaan
cajalado gaaraya ilaa 13 kun oo cajaladood kuwaasoo ay baabi’iyeen
di-yaaradihii UNISOM ee Maraykankauu watay ee AC-130, iyadoo
gurigiina uu dunsan yahay gantaalkii lagu ri-dayna uu dhex yaallo.
Cajalado dhowr kun gaarayay ayaa ahaa codadkii culimadii muddada
lixda bilood ahayd xukunka haysay, wixii culimadaasi laga duubay
ha ahaadeen dersi diini, qudbo, Qura’aan dhamaantood waxaan
dhignay halkaas oo ay yaallaan" ayuu yiri ninkii ka warbixinaya
keydkii idaacadda Radiyo Muqdisho oo lagu soo bandhigay munaasabad
loogu gogol xaarayay in loo qaybiyo idaacadaha keydka dhex ceegaaga.
wareysigii abwaanka si aad u dhageysato Riix
halkaan 
haddii aad
dooneysid sawiro iyo xog intaa ka badan riix
halkaan
Idaacadda
Radiyo Muqdisho.dhulka uu ku fadhiyo halkaan riix
Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
E:mail admin@somalisan.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666