Wareysio
Data

Warbixinku saabsan idaacada radio Muqdisho oo markale dowlada Fdaraalka KMG somaliyeed hawada soo galisay !!!!!

Oct 23 Source: Somalisan news

wasaarada warfaafinta ee dowlada Fadraalka KMG somaliya oo shaacisay in dib u haben lagu sameeyey idacadii Radiyo Muqdisho maxaad ka xasuusataa idacadaa barnaamijyadii ka bixi jirey

hada idaacdaan oo aan howsheedu dhameytirneyn ayaa hawada soo gali donto maalin kasta lixda subax nimo ilaa saqda dhexe ee habeenkii 12 waxaana ka shaqeyn dono shaqaalihii dhawaan shaqada ka fadhiistay waji kasta ha uga fadhiisteene

waxayna kala yihiin riix halkaan

waxaa laga dhaegeysan jiray dalalka masar, sacudi carabiya,Sudan Ethiopia ,Kenya, Congo, Tanzania iyo wa-damo kale
Abwaan maxamed Cumar nuur ( abwaan nadamiye )agasimaha wacyi galinta bulshada iyo abaabulka fanaa-niinta qaranka oo ka warbixiyey xaalada keydka idaacada wareysi aan la yeeshay xili ay socotay isrisaaseyn u dhaxayso laba kooxood oo iska soo horjeedo
Idaacada radiyo Muqdisho waxaa leh shacabka Somaliyeed wuxuuna ku shaqeeyaa ,hantidooda ,magacod ,iyo muruqooda

iyada oo aan qoraal lagu koobi Karin tilmaanta abwaankaan ayaa waxaa uu baaq ku soo saaray erey bixin cusub oo lagu bedeli doono ereyga dib u heshiisiin wuxuuna soo saaray in la isticmaalo ereyga ( dhab u heshiisiin )

keydkaan waxaad ka heli kartaa waxyaabihii dhacay intii dalka Soomaaliya uu qaran jira ahaa, wixii hoggaamiye soo maray oo ay ku jiraan xiligii maxaakimta hogamiye kooxeedyadii ama madaxwaynayaal qudbadahoodii iyagoo kayd ah ayay yaallaan.

"Keydka idaacadda Raadiyo Muqdisho oo la furay 1951dii ayaa nabaad guur qarka u saaran" idacadan ayaa waxaa ka muuqdo daryeel la.aan waana mid aan la dayactirin in mudo ah iyada oo ay sii dheertahay duqeyntii UNISOM ,USA ee dagaalkii horaantii sagaashameeyadii dhex maray somalida iyo ciidamadii shisheeye ee dalka yimid

waxaa inoo suurta gashay in aan galno Xafiiska keydinta hadalka ee idacada radio muqdisho oo ah hanti ay leedahay dhamaan umada somaliyeed meel kasta oo ay joogaanba waxaana yaal maaalyiin cajaladood oo ay ku duuban yihiin ilaa iyo 1951dii wixii la uruurinayey waxaana idiinkaga diyaarinay warbin dhinacyo badan taa-baneysa

Abwaan maxamed Cumar nuur ( abwaan nadamiye ) agasimaha wacyi galinta bulshada iyo abaabulka fanaa-niinta qaranka ayaan ka wareysanay arimahaas wuxuuna faka ku so jiray ilaa iyo 1957dii abwaankaan ayaa shaqada wuxuu la bilaabay abwaanada kala ahaa siciid xarawe ,xaliimo khaliiif Magool ,iyo abwaan cabaaye isaga oo abwaan noqday sanadkii 1967dii ,

Abwaan nadaamiye ayaa intii uu fanka ku jiray wuxuu soo saaray riwaado, heeso jaceel iyo wadani isugu jira iyo kuwo lagu amaanayey madaxweynihii kacaankii barakeysnaa sida heestii siyaad salaan haloo diro oo ay daadi jirtay hoboladii shariifo samow , heesaha uu alifay waxaa ka mid ahaa oo kale dumarow dab la oogay , ragow dumarku waa tiir , hadaad diiday hadalkayga habeen wacan nasiibkeyga , bardihii ku yiil isha baydhabo , waa macaan kolna waa qaraar hadba waa siduu kuu soo maro , abwaankaan ayaa ahaa macalinkii fananka weyn ee xasan adan samatar oo inta badan heesihiisa ku luuqeeyo, iyada oo aan qoraal lagu koobi Karin tilmaanta abwaankaan ayaa waxaa uu baaq ku soo saaray erey bixin cusub oo lagu bedeli doono ereyga dib u heshiisiin wuxuuna soo saaray in la isticmaalo ereyga ( dhab u heshiisiin )

Waxaana jeclahay inaan is talo waydiino qaabkee ayaa wax looga qaban karaa suugaanta iyo hantida min guu-reysa iyada oo aanay jirin cid isu xilqaanta wax ka qabashada howshaan baaxada leh waxaana loo baahan yahay in lagu smaeeyo dib habeen deg deg ah keydkii cajaladaha ee uu lahaa qaranka somaliyeed oo nabaad guur qarka u saaran kaas oo ay yaalaan qeybo ka mid ah suugaan kala duwan waxyna isugu jiraan heeso,wadani ah, jeceel , gabayo , guurow ,geeraaro , buraabur, shirib ,riwaayado, sheekooyin, dersino diini ah ,tafsiirka quraanka kariimka ah ,iyo qudbadooyinkii madaxdii soo martay dalka somaliya laga so bilaabo 1951kii ilaa iyo 2007 .

Abwaan maxamed Cumar nuur ( abwaan nadamiye ) agasimaha wacyi galinta bulshada iyo abaabulka fanaa-niinta qaranka iyo abwaano kale ayaa waxey kormeer ku tageen keydka cajaladaha ee Radiyo Muqdisho.

Abwaan maxamed Cumar nuur ( abwaan nadamiye ) agasimaha wacyi galinta bulshada iyo abaabulka fanaa-niinta qaranka ayuu kaga warbixiyay xaaladda uu ku sugan yahay keydkii Qaranka ee idaacadda Raadiyo Muq-disho "Keydkii Cajaladaha ee Raadiyo Muqdisho waxaa ku keydsanaa ilaa iyo 1951dii wixii ka danbeeyey xala-dihii soo maray dalka qudbooyinkii ,heesihii , suugaantii fanaaniintii Soomaaliyeed, waxaana dhibaatooyin ay soo gaareen xilligii ciidamada UNISOM ay duqeynta u geysteen, taasoo ay hadda ka muuqato haraaga yaalla keydka Idaacadda Raadiyo Muqdisho waxa ka dhex muuqanayo makiinadihii qaarkood wixii burburay, nasiib wanaag intooda kale waa laga raray oo waxaa la geeyay qolka kaydka cajaladaha ee Raadiyo Muqdisho"intii aan ku guda jirnay qeybta keyga wararka ee idaacada Radiyo Muqdisho ayaa waxaa gidaarada ku dheganaa sawiro ay lahaayeen wariyayaal soo maray idaacada oo aan ka xusi karno sida sawirka

Adan Nuux Dhuule, Cali
Sh: Axmed Caraale oo aan ku xasuusto barnaamijkii bandhiga Radiyaha

Cabdi Idiris Ducaale iyo kuwa kale oo farabadan".

Goobaha lagu hayo cajaladaha qaranka waxay lahaan jireen qaboojiyayaal fara badan, waxay ku duubnaayeen qaababka cajaladihii wareegsanayay, haddase adduunku wuu horumaray, waxaa la joogaa heer Flash disk-ga lagu xareeyo in ka badan 5 kun oo hees, kaydka hadda noo yaal ma ahan mid casriyeysan, ilaa 1960kii, waxaad ka heli kartaa waxyaabihii dhacay intii dalka Soomaaliya uu qaran jira ahaa,wixii hoggaamiye soo maray ama madaxwaynayaal qudbadahoodii iyagookayd ah ayay yaallaan.

Waa qayb ka mid ah meelaha ay yaalaan kaydkaasi Raadiyo Muqdisho,waxaana ku dhacay, dhibaato iyo bur-bur baaxad wayn oo runtii lagu duqeeyay diyaarado casri ah sida AC-130 oo uu Maraykanku leeyahay, nasiib wanaag maanta waxaa inoosuurto gashay inaan ka warbixino xaaladda ay ku sugan tahay suugaanta iyo dha-qanka Soomaaliyeed oo nabaad guur qarka u saaran.

"Fanaaniinta Soomaaliyeed maanta waxaan u malaynayaa nin kasta oo meel jooga marka uu maqlo fanka Soo-maaliyeed aad buu u qiiroonayaa, waxyaabaha uu u qiiroonayana ma ahan wax kalee waa xukuumaddii ka-caanka heerka ay gaarsiisay weeye, dhab ahaan waxaad ogtihiin in fanaaniinta sida mushaarka jaamiciyiinta ay qaadan jireen, waxaad kaloo ogtihiin in festifaallo ka qayb geli jireen, waxaad kaloo ogtihiin in la qiimayn jiray, laakiin ayaan darro mar kasta waan jeclahay inaan sheego dhibkaasi annaga ayaa keenay (Wuxuu abwaanku kaga jeedaa in abwaanadu ay kiciyeen shacabka Soomaaliyeed kuna dhiirageliyeen inay dagaallamaan, maan-tana ay ka dhaxleen inay noqdaan bulshada kuwa ugu hooseeya uguna taagta daran).

Intaa kaddib waxaa la gudo galay in la soo kormeero keydka cajaladaha ee idaacadda Raadiyo Muqddisho, taa-soo uu ka warbixinayay fure hayihii soo xanaaneeyay keydkaas muddadii 17-ka sano ahayd, kana ilaaliyay bili-liqada iyo boobka iyo inay waxyeello soo gaarto cajaladaha Qaranka Soomaaliyeed, isagoo mid mid u qaa-dayay, waxeeyna tii ugu horreysay ay noqotay cajalad magaceeda la yiraahdo "Dhalad" taasoo uu ku luuqeeyo C/qaadir Jubba, waa waddani, afar daqiiqo iyo soddo ilbiriqsi ayay soconaysaa, waxaa la qabtay 1985tii, miraha waxaa lahaa Xasan Ganey, waxaana laxanka saaray Daa’uud Cali Masxaf, waxaa qabtay maalintaas.

Alle ha u naxariistee Axmed Inshaar Cabdi Olol, waxayna ku jirtay riwaayaddii la oran jiray (Masiibada adduu-nyada iyadaa u macallin ah), sidaa ayay u wada calaamadaysnaayeen cajaladihii, kaydka yaallay oo gaarayay ilaa malyan oo cajaladood kuwaasoo ay ka mid ahaayeen intii la duubay 1951kii ilaa wixii ka dambeeyay, wax-aana sidaa loo yeelay inayan suugaanta raadkeeda lumin oo loo sameeyay waraaqo lagu qoray xilligii soo bax-een, ciddii qaadday, riwaayadda ay ku jirtay, sababta loo qaaday, waxaana ka mid ahaa qayb ay yaallaan heesaha waddaniga, kuwo kacaanka ah, wixii lagu caayi jiray dawladaha kale oo ay cadaawaddu naga dhaxaysay sida Itoobiya, kuwo isku jir gabayo ah, sheeko xariiro, jacburro ay ka mid yihiin kuwii C/laahi Dhoodaan,

qayb waxaa taalla darsiyada diiniga ah, qayb kale waxaa tiilay qasiidooyinka Nabi Ammaanka, kuwo soonka la saaro iyo iidaha, heesaha soo dhoweynta, heesaha geeraarada, cajalado Tafsiirka Qur’aanka kariimka iyo qi-raa’adiisa, waxaa kaloo yiilay riwaayadihii lagu soo Bandhigay tiyaatarka qaranka, codadkii oo duuban, shee-kooyinkii masraxyada lagu soo bandhigay kuwii ugu dambeeyay, qeyb waxaa saarnaa murtida maanta oo uu soo bandhigi jiray Yuusuf Sheekh Cali Samatar, meel waxaa saarnaa cajaladihii lagu duubay qudbooyinka ma-daxdii hore ee dowladihii soo maray dalka, meel wayn ayaa waxaa daadsanaa cajalado ilaa 3 kun ka badan oo uu sheegay inay ahaayeen qudbooyinkii Max’ed Siyaad Barre, wuxuuna sheegay in aad loo ilaaliyay nin kastaba ha lahaadee.

Waxaa ka mid ahaa Qudbadii Max’ed Xaaji Ibraahim Cigaal ka jeediyayqado sharaf uu ka sameeyay Luuq Fa-rendi la yiraahdo sanadkii 1968kii, Qeyb ayaawaxaa saarnaa qudbooyinkii ay jeediyeen madaxdii soo maray dalka intii kadambeysay dhicitaankii dawladdii Max’ed Siyaad Barre, dunida Carabta kuwo laga duubay ayaa iyaguna rasaysnaa meel gees ah, heeso iyo barnaamijyo ajnabi ah ayaa iyaguna aan ka marnayn keydka cajala-daha ee idaacadda Radiyo Muqdisho, waxaa iyagana kabarrada saarnaa heeso jacayl ah oo ay qaadeen hobol-ladii hore oo dhan, waxaana laga heli kara fannaan kasta oo laga duubay codkiisii isagoo sidiisii ah, keydkii-dumay isagu ahaa mid ay ka buuxaan cajalado gaaraya ilaa 13 kun oo cajaladood kuwaasoo ay baabi’iyeen di-yaaradihii UNISOM ee Maraykankauu watay ee AC-130, iyadoo gurigiina uu dunsan yahay gantaalkii lagu ri-dayna uu dhex yaallo. Cajalado dhowr kun gaarayay ayaa ahaa codadkii culimadii muddada lixda bilood ahayd xukunka haysay, wixii culimadaasi laga duubay ha ahaadeen dersi diini, qudbo, Qura’aan dhamaantood waxaan dhignay halkaas oo ay yaallaan" ayuu yiri ninkii ka warbixinaya keydkii idaacadda Radiyo Muqdisho oo lagu soo bandhigay munaasabad loogu gogol xaarayay in loo qaybiyo idaacadaha keydka dhex ceegaaga.

wareysigii abwaanka si aad u dhageysato Riix halkaan

haddii aad dooneysid sawiro iyo xog intaa ka badan riix halkaan

Idaacadda Radiyo Muqdisho.dhulka uu ku fadhiyo halkaan riix








Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
E:mail admin@somalisan.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666