News
Waxbarasho
Wareysio
Data

Shirkada Diyaaradaha Osob Air oo sanadkan Qaadeysa Xujeydii ugu faraha badnaa ee ka baxeysa Koofurta iyo Bartamaha Somalia

Oct 14 Source: Somalisan news

Shirkadda Duulimaadka ee Cosob Air oo dalka keentay dhowaantan diyaaradii ugu casrisaneyd ee abid Soomaaliya ka howl bilowda ayaa waxa ay ogeysiineysaa dadka Soomaaliyeed, gaar ahaana kuwa doonaya inay soo Xajiyaan amaba ay waalidiintooda soo xajisiiyaan inay shirkaddu bilowday qabashada Dukumentiyadii Xajka ee snaadkan 2007-da.
Shirkadda ayaa xafiis cusub ka furatay isgoyska Cali-kamiin ee magaalada Muqdisho iyadoo shirkadduna ay u fududeysay macaamiisheeda soo saarista Viisayaashooda ee Xajka.





Cosob diyarad caan ahoo cusub cirkaa mareee ahaa

Shaqadu wey socotaa, hadaba cidii dooneysa inay soo gudato waajibaadka xajka, waxay kala soo xiriiri karaan xafiiska shirkadda Cosob Air ee magaalada Muqdisho.

Tel:-002521- 656333

Fax:- 002521-253919

Tel: 2525-920880

Hotel Naso- Hablod km .4 Mogadishu - Somalia Tel:+2521858440,215983 ,953030 Fax:: +2521215943


Iyada oo ay bilaabatay diyaargarowga Xajka Sanadkan ayaa waxaa bilowday qorshayaasha iyo abaabulka Shirkadaha ku howlan daad gureynta Xujeyda Sanadkan.

Shirkadda Diyaaradaha Cosob oo ka mid ah Shirkadaha ku howlahan Xajka ayaa waxaa la shaaciyey sanadkan in ay noqotay shirkada ugu dadka badan , ka dib markii xafiisyadeeda ay buuxiyeen dad doonaya in ay soo xajiyaan ama ay soo xajisiiyaan Waalidoontooda.

 

 

 



Maamulaha Shirkadda Osob Air Md Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) oo faahfaahin dheer ka bixiyey sanadkan qorshah ay xujeyda ugu talo galeen ayaa waxa uu sheegay in ay haatan socoto qabashada Dokomintiyada, fududeynta Baasaboorada iyo soo saarista Viisaha Dhinaca Xajka , iyada sanadkan dadka doonayo Xajka uu sheegay in ay ku qaadi doonaan Qiimo aad u jaban oo macquul ah.

wuxuuna intaa ku darey Ducaale in Xujeyda Sanadkan in ay Sacuudiga ugu diyaariyeen Goobo deegaan ah oo ay ka gudan karaan waajibaadka xajka, waxaana la ssiin doonaa kaarar Aqoonsi, iyada oo Xujeyda la isugu xeri doono Koox kox , koox walibana waxaa hor kacaya Ruux waayo arag iyo aqoonba u leh gudashada Xajka.

Maamulaha Osob Air Mudane Maxamed Abuukar islow Ducaale waxa uu sheegay in mudnaan gaar ah la siin doono dadka Xujeyda ah ee ka imaaneysa Gobalada Dalka Somalia isla markaana ka baxeysa Muqdisho , waxa uuna carabka ku adkeeyey in loo diyaariyey goobo ay sii degenaadaan illaa iyo inta ay ka safrayaan.

Osob Air oo isticmaaleysa Diyaarad Casri ah aya sanadkan waxa ay si weyn ugu diyaar garowday sidii ay u baahi tgiri laheyd dadka Somaliyeed ee sanadkan doonaya in ay Xajiyaan, iyada oo horay dhibaatooyin badan l;oogu qabay Safarka iyo hab dhaqanka Shirkadaha Diyaaradaha, hase yeeshee Cosob ayaa u muuqata in ay wax badan ka badali doonto habdhaqanadii ay la kulmeen Xujeydii hore.



musejisow@hotmail.com
E:mail admin@somalisan.com
Muuse Maxamuud Jiisow
00252-1-5576666
00252-50-907666