News
Waxbarasho
Wareysio
Data
Royters
Waaya arag
Muuqaalo
waxqabadka
Tets

Maxamed Cali Jiisow milkiilaha hotel torobical and restaurant oo laga dhisay dagmada dayniile ee Bobolka Banadir .

Oct 10 Source: Somalisan news





sidoo kale sawiro Cusub oo intaa ka badan riix halkaan

Sawiro intaa ka badan hadii aad doneysid
halkaan Riix halkaan

waa talaabo horey loo qaaday oo ku dayasho mudan
warkaan iyo warar kalaba kala soco

Address :District of Daynile,
Mogadishu
Tel : (2521) 528 - 9170
(2521) 581 - 8442
Fax : +1416 588 - 8774
E-Mail : majesow@msn.com

web :tropicalvillage
www.somalisan.com

Maxamed Cali Jiisow “waxaan aad u jecleystay in aan maalgalin ku sameeyo dalkayga hooyo anoo ogsoon in ay ka jiraan dhibaatoyin farabadan oo kala nooc ah waayoo meel ii dhaanta ma jirto dalkeyga “
Waxaan ugu baaqayaa dhamaan hantiilayaasha , shirkadaha ,hay.addaha maxaliga ah ,shaqsiyaadka kale in ay maalgalin ku sameystaan dalkooda waxaana cod dheer ku leeyahay faynuus mininkaaga u baahan yahay minin kale lagama shido .bilicda dalkaaga ayaa u baahan
Dal aan dalkaaga aheyn waa dareen ku joog in aad haynti fara badan galiso dal shisheeye waa laga fiican yahay
Dhismuhu waa wax soo jiidanaayo indhaha bulshada waa murada laga dheehan karo dhaqaalaha iyo nabad galyada dalka dhismoyinku ku badan yihiin waxaa ku Badan dhaqaalaha iyo nabad galyda arintaana waxaa lagu tiriyaa in aysan siyaasada wax lug ah ku laheyn

hada ka dib waxaa dadweynaha somaliyeed u furan in ay ku sameysan karaan gudaha hotelka xafladaha aroosyada iyo shirarka gaar ah iyada oo laga qaadayo qidmada adeega oo aad u jaban wuxuuna u dhaxeeyaa dhamaan bulsho weynta somaliyeed



Maxamed Cali Jiisow “waxaa ugu muhiimsan oo loogu talagalay waa dhisida school hoose dhexe ah kaas oo ay wax ku baran doonaan caruurta yar yare e deegaanka dagan kuwaas oo hada ciida in ay tuuraan ay shaqadoodu tahay halka waalidiintooduna intooda badan ay yihiin dad guryahodii ka soo barkacay kuwaas oo aan awoodin in ay caruurtooda wax bartaan “

Maxamed Cali Jiisow oo ku sugan gudaha hotelkiisa torobical ayaa waxaa u inoo sheegay in uu shaqadiisa bilaabay 10 sano ka hor ilaa iyo minkana uu ku talaabsaday dhismooyin fara badan oo waaweyn waxaana uu intaa ku darey in dhul baaxadiisu aad u weyn tahay uu ka sameeyey 3 dhismo oo uu ugu magacdaay torobicals kuwaas oo qaarkood ay dhamaadeen dhismooyinkodi halka qaarkoodna ay weli socdaan .
Mr Jisow ayaa waxaa uu ka mid yahay dhalinyarada wax ku soo baratay dalalka mareykanka iyo Canada isaga oo doorbiday in uu hanta galin ku sameeyo dalkiisa hooyo

Torobical aad ayaa waxaa uu ka kooban yahay hotel , restaurant iyo bar ay u dhan yihiin adeegoodii waxaana intaa u dheer in uu leeyahay hool weyn oo loogu talagalay in lagu qabto xafladaha iyo aroosyada iyo casuumadaha gaarka ah waxaa kale oo u leyahay banaana weyn oo la fadhiisto kaas oo loogu talagalay in lagu shaaho
Cidii dooneyso in ay xaflad sameysato waxaa ku filan iyada oo maalin ka hor ina soo wargalisa ayuu yiri Mr Maxamed Cali Jiisow isaga oo sheegay in uu hotelku leeyahay shaqaale xirfadeysan kuna xeel dheel cunto karinta iyo soo dhaweynta guud ee bulshada “

Torobical ka 2aad ayuu ku sheegay in uu yahay aqalkiisa u gaarka ah ee uu dagan yahay qeyb ka mid ah wuxuuna ka kooban yahay qeybta jiifka ,qeybta soo dhaweynta marti sharafta soo booqato reerka
Barxad weyn oo loogu talagalay kubada kolayga in lagu cayaaro ,barkada dabaasha ,waxaana intaa u dher in lagu sameeyo qeybo ka mid ah beeraha mooska iyo liimada noocyadeeda kala duwan sida ugunjida,dhanaanta , iyo balbeelmada ,iyo beer kale oo uu ku berey ilaa 60 geed oo canbe ah kuwaas oo uu sheegay in ay mirahodu soo go.i doonaan 24 bilood ee fooda inagu soo heysto oo ay ku ekaandonto xiliga la goosto miraha canbaha oo ah ilaa 7 sano .

geedaha beertaan uu ku beery ayaa waxaa ka mid ah geedaha furutada laga sameeyo ( Macmacaanka ) canbaha ,bambeelmada ,limo dhanaanta ,isbaandheeska ,canuniga ,seytuunka ,qudaarta ay ka mid yihiin yaanyada ,basasha ,bamiyahay ,balbaroonaha ,basbaaska,
Sidoo kale tobicalka 2aad waxaa ka mid ah qeybta Oklahoma Cattale Ranche “dining Cabin “
Wuxuuna ugu magacadarey sida uu ii sheegay jaamacadii uu ka soo qalin jabiyey ee dalka mareykanka waxaana lagu dhaqaa xoolaha ay ka mid ka yihiin loda ,idaha ,digaga iyo fardaha qeybtaan ayaa waxaa ay ku fadhidaa hal KM oo isku wer ah , qeyb kasta waxaa ay leedahay matoor u gooni ah
Qeybtaan ayaa waxaa loogu talagalay daaqa xoolaha waxayna leedahay masaajid iyo ceel biyo macaan

Torobicalka 3aad

Maxamed Cali Jiisow “waxaa ugu muhiimsan oo loogu talagalay waa dhisida school hoose dhexe ah kaas oo ay wax ku baran doonaan caruurta yar yare e deegaanka dagan kuwaas oo hada ciida in ay tuuraan ay shaqadoodu tahay halka waalidiintooduna intooda badan ay yihiin dad guryahodii ka soo barkacay kuwaas oo aan awoodin in ay caruurtooda wax bartaan “

waa qeyb aad u baahad weyn wuxuuna shegay in ay keyd u noqoto qeybaha kale sida daaqsinka iyo biyahay waxayna leedahay baqaaro waaweyn oo wax loogu keydiyo xoolaha iyo dadkaba qeybtii dhar dhaqida ee hotelka waxaa kale oo ku yaal warshadii barafka oo iyadu aan ka dhaweyn deegaank auu ku yaal hotelku waxaa kale oo ku yaal warshada lagu farsameeyo bulukeetida dhismaha guryahay lagu dhiso sidoo kale waxay leedahay warshada alxanka guryahay iyo gaadiidka waxaa kale oo ku yaal garoon lagu cayaaro kubada cagta iyo mid kale oo kubada koleyga ah
















 

 

Ku Laabo Bogii hore

musejisow@hotmail.com
E:mail admin@somalisan.com
Muuse Maxamuud Jiisow
00252-1-5576666
00252-50-907666