Somalisan.com waxaa u suurta gashay in ay wareysi qaas ah la
yeelato maamulka Jimciyada xanaanada iyo waxbarida agoonta nahreyn
ee dagmada Afgoye Mukhtaar Abuukar Maxamed oo aan ugu tagnay
xaruntooda dagmada afgoye oo lagu xanaaneeyo Ilaa 400-caruur
ah oo isugu jira Gabdho iyo Wiillal oo kuwaas oo waalidiintoodii
ku waayey dagaalada aan dhamaadka laheyn ee ka dhacaya dalka
Somaliya isaga oo ka hadlayey Xafiiskiisa magaalada Afgooye
Gudaha xarunta xanaanada agoonta caruurta Soomaaliyeed.
Maamulka ayaa halkaa ku soo soo bandhigay heer ka waxqabad ee
xarunta iyo tirade ku jirta isaga oo somalisan.com siiyey warbixin
dhinacyo badan ka hadlaeysa .
Mukhtaar Abuukar Maxamed “aniga Iminka waxa ku suganahay
xarunt xanaanada Agonta ee nahreyn ee dagmada Afgooye oo ay
dhiseen Muxsiniin somaliyeed maadaama ay Caruurtani yihiin Hooyo
la’aan iyo Aabo la’aan ayna ku noqdeen dagaalka
sidaas waxa yiri mid ka mid ah caruurta agoonta oo wijigiisa
laga dheehanayay calool xumi.
Mukhtaar Abuukar Maxamed oo ah Maamulaha xarunta xanaanada caruurta
agoonta ee degmada Afgooye ayaa sheegay in ay ku jiraan xarumahaasi
caruur Soomaaliyeed oo walidiintooda ku wayay dagaalada ka socda
dalka Somalia gaar ahaan Gobolada Koofurta somaliya .
Wuxuuna tiradooda ku sheegay maamulaha xarunta xanaanada caruurta
agooonta 400- halka ay yihiin 175-gabdho iyo 225 wiilal oo dhamaantooda
Agomo ah islamarkaana waalidiintood mid ama labadaba ku wayay
dagaalada iyo kuwa amar Alle ku dhintay.
Mukhtaar “Xaruntaani waxaa la furay sanadkii 2003-dii
bishii 5 dhibaatada iyo waxa laga soo marayna alle ayaa ogaa
“iyo hada marxalada cusub ee ku sugantahay laba ayeey
kala yihiin waayo markii hore dadaalo badan iyo lacago badan
dhismaha xaruntaas ayeey aheyd.
Maamulaha xaruntaasi ayaa wuxuu sheegay ka dib markii uu arkay
baahida loo qabo in la asturo ilmahaani yar ee dhibaateysan
in dhibka la la qeybsado oo isuwada keenaan xarunta degmada
Afgooye caruurtaasi oo dhibka ugu weyn heysta ay tahay mid ay
ku waayeen waalidiintooda hooyadoodii iyo abahoodii dagaalada
awgeed ee ka dhacay dalka Somalia.
“qof walbo oo islaam ah waxan ka codsan lahaa inuu ilmahaas
ka caawiyo wax walbo hadii uu ka saacidi lahaa jiifka oo iminka
ay ku jiiftaan joodari iyo shumac “ waxaa maqan sariirihi
marka waa lawada ogsoonyahay dhibka uu leeyahay qofka marka
uu jiifto dhulka iyo wax yabaha uu la kulmi karo marka cida
wax baxsataa iyada ayeey u saran tahay miisaanka ayuu yiri Mukhtaar
Abuukar Max’med .
wareysigii oo dhameystiran si
aad u dhageysato Riix
halkaan 
.jpg)
Mar wax laga weydiiyay maamulaha xarunta agoonta degmada Afgooye
in caruurta xarunta la keeno iyo inay iyaga raadiyaan ayuu ku
jawaabay sida tan:-
“”qaar iyaga oo meelaha wareegaya ayeey iska yimadan
qaarna waxa keena kuwa ehelada u ah caruurta iyo kuwa silac
iyo abaar ka muuqato la soo wado ka dibna la keeno xerada lagana
badalo ayuu yiri dharka duuga ay wateen isla markaasina la xanaaneeyo
la tarbiyeeyo iyo nadaafadoodi iyo waxbarashadoodi iyo aadaabta
ay ku dhaqmayaan in la ilaaliyo ama in la baro.
“marka cid uma maqna ceelna uma
qodna waye caruurtan soomaaliyeed agoomooday ee walidiintooda
dagaalada dabada dheeraaday ka dhacaya dalka daradooda ku wayay
“marka waad ogtihiin midka Aabihii marka uu la joogo la
suura-suureynaya iyo wax yabaha loo sameynaya iyo midka Agaanta
ah ee Aabihiisi waayay dhibaatada uu leeyahay iyo maraxalada
uu ku sugayahay.
“anagu waxan ka saacidnaa caruurta agoonta ah xaga wax
barashadooda iyo dugsiyadooda qur’aan iyadoo halki cunugba
laga bixinaya bishii dugsiyada iyo iskuulada $10 dollar, maalmo
ka horna gabar iyo wiil agoon ah oo gacanta ka sida awootadooda
ama ayeeydood sida loo yaqan waxa ay keentay xarunta agoonta
caruurta Soomaaliyeed oo sida la sheegay laga soo waday gardiino
ku yaal toolada iyo daafaha Deg: Afgooye.
Anagu waxaa gacan naga siiyo walaalaha qurba jooga ah ee muslimiinta
sida haweenka iyo raga muxshiraadka ah oo ka damqanaya dhibka
jira ayaa wax siiya agoontani “waxana ka codsanaya cid
walba oo ka damqaneysa dhibaatada caruurtani Soomaaliyeed sida
ilmahooda oo kale in uga taxadiraan oo ay ku sacidaan wixii
karaamkooda ah.
.jpg)
.jpg)
.jpg)
Headquarters
Afgoi, Lower Shabell, Somalia.
Tel : +2525 971418
Mobiles : +252-62726600
+2525 – 989977
E-mails : alnahreyn@gmail.com
bookoow@hotmail.com,
bookoow@gmail.com.
Website : www.nahreyn.org
maxameddeeq.c@hotmail.com
Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
E:mail admin@somalisan.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666
Ku
Laabo Bogii hore