Ethiopia & Ugaandha miyaa noo kala roon

Jan:7 Source: Somalisan news

Tan iyo markii ay duntay dowladdii milatariga ee uu hogaaminaayay Maxamed Siyaad Barre waxa uu wadanku soo maray marxalado badan oo aad u adag, waxaa markii lagu dhowaaday in laga baxo oo dhinaca horumarka loo jeesto nagusoo duulay cadowga soo jireenka ah ee Itoobiya oo ay gadaal ka riixaayeen reer galbeedka uu ugu horeeyo Maraykanka isagoo aanan ku ekaanin taageeradii dhinac kasta lahayd ee uu siinaayay ee wuxuu si bareer ah u weeraray gobo lagu tuhunsanaa inay ku dhuumaalaysanaayeen madaxdii iyo dhamaan ciidankii maxkamadaha halkaasoo ay ku laayeen dad badan oo isugu jira dhamaan bulshada qaybaheeda kala duwan iyo waliba in badan oo ka mid xoolihii ay dhaqaanaayeen dadka deegaanadaas ku noolaa.

Hadaba dadaal badan iyo iskaashi dal & dibad ah oo Soomaalida badankeed ay sameeyeen inkastoo ay jireen dad u haystay inay hadda uun wanaag heleen oo kuna hadaaqi jiray erayo aad u fool xun haddana ayaa ugu danbayntii ilaahay uu noo fududeeyay in iyagoo ka shalaysan soo galidi ay baxeen dharbaaxadii lama filaanka ahayd oo ay muqaawamadu ku dhifteen aawgeed iyo colaadda cusub ee ay u qaadeen umadda Soomaaliyeed.

Intii ay waxaasoo dhan dhacaayeen waxaa barbar socday dadaalo kale oo cadowgii Itoobiyaanka nagusoo hubeeyay isagana kor naga duqeeayay (Maraykan) uu waday waxayna talo la dhaafi waysay inuu Afrikaanka u qaylo dhaansado si uu uga helo ciidamo uu ku bedalo kuwa Itoobiya oo qarka u saarnaa inay isdhiibaan waxaan gorgortan waqti dheer qaatay ka dib heshiis la galay Ugaandha oo ogolaatay in shaqadii Itoobiyaanka meesha kasii wadan si loo marin habaabiyo Soomaalida oo u midowday dagaalkii lagu jiray Itoobiyaanka.

Waxaa nasiib daro ah in shirqoolkii ay dhaqsaba ku dhaceen dad badan oo hurmuud ka ahaa muqaawamadii dagaalka kala hortimid cadowgii jabay kuwaasoo bilaabay inay umadda u sheegaan in dagaalkii dhamaaday Ugaandha & Burundina aysan cadow ahayn waase beenowday oo way ka darnaadeen waayo intii uu Itoobiyaanku dilay labadii sano ka badan ayay hadda maraayaan haday sii joogaana kasii badan ayay diyaar u yihiin inay xasuuqaan, Cadowgii ugu waynaa ee Soomaaliya waa maraykankee ayaa adeegsaday siyaasado guracan oo uu ku kala qaybinaayo muqaawamadii markii xabadoodi loo babac dhigi waayay ayaa la bilaabay in iyaga qaarna lasoo dhowaysto kuwa kalana lagu sheego argagaxiso taasoo keentay qoladii uu soo dhowaystay inay ku dhaceen dabinkii uu dhigay una dhega nuglaaday wax kasta oo uu uyeeriyana kusoo dhoweeyay Yes Sir kala saar la’an ugu danbayntiina qaatay erayadii uu ugu yeeri jiray iyaga laftooda “ARGAGAXISO” ka dibna waxaa bilawday doorkii Ugaandha oo sugi la’aa shaqadii loo keenay ee ahayd laynta shacabka Soomaaliyeed taasoo inta la ogyahay xitaa hadda duqayn ku haaya goobihii loo barakacay oo uu Itoobiyaanku xitaa ka xishoon jiray inuu qaraaco sida KM 13, Tda & qaybo kaloo fara badan iskaba daa Suuqyada waawayn ee Muqdisho iyo xaafadaha ay ku hareen dadka fara ku tiriska ah ee meelay u qaxaan garan waayay.


Midda la yaabka leh ayaa waxay tahay dadka kala garan la’a saaxiibkooda iyo cadowgooda kuna hadaaqa maxaa laga rabaa Ugaandha & Burundi, waa Su’aale meelaha ay degan yihiin ma iyagaa leh? Tan xigta haday sida ay sheegtaan ay nabad ilaalin yihiin ma oga dareen nabadi mise way ilaaliyeen? Hadii lasoo weeraro inay shacabka ka aargoostaan ma dowbaa? Itoobiya dalka maka wada baxday mise wali si muuqata ayay ugu jirtaa? Qaramada midoobay sharci ahaan maxay ka qabtaa shacab maalin kasta lagu garaaco hub mamnuuc ka ah goobaha rayidka? Waxaan leeyahay sharciga beenta ah ee qaramada midoobay xitaa haddii loo fiirsho waxa Soomaaliya ka sameeyeen Itoobiya & AMISOM waa maxkamad oo waad ogtihiin in dad badan lagu eedeeyo xasuuq oo maxdamado caalami ah lasoo taago, maxay tahay sabata kuwa Soomaalida laayay & kuwa hadda laynaaya loogu abaal mariyo hub casri ah iyo dhaqaale fara badan? Waa maxay sababta loo cunaqabateeyay Eritaria oo lagu eedeeyay inay hub keento Soomaliya, waa su’aale Hubka & ciidanka Itoobiya soo galiso oo joogtada ma xalaalbaa kan Eritariyana ma xaaraanbaa? Waxaa kasii daran Hubka aan la qarin ee lagu faano ee uu maraykanku kusoo daabulo Soomaaliaya ma aayado quraanaa xalaaleeyay? Horaa wariye Al-jaziira ka tirsan waxa uu u yiri dilka diyaarado, dabaabaad, sawaariikh iyo hub casri ah wax lagu dil ma ilbaxnimaa? kan is qarxiska qofka la gumaaday dadkiisa uu gaystana ma doqonimo & fulaynimaa? taasoo ka caraysiisay Aabaha dulmiga caalamka (Maraykan) dad badana hurdada ka kicisay oo tustay dulmigiisa uu inta soo dhoofiyo qofkii ka gilgishana uu ku tilmaamo ARGAGAXISO.

Waxaaan dhihi karaa waa kaa adki (la jiifiyaana banan) ee wax sharci muslim & mid gaalo oo loo cuskan karaahi ma jiro qof kastana waa ogyahay taas, hadaba maxaa nala gudboon? Waxaa nala gudboon ugu horayn inaan Ilaahay u towbo keeno kuna dhaqano shareecadiisa, marka aan kala garano cadogeena & saaxiibkeena, ee ma ahan inaan si indha la'aan ah u daba socono cadowgeena Maraykan, Itoobiya iyo kuwa u shaqeeya iyagoo fiirsanaaya dana gaara oo aysan waligoodna gaarayn waayo dadkooda oo cadow loola soo safto waxba laguma noqdo.

cabdulaahi maxamuud tooxow
(tooxowyare@hotmail.com)


musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666

 

Ku Laabo Bogii hore