Kulan balaaran oo ay isugu yimaadeen ganacsato gareysa ku dhwaaq
100 oo maanta ka dhacay hotel tropical dagmada dayniile ee magaalada
Muqdisho .
Sahal Express Shirkaan oo ay soo qaban qaabiyeen gudi qurbo
joog ah oo dhawaan ka yimid wadamada USA .UK.Canada iyo wadamo
kale kuwaas oo ganacsatadii manta kulanka ka qeyb galay u soo
bandhigay adeegii ugu danbeeyey ee shirkada xawaaladeed ku shaqeyso
taas oo ay dhameystiran tahay adegeedo iyo amaanadeeda waxayna
u rajeeyeen macaamiisha iyo dadka kale ee xawaaladaha isticmaala
in ay u soo bandhigi doonaan xawaalad ku shaqeynaysa farsamadii
ugu danbeysay ee caalamka laga isticmaalo xaga xawaaladaha hadaafow
oo ku hadlayey Magaca gudiga ayaa ku macneeyey magaca xawaalada
sahal ku dirso dadweynow oo sahal ku qaado sadax daqiiqo gudohood
.
Mr hadaafow ayaa sidoo kale sheegay in shirkadaan fikirkeeda
in mudo ah rag qurbo joog somaliyeed ah ay ka soo shaqeynayeen
ugu danbeystiina ay ku guuleysteen in ay dhameystiraan dhamaan
sahrudihii looga baahnaa shirkad xawaaladeed wuxuuna intaa ku
darey in xafiisyadii USA ,UK ,Canada Africa waana xawaalad gbobal
ah oo Albaabada loo furay saldhiga ugu weyn ayaa noqon doono
dalka Emaratka carabta ee MIdoobey UAE Dubai .
Mar uu ka hadlayey shaqaalaha ayuu sheegay in la diyaariyey
shaqaale aqoon durugsan u leh howlaha xawaaladaha lacagaha ayna
dhaemystiran tahay aqoontooda dhan kasta ah iyo mida xaga amaanadooda
ah waxayna shirkadu la kowsan doontaa sanadka cusub ee 2010
ka isaga waxaana inta ka dhiman la qaban doonaa ducumentida
dadka ka mid noqonaya saamileyda ee so buuxiya sharuudaha laga
doonayo qofka ka mid noqonayo milkiilayaasha shirkada xawaalada
ee sahal Express .
Ka mid noqoshada xawaaladaan ayaa sharuudaha lagu xiray waxaa
ka mid ah in qofku uu la yimaado ugu yaraan shan kun doolar
$5000 waxayna u dhigan taa 60 sheer oo u dhiganta $300.000qof
kasta oo somali ah waa u furan tahay in uu ka mid noqdo milkiilayaasha
shirkada waxaalada ee sahal Express sanadka inta ka dhiman hadii
uu soo buuxiyo sharuudaha ka mid noqoshada .
Kulankii manta ayaa dhamaan gancsatadii
ka soo qeyb gashay ayaa soo wada dhaweeyeen gudig qurbajoogta
somaliyeed fikirkii ay soo bandhigeen waxayna balan qaadeen
in ay ka mid noqon doonaan saamileyda shirkada xawaalada sahal
Express iyayda ganacsatasatadii goobta soo xadirtay isla markaan
takbiirta ku so dhaweeyey ayaa waxaan ka xusi karnaa Maxamed
Faarax Jiis , mire indha yare ,Axmed Jaran ,Sh cabdulaahi ,sh
cali gacamey,maxamed Cabdi Colow iyo marti sharaf kale oo lagu
casuumay munaasibada furitaanka shirkada xawaalada ee sahal
Express .
Milkiilaha hotel tropic ee dagmada dayniile Maxamed Cali Jiisow
oo haatan ku sugan dalka Canada ayaa isaga oo xaflada uga qeyb
qaadanayey munaasibada lagu furayey xawaalda sahal ku tilmaamay
talaabo haboon oo lagu maalgalinayo oo bulshadan ay abuureyso
shaqo iyo dhaqaale waxaa kale oo soo dhaweeyey ku dhawaaqista
xawaaladaan curdunka ah maamulka walaayada ee dagmada dayniile
wixii faahfaahin ah webka shirkada ka gal halkaan
ama kalaxiriir Sh Axmed Hadaafow
( hadaafow2002@hotmail.com )
002521/5638346
ama maxamed Cawaale