Dhacdooyinkii ugu murugada badnaa ee sanadkii tagay iyo somalisan ( warbixin dhinacyada taabaysan codiyo qoraal

dece:31 Source: Somalisan news

wixii ka dambeeyay 15 Bishii Janaayo ee sanadkaan 2009-ka markaasoo ciidamada xabashida Ethiopia ee duulaanka gar darada ahaa ku soo galay Soomaaliya ay isaga baxeen dalka Soomaaliya islamarkaana Madaxweyne loo doortay 30/janaayo/2009 Sheekh Shriif Shariif Sheekh Axmed lana soo dhisay xukuumadii raysal wasare shamaake islamarkan dowladu ay muqdisho u soo guurta waxaa koofurda Soomaaliya gar ahaan m/muqdisho ka bilowday dilal qorshaysan iyo weeraro gaadma ah iyo intaasi ay sii dherayen dagaalo iyo qaraxyo siyaabo kala duwan ugu dhacay guud ahaan wadanka Soomaaliya.

warbixinta oo cod ah si aad u dhageysato riix halkaan

1 janaayo barqanimo khamiis ah ayaa waxaa ciidamo ka tirsan kuwa maamulkii dowlada dagmada afgoye ay toogteen allaha u naxariistee wakiil wareedkii radio shabelle ee dagmada afgoye xasan mayoow xasan waxaan xigay oo siyaabo kala dawn suqa bakaaraha iyo lagu dilay agaasimayaashii shirkadaha hornafrik iyo shabelle saciid tahliil warsame iyo muqtaar maxamed hiraabe waxana la dhawacay axmed cumar xashi axmed tajir

22-kii February Barqanimo Axad ah ayaa waxaa qaraxyo ismiidaamin ah oo is xig xigay lagu weeraray fariisin ciidamada Midowga Africa ay ku leeyihiin Jaamacaddii hore ee Umadda halkaasi oo ciidamo ka tirsan kuwa Burundi ay ku geeriyoodeen.

Sheekh Muqtaar Roobow Cali abuu Mansuur oo markaasi ahaa Afhayeenka Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab oo qadka telfonka shirjaraaid ku qabta ayaa waxaa uu sheegay in qaraxayadaasi ay fuliyeen labo ka mid ah mujaahidiinta Xarakada Mujaahidiinta Al shabaab kuwaasi oo uu sheegay in weerar ku qaadeen Kaniisad ciidamada Burundi ay ku lahaayeen Jaamacadii hore ee Umadda.

Bariijiya Bahuuko afhayeenka ciidmada Midowga Africa oo isna la hadlay saxafada qaraxyadaasi kadib ayaa beeniyay in qaraxyo ismiidaamin ah lagu qaaday Fariisinka ciidamada Burundi ay ku lahaayeen Jaamacadii hore ee Umadda isagona shegay in uu ka war hayo werar madafic ah oo aan badnayn oo lagu qaday jamacadii hore inkastoo sarakiisha ciidamada Burundi ay qirteen in qaraxyadfasi ay jiraan askar ay kaga dhimatay qaraxyadaasi.

Bartamihii Bishii May ee sanadkaan 2009-ka waxaa magaalada Muqdisho iyo qeybo ka mid ah gobolada dalka Soomaaliya ka bilowday dagaalo u dhaxeeya Ciidamadii Maxkamada Islaamiga ee ku biiray dowladda KMG iyo kuwa Xarakatu Shabaabul Mujaahidiinta oo ay wahliyaan kuwa xisbul islaam ,waxaana dagaaladasi ay bilaawden kadib markii cidamo ka tirsan kuwa maxkamadaha ay weraren sargaal ka tirsan shabaab iyo ciidan uu watay waxaan markaasi sii cuslaaday dagaladii u dhaxeyay shabaab iyo maxkamadah waxan aa qirkii laga I taal roonaday maxkamahii waxana dagaaladasi ka horeyay dilal gaad ma ah oo lagula kacay saraakil ka tirsana maxkamahii islamig

26-may golaha amaanka ee QM ayaa waqti kordhin 8 bilood ah ugu daray cidamada amisom ee somaliya joga waxaana go’aankasi ka hadlay afhayenka shabaab sheikh cali dhere oo shegay in amisom baqtigoda iyo meydadkooda ay kala baxayaan somaliya hadii ay sii jogan somaliya




18 abriil waxaa xubna barlamanka dowlada kmg ay ansixiyeen kadib kulan ay yeshen ku dhaqanka shareecada islaamka waxaana malintii xigtay m/muqdisho ka dhacay banaanbax lagu tageerayo go.aankii barlamaanka

23-abril 2009 waxaa magalada muqdisho dib ugu soo labtay sheikh xasan dahir aways oo in kabadan laba sanadood ka maqna somaliya waxana muda ka dib uu la wareegay hugaankii xisbul islam waxa uun kala wareegay sheikh cumar iiman.


6-jun waxaa dagaal culus oo sababay dhimashada in kabadan 50 pofood uu ka dhacay degaanka wabxo kaasi oo u dhaxeyay shabaab iyo ahlusun.

18-june Barqanimo khamiis ee sanadka 2009 ayaa waxaa Magaalada Baladweyne Qarax Ismiidaamin ah lagu dilay Wasiirkii amniga dowladda KMG Cumar Xaashi Aadan iyo Faarax Laqanyo oo horay u soo maray safiirka Soomaaliya u fadhiya Ethiopia waxana sidii kale qaraxaasi ku dhintay ku dhawaad 60 qofood oo isugu jiray Waxgarad Siyasiyiin Odayaal dhaqameed iyo ciidamo ka tirsan doowlada.

Afhayeenka Xarakatu Shabaabul Mujaahidiinta Sheekh Cali Max’uud Raage Sheekh Cali Dheere oo qaraxaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay ka dambeeyeen Xarakatu shabaabul Mujaahidiin.islamarkana ay dileen dad duulan ku soo ahaa somaliya

Sheekh Shariif Sheekh Axmed Madaxweynaha dowladda KMG ayaa qaraxaasi cambaareeyay wax uuna tacsi u diray ehelada xubnihii ku geeriyoday


26-jun ee 2009 gudomiyaha baarlamanka sheikh aadan madobe ayaa cidamo aan kala sooc lahay dalbaday isagona shegay in ay halis gashay jiritaankii dowlada kmg ka dib markii shabaab ay la wareegen dhul badan oo ku yalo k/somaliya

17-janayo ee 2009 waxaa magalada joowhar dagaal kula wareegay kooxda shabaab halkaasi oo ay kula dagalamen maamulkii maxkamadaha,waxan waqtigasi dowlada kmg ku biiray sheikh yuusuf siyaad indhacade iyo ciidan uu watay

6-septembar madaxwayne shariif sh axmed iyo xog hayaha dowlada maraykanka hirali kiloton ayaa waxa ay kulak u yeeshen magalada neraibo ee xarunta dalka Kenya waxaana dowlada shariifka loo balan qaaday dhaqaale iyo saanad ciidan.

15-kii September maalino talaado ah diyaaradaha dagaalka ee Maraykanka ayaa waxaa ay qeybo ka mid ah gobolka Sh/hoose ku weerareen Abuu Yuusuf Saalax Cali Nabhaan oo Maraykanku uu sheegay in uu ka tirsanyahay Ururka Al Qaacida waxaana saraakiisha Shabaab ay qireen in weerarkaasi uu dhacay.

Madaxweynaha dowladda KMG ayaa sheegay in Maraykanka ay u fasaxeen in ay ka raadsadaan wadanka Soomaaliya dadka ka tirsan Al Qaacida.

17-kii September Maalinomo Khamiis ah Qaraxyo ismiidaamin ah oo is xig xigay ayaa waxaa lagu weeraray Fariisinka ugu weyn ciidamada Midowga Afriica ee Xalane halkaasi oo qasaaro uu ka dhashay waxaana ku dhintay Saraakiil ka tirsan ciidanada Midowga Africa iyo kuwa dowladda KMG.

Sheekh Cali Max’uud Raage Cali dheere Afhayeenka Xarakatu shabaabul Mujaahidiin ayaa sheegay in qaraxyadaasi ay ka dambeeyeen shan ka mid ah Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab kuwaasi oo uu sheegay in ay weerar ku qaadeen labo xarumood oo mid ka mid ah ay daganaayeen NATO,Maraykanka iyo Qaramada Midoobay iyo goob uu kulan uga socday Saraakiisha dowladda iyo kuwa AMISOM.oo qorshenayay weraro ay ku soqadan gobaha mujahidinta sida uu yiri waxa uuna intaasi raciyay in qaraxyadasi ay ugu aarayen abuu yusuf salax nabhaan

Dhamaadkii bishii September 2009 waxaa dagaal u dhaxeya mamulka shabaab ee juboyinka iyo saraakil ka tirsan xisbul islaam uu ka dhacay magalada kismayo waxaana dagaladasi ay sameyn ku yeshen dadka dan yarta ahaa ee lagu dul dagaalamay

22-agtober waxaa duqaymo ka dhacay magalada muqdisho gaar ahaan suqa bakaaraha ku dhintay in kabadan 23 qofood oo rayid ah waxaana dhawacmay 100 kale xili diyaarad goroonka diyaaradaha ka qadaysay madaxwayne shariif madaafiic lagu weeraray
Waxana madafiicdasi jawaab ka bixiyay cidamada ugandha islamarkan in kiray.


11-novembar ee 2009 waxaa magaloyinka garowe iyo basaso lagu dilay xiliban ka mid ahaa mamulka buntland iyo gudomiyihii maxkamada darajada 1 ee g/bari

Mar xaladu markay intaasi marayso ayaa waxaa 3-dii December Maalin Khamiis ah Qarax Culus uu ka dhacay Hoteelka Shaamoow ee Magaalada Muqdisho halkaasi oo Xaflad qalin jabin ah ay ku lahaayeen arday dhameysay Kulyadda Caafimaadka ee Jaamacadda Banaadir,waxaana qaraxaasi ku dhintay sedax ka mid ah wasiirada dowladda KMG Saxafiyiin dhaqaatiir qaar ka mid ah ardaydii Jaamacadaasi iyo waalidiin .

Maamulada ka jira dalka somaliya ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay qaraxaas naxdinta iyo murugada ku reebay bulshada somaliyed qaybaheda kala duwan

Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa qaraxaasi markii uu dhacay ku eedeeyay dhinacyada ka soo horjeeda dowladda KMG.

Laakin waxaa tasi waa ben abuur yiri Afhayeenka Xarakada Shabaabul Mujaahidiinta Cali Max’uud Raage oo isna qaraxaasi naxdinta lahaa sheegay in ay ka dambeeyen tagerayasha cabdi qaybdii oo iyagu aga uu qaruxu ka dhacay banaanbaxayaal loga so horjeedo xil ka qaadis lagu sameyay c/qaybdiid waxaan afhayenku uu meesha ka saaray in ay ka lug lahaayeen Xarakada Shabaabul Mujaahidiin qaraxasi

Sidoo kale Sheekh Xasan Daahir aweys Hogaamiyaha Xisbul islaam ayaa qaraxaasi ku tilmaamay mid musiibo iyo naxdin leh ah isagoona ku eedeeyay in ay ka dambeeyaan dad cadow ah oo u adegayo dad dana gaar ah kale somaliya.. .

Waxaa kale oo intaasi dheered in ciidamada amisom in kabadan 80 qofood oo rayid ah siyaabo kala duwan ugu dileen wadada makka almukarama oo qarayo ismidamin ah iyo kuwa cadi ah lagu la eegtay .

Hada waxaa wali muqdisho iyo gobolo ka mid ah somaliya ka socda dhaqdhaqaayo ciida iyadoana sanad cusub la galay waxa laga warsugaana waa is badalka uu la imaanka sanadaka 2010 waa su’aal jawaab u baahan?illahoow sanad ka qayr badan kana an ka soo sheekenay ka dhig,AAMIN,AAMIN,AAMIN.

warbixintii maxamed Bashiir xaashir
m_bashiir8@hotmail.com
www.somalisan.com


si aad u aragto sawirada qaar ka mid ah caruurta wax u qabasho u baahan riih halkaan

intaa wax ka badan si aad u aragto riih halkaan

musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666

Ku Laabo Bogii hore