Maamulka Bidhaan Huteel oo Beeniyey Warar ay Warbaahinta Qaar Ka Faafiyeenţ
Sidoo kale, waxa isna Shirkaa Jaraa’id ka hadlay Mulkiilaha Bidhaan Huteel CabdiShakuur Bidhaan oo sheegay inuu been-abuur lagu deg-degay uu yahay warka lagu sheegay in Bidhaan Huteel dad looga shakisan yahay argagixiso ay galeen oo ay Ciidammada Boolisku soo qabqabteen xalay
Maamulka Hoteelka Hurdada ee Bidhaan ee magaalada
Hargeysa ayaa beeniyey Warar ay qoreen qaar ka mid ah warbaahinta Somaliland, kuwaasoo sheegay in Ciidamadda Boolisku xalay dad looga shakisan yahay argagixiso oo Boolisku baadi-goobayeen inay Bidhaan Huteel galeen, isla markaana qaarkood halkaa lagu soo qabqabtay.
Hase-yeeshee, Maamulka iyo Mulkiilayaasha Bidhaan Huteel oo maanta Shir Jaraa’id ku qabtay Huteelkaas oo ku yaalla Xaafadda Dumbuluq oo ka tirsan Degmada Maxamuud-Haybe ee magaalada Hargeysa, ayaa beeniyey warkaas oo ay ku tilmaameen wax laga xumaado oo Sumcadda ganacsigooda wax loogu dhimayo, iyaga oo sheegay inaanay jirin dad ay Ciidammada Aammaanka Somaliland ka soo qabteen huteelkooda oo argagixiso lala xidhiidhinayo iyo kuwo kale toona. Waxaanay ku doodeen oo ay intaa ku dareen inaanay jirin Ciidan galay ama baadhitaan ku sameeyey Bidhaan
Huteel.
Maamulaha Bidhaan Huteel Xuseen Maxamed Koosaar oo shirkaa Jaraa’id ka hadlay, ayaa si adag uga hadley wararkaas oo uu ku tilmaamay kuwo aan sal iyo raad toona lahayn oo xaqiiqada ka fog. “Warbaaahinta waxa looga baahan yahay inay marka hore iska hubiyaan wararka ay baahinayaan, waayo? Xalay dhacdadii halkan ka dhacday iyagoon waxba naga soo weydiin ayey iska baahiyeen Bidhaan Hotel ayaa laga qabtay niman looga shakisan yahay argagixo, taasina waa been-abuur, mana jiraan Boolis Huteelkan Bidhaan soo galay ama baadhitaan ku sameeyey iyo cid Bidhaan Huteel laga qabtay toona.” Sidaa ayuu yidhi Maamulaha
Bidhaan Huteel Xuseen Maxamed.
Sidoo kale Maamulaha Bidhaan Huteel Xuseen Maxamed Koosaar, ayaa isagoo ka hadlaya sidii ay wax u dhaceen xalay waxa uu yidhi; “Xalay abbaaro 11:00-kii habeennimo ayaa waxa aannu ku war-helnay Ciidammada Booliska ee SPU-da iyo RRU-da loo yaqaan oo guud ahaan Xaafadda ku wareegsan, kuwaasoo ujeeddada iyo bartilmaameedka uu ku ay ku socdeen guryahan Huteelka ka dambeeya, halkaasoo ay dad dhawra ka qabteen guryaha ka danbeeya hotelka waxa loo qabtayna aannaan ka warhaynin.
Laakiin, Bidhaan Huteel Ciidan soo galay ama baadhitaan ku sameeyey oo cid ku qabtay ma jiro, Ciidankuna jidadka iyo Meheradaha Xaafaddan Huteelku ku yaallo way xidheen intii hawlgalka ay ku jireen.”Xuseen Maxamed Koosaar, waxa uu sheegay in dadka Huteelka ku soo dega Soomaali iyo Ajaannib-ba ay waraysiyo la sameeyaan intaanay Huteelka ka kiraynin, isla markaana ay ogaadaan qof kasta oo Huteelka deggan halka uu ku socdo, halka uu ka yimi iyo Sharciga uu dalka ku soo galay.
Isla markaana, ay wada-shaqayn toos ah leeyihiin Laanta
Socdaalka Somaliland oo ay arrimahaa kala shaqaysa Hudheellada Hurdada ee lacagta lagu seexdo.
Sidoo kale, waxa isna Shirkaa Jaraa’id ka hadlay Mulkiilaha Bidhaan
Huteel CabdiShakuur Bidhaan oo sheegay inuu been-abuur lagu deg-degay uu yahay warka lagu sheegay in Bidhaan Huteel dad looga shakisan yahay argagixiso ay galeen oo ay Ciidammada Boolisku soo qabqabteen xalay, waxaanu yidhi; “Warbaahinta waxaan leeyahay maaha in sabab la’aan aad u dacaayadaysaan Ganacsi ama Meherad Muwaaddin reer Somaliland ah oo isagu cid walba ka nabadgelyo jeceli leeyahay mana habboona in ganacsiga of war aan jirin laga sheego. Markaa, warbaahintii warkaas qortay ee Hubaal, Halbeegnews iyo kuwo kale, waxaannu uga fadhinaa inay caddeeyaan waxa ay baahiyeen ee beenta ah.”
“Ciidammada Booliska ee RRU-da iyo SPU-du markay Xaafaddan Dumbuluq yimaaddeen aniga oo Huteelka Hortaagan ayey Gaadhi hortayda oo waddada ah kaga degeen, waxay igu yidhaahdeen; ‘gal gudaha, albaabkana xidh,daaqadahana lama furi karo’ haye baan idhi, gudaha Huteelkaan soo galay, albaabkiina waan xidhay, Xaafadaha dambe ayey baadhitaan ku bilaabeen guryo ay si gaar ah ugu socdeen, dadna ka qabqabteen, laakiin Ciidan Bidhaan Huteel soo galay iyo kuwo baadhay iyo kuwo cid ka qabtay midna ma jirto, cidda warkaa faafisayna caddeyntiisaannu ka
doonaynaa.” Sidaa ayuu yidhi Cabdishakuur Bidhaan.

FG:
Shabakada Wararka ee Somalisan Mas'uul kama ahan Cidii ku xadgudubto
Shaqsi Raalina kama noqonayso Somalisan.com.



VIDEO Xiirey Xuuriye Dhuxul iyo dhooblow xersi taraarax iyo Muqaalka Sheekadii lacala
VIDEO Madaxweyne Xasan Shiikh oo booqday degmada dayniile tan iyo markii la doortay 05 05 2013 .
VIDEO Xeer ilaaliyahay guud ee qaranka 3dii garsoore laba ayaa ahlu naar ah ciidamda dowlada ciyaalka dugsiyada oo sunadu ka muuqato ayey xirxiraan maxkamad la.aana sidey doonaan ka yeelaan hadalo cajiib ah
VIDEO Mursal Muuse iyo heestii Run u sheeg naftaaduna, ha i raadsan IYO Cabdiqaboojiye iyo heestiisii riyaan kugulo noolahay iyo fanaaniin kale
VIDEO Xayawaanada Qarada Africa oo is cunaya iyo sida uu yahay dhaqankooda
VIDEO Sheeko la yaableh haween rumeysnaa in ay isqabeen oo midood tii kale hoyadeed mindi kala daashay ilaa ay ka dhimato
Filim kii The Good. The Bad. And The Ugly.Full Movie 1 oo dhameystiran Daawasho wacan Il poono il puruto ila katiivo
Maxkamada Gobolka Banaadir oo Edeysanayaal lagu helay danibyo ay ka mid ahaayeen dil iyo Burcadbadeednimo ku riday xakuno kala duwan ( DAAWO SAWIRADA )
VIDEO Abwaan Sugaal Cabdulle oo si la yaab leh ugu duceeyey dalka Somaliyeed dalbadayna in aysan dan inoo aheyn yuu ku deyn adne hadayn
Marwo Caasha X. Cilmi oo haween iyo caruur kula dabaal degtay xero barakacayaal, maalinta haweenka There must be an end to violence against women, Prime Minister declares on International Women’s Day ( DAAWO SAWIRADA )
Qarax Dhimasho iyo dhaawac burbur hantiyadeed dhaliyey oo ka dhacay Liido Sea food and restourant magaalada Muqdisho
(DAAWO SAWIRDA )
VIDEO Sheekh C/qaadir Nuur Faarax oo lagu dilay magaalada Garoowe iyo qaabkii loo Qabtay nin dilkiisa lagu tuhmayo
Daawo VIDEO laga soo duubay ninka la sheeegay in uu dilay sheekh
Dr. Maxamed Nuur Gacal wasaaradda arrimaha Dibadda mrnaba ma cafin doonto shaqsi kasta oo meel uga dhacay ama ku takri falay hantida qaranka ee dibadda.. ( DAAWO SAWIRADA )
Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo lagu amaanay howlaha ay ka qabato garoonka Aadan cadde ( DAAWO SAWIRADA )
Kumanaan arday oo maanta u fariisatay imtixaanka kama dambeysta ah ee Jaamacadda Somalia ( DAAWO SAWIRADA )