Kolonyo Ciidamada AMISOM ka tiran oo sarkaal ciidamada Dowlada ah gaari ku dardarsiiyey waddo iskana tagay lana garanwaayey

2/21/2013 5:43:00 P

Sarkaalka oo ka tirsanaa guutada 3aad ee milataarka soomaaliya ayaa la sheegay in gaarigu ku dar daray inta u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye islamarkaana dhaawac ahaan lagu gaarsiiyay isbitaaka Madiina halkaasoo uu ugu danbeyn uu ku geeriyooday


Qaar ka mid ah gaadiidka dagaal ee amisom ayaa la sheegay inay jiireen ama dar dareen mid ka mid ah saraakiisha ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya kaasoo lagu magacaai jirey C/salaan Sheekh Maxamuud Hilowle.

Sarkaalka oo ka tirsanaa guutada 3aad ee milataarka soomaaliya ayaa la sheegay in gaarigu ku dar daray inta u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye islamarkaana dhaawac ahaan lagu gaarsiiyay isbitaaka Madiina halkaasoo uu ugu danbeyn uu ku geeriyooday.
Waxaa xusid mudan sida sarkaal dowlada ka tirsan uu sheegay in gaadiidkii amisom ee sarkaalka jiirey ay iska sii wateen safarkooda iyagoon dib ugu soo laaban taasoo keentay in la aqoonsan waayay ciidamadaasi halka ay ka tirsanaayeen balse la qiyaasay inay Uganda ahaayeen.
Dhanka kale ma jirto wax war ah oo ka soo baxay taliska Amisom kaasoo ay kaga hadlayeen dilka ay gaysteen inkastoo ay macquul tahay inay ka hadlaan saacadaha soo socda .
Si kastaba baabuurta amisom ayaa dhow mar si bareer ah iyo si dadbanba waxaa ay baabuurtooda ugu dileen muwaadiniin Soomaaliyeed iyadoo mid ka mid ah la xasuusto inay sanado ka hor baabuur dul mariyeen isagoo salaad ku jira isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho.

Warar kale oo xiiso leh halkaan ka aqriso.


FG: Shabakada Wararka ee Somalisan Mas'uul kama ahan Cidii ku xadgudubto Shaqsi Raalina kama noqonayso Somalisan.com.

Fikirkaaga hoos kadhiibo:





Nagala Soo Xiriir: +252695576666/+252615576666//+252699907666 somalisan@hotmail.com / somalisan@gmail.com