Taliska Ciidamada AMISOM oo wado qorshe Guriceel iyo caabud waaq lagu geynayo ciidamo AMISOM ah si ay ....

2/20/2013 5:04:00 P

Maamulka Ahlusuna ee Gobolada Dhexe ayaa dhawaan codsaday in Ciidamo ka socda AMISOM la geeyo deegaanada Galgaduud, iyadoo Ciidamada Ahlusuna ay dagaalo kula jiraan Xarakada Al-Shabaab.


Taliska Ciidamada AMISOM ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegay inay suura gal tahay in Ciidamo ay geeyaan Gobolka Galgaduud, kadib markii Maamulka Ahlusuna ee Gobolada Dhexe ay codsi u jeediyeen.

Taliyaha Ciidamada AMISOM ee ku sugan Gobolka Hiiraan Col. Cusmaan Dhubad ayaa sheegay inay kulamo ay yeesheen Maamulka Galgaduud iyo Ahlusuna, ayna ka wada hadleen sidii looga midoobi lahaa howl galada, “Waxaa jira kulamo aan yeelanay walaalaha Soomaaliyed ee Galgaduud, waxaa tababar siin doonaa Ciidamada oo halkan nagu imaanaya”ayuu yiri Col. Cusmaan Dhubad.

Sidoo kale Col. Dhubad ayaa sheegay inay lagama maarmaan tahay inay tagaan Galgaduud, isla markaana qorshahaas mar dhow ay dhameystiri doonaan.isagoo xusay inay tababaro siindoonaan ciidamada ahlu sunna ee gobolada dhexe.

Maamulka Ahlusuna ee Gobolada Dhexe ayaa dhawaan codsaday in Ciidamo ka socda AMISOM la geeyo deegaanada Galgaduud, iyadoo Ciidamada Ahlusuna ay dagaalo kula jiraan Xarakada Al-Shabaab.


Warar kale oo xiiso leh halkaan ka aqriso.


FG: Shabakada Wararka ee Somalisan Mas'uul kama ahan Cidii ku xadgudubto Shaqsi Raalina kama noqonayso Somalisan.com.

Fikirkaaga hoos kadhiibo:





Nagala Soo Xiriir: +252695576666/+252615576666//+252699907666 somalisan@hotmail.com / somalisan@gmail.com