Wasiirada Arimaha dibada ee Somaliya Fowsiyo Yuusuf Xaaji oo dalka dib ugu soo laabatay
Shirka Golaha amaanka Qaramada Midoobe waxaa la isla soo qaaday sidii ciidamo badeed oo xoog leh loogu dhisi lahaa Soomaaliya si ay uga hortagaan falalka burcad badeeda Soomaalida
Waxaa maanta magaalada Muqdisho dib ugu soo laabtay Wasiirada arimaha dibada Soomaaliya Fowsiyo Yuususf Xaaji Aadan taasoo ka timid dalka Mareykanka halkaasoo ay dhawaan kaga qeybgashay shir golaha amaanka qaramada midoobe uu isugu yimid.
Xubno ka tirsan Dowlada ayaa wasiirada ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho markii ay soo caga dhigatay diyaaradii ay la socotay wasiirada.
Mar ay wasiiradu ka hadleysay shirkii ay ka soo qeybgashay wixii looga hadlay ayay sheegtay waxyaabihii ugu muhiimsanaa ee dhanka soomaaliya looga hadlay sidii cunuqabateynta hubka looga qaadi lahaa Soomaaliya iyo sidoo kale qaabkii looga adkaan lahaa burcad badeeda.
“shirka Golaha amaanka Qaramada Midoobe waxaa la isla soo qaaday sidii ciidamo badeed oo xoog leh loogu dhisi lahaa Soomaaliya si ay uga hortagaan falalka burcad badeeda Soomaalida”ayay tiri wasiirada .
Sidoo kale waxaa la isla soo qaaday sida wasiiradu sheegtay in dib u eegis lagu sameeyo howlgalka ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya.iyadoo dhanka kale soo hadal qaaday hadal kenta ka xanaajiyay oo ay ka sheegtay shirka qaramada Midoobe.
“warka aan sheegnay warbaahinta ayaa buun buunisay anaha iyo kenya xiriir fiican ayaa naga dhexeeya mana aaminsani inay wax u dhimi doonto wixii aan sheegnay oo ahaa kaliya in ciidamadeena badda naloo dhiso islamarkaana aanaan u baahneyn ciidamo badeed dalal kale ka yimid.”ayay mar kale tiri wasiirada oo ku celcelisay inay kenya abaal uga hayaan sida ay dhiigooda ugu hureen nabadeynta dalka Soomaaliya sida ay sheegtay.

FG:
Shabakada Wararka ee Somalisan Mas'uul kama ahan Cidii ku xadgudubto
Shaqsi Raalina kama noqonayso Somalisan.com.



VIDEO Xiirey Xuuriye Dhuxul iyo dhooblow xersi taraarax iyo Muqaalka Sheekadii lacala
VIDEO Madaxweyne Xasan Shiikh oo booqday degmada dayniile tan iyo markii la doortay 05 05 2013 .
VIDEO Xeer ilaaliyahay guud ee qaranka 3dii garsoore laba ayaa ahlu naar ah ciidamda dowlada ciyaalka dugsiyada oo sunadu ka muuqato ayey xirxiraan maxkamad la.aana sidey doonaan ka yeelaan hadalo cajiib ah
VIDEO Mursal Muuse iyo heestii Run u sheeg naftaaduna, ha i raadsan IYO Cabdiqaboojiye iyo heestiisii riyaan kugulo noolahay iyo fanaaniin kale
VIDEO Xayawaanada Qarada Africa oo is cunaya iyo sida uu yahay dhaqankooda
VIDEO Sheeko la yaableh haween rumeysnaa in ay isqabeen oo midood tii kale hoyadeed mindi kala daashay ilaa ay ka dhimato
Filim kii The Good. The Bad. And The Ugly.Full Movie 1 oo dhameystiran Daawasho wacan Il poono il puruto ila katiivo
Maxkamada Gobolka Banaadir oo Edeysanayaal lagu helay danibyo ay ka mid ahaayeen dil iyo Burcadbadeednimo ku riday xakuno kala duwan ( DAAWO SAWIRADA )
VIDEO Abwaan Sugaal Cabdulle oo si la yaab leh ugu duceeyey dalka Somaliyeed dalbadayna in aysan dan inoo aheyn yuu ku deyn adne hadayn
Marwo Caasha X. Cilmi oo haween iyo caruur kula dabaal degtay xero barakacayaal, maalinta haweenka There must be an end to violence against women, Prime Minister declares on International Women’s Day ( DAAWO SAWIRADA )
Qarax Dhimasho iyo dhaawac burbur hantiyadeed dhaliyey oo ka dhacay Liido Sea food and restourant magaalada Muqdisho
(DAAWO SAWIRDA )
VIDEO Sheekh C/qaadir Nuur Faarax oo lagu dilay magaalada Garoowe iyo qaabkii loo Qabtay nin dilkiisa lagu tuhmayo
Daawo VIDEO laga soo duubay ninka la sheeegay in uu dilay sheekh
Dr. Maxamed Nuur Gacal wasaaradda arrimaha Dibadda mrnaba ma cafin doonto shaqsi kasta oo meel uga dhacay ama ku takri falay hantida qaranka ee dibadda.. ( DAAWO SAWIRADA )
Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo lagu amaanay howlaha ay ka qabato garoonka Aadan cadde ( DAAWO SAWIRADA )
Kumanaan arday oo maanta u fariisatay imtixaanka kama dambeysta ah ee Jaamacadda Somalia ( DAAWO SAWIRADA )