Munaasibad Si Aad iyo aad loo Soo agaasimay ayaa ka dhacday Hoolka Central Hall Westminster ee Magaalada London ,

Kulankaan oo lagu soo dhaweynayey Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud uti xubnha wafdigiisa ayaa soo qaabeeyay qeybaha kala duwan ee jaaliyada somalida ee UK oo beryahan ku sugnaa magaalada London ee caasimadda dalka Britain.
Xafladda ayaa waxaa ka soo qeybgalay Soomaali kummanaan ah oo ku nool Daagaha Uk, kuwaasi oo hoolka uga soo xaariday in ay maamuus sarreeya u sameeyaan Madaxweynaha iyo wafdigiisa
Sidoo kale Ammaanka ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana sugaya ciidamo gaar ah, kuwaasi oo sugayay amniga goobta iyo habsami u socodka xafladda, waxayna dadka u muuqdeen kuwo si weyn u daneynayay in ay arkaan madaxweynaha, isla markaana ay dhegeystaan hadalkiisa

FG:
Shabakada Wararka ee Somalisan Mas'uul kama ahan Cidii ku xadgudubto
Shaqsi Raalina kama noqonayso Somalisan.com.
Nagala Soo Xiriir: +252695576666/+252615576666//+252699907666
somalisan@hotmail.com / somalisan@gmail.com