Maxaa kaaga baxay qorshaha beesha caalamka ee kusaabsan ciidameynta jaamiciyiinta soomaaliyeed ?
Shirar isxigay oo kakala dhacay dalalka uganda iyo turkiga ayeey madaxweyne xasan maxamuud iyo wasiirkiisa fiqi degdeg waxay kasheegeen in jaamiciyiinta soomaaliyeed gaar ahaan kuwa koonfurta askar looqorayo
Isbaarada caqliga ee beesha caalamka ayaan weli kadhamaan dalka soomaaliya. Isbaaradaan oo soo martay heerar kala duwan ayaa saameysay xagga culumada,oday dhaqameedyada,maamul usameynta gobolada,xuduudaha,eray bixinta afsoomaaliga,arimaha qoyska iyo dhamaanba qeybaha kala duwan ee bulshada soomaaliyeed.
Filtareyntii culumada waxaa BC usuurto gashay inay leexsadaan suufiyiintii,al ictisaam iyo qeybo badan oo alislaax kamid ah.ayagoo suufiyiintii kadhigay askar calooshood ushaqeystayaal ah oo amxaarada ka amar qaata,halka al ictisaam badankooda ama dhamaantoodba lasiiyey warqadda dhaqdhaqaaqa mutamaraadka iyo ganacsiga,halka ay al islaax kumaal gelisay dugsiyada gaarka loo leeyahay ee lacagta lagu dhigto.
Isbaaradu waxay aad utaabatay erayada afsoomaaliga ah ee loo isticmaalayo si aysan ahayn,taasoo haddaan sookoobno aan kasoo qaadan karno erayada ay kamid yihiin kaalmaynta oo ay bedelkeeda sameeyaan hagardaamo,ladagaalanka argagixisada oo ay natiijadeedu noqotay burburinta nabadda iyo abuuridda fadarada iyo boobka ama deganaasho la,aanta.waxaa kaloo kamida isdhexgalka bulshada oo noqotay isbaridda ragga iyo dumarka ama dhaqan rogid iyo erayo kale oo badan oo laga beensheegay sida ciidamada qalabka sida oo ay caddahay inay yihiin tuugada qalabka sidata ee sharciyeysan IWM.
Xagga odayaasha waatii qaarkood layiri waa qaswadayaal ee mahiga uu sameystay mooryaan odayeed halmar isticmaal ah (one time use/ en gangs bruk) ah,dabadeedna leyska tuuray markii laga dan dhameystay. Arintaas waxay dhalisay in magaca oday dhaqameed ilgaar ah lagu fiiriyo hadda kadib sida culumadii leexatay oo kale. Magaca madaxweyne iyo xildhibaan waad arkeysaan halka uu marayo oo waa lakaraamo tiray.Aqoonyahan wuxuu kadhamaan la,yahay inuu heesaha kadaba jiibiyo beesha caalamka iyo hadba dowladdii ay soo dhistaan.
Haddaba ayadoo ay intaas jirto ayaa jaamiciyiintii soomaaliyeed ee cusbaa waxaa hadda loodhigtay isbaaradii aynu kasoo hadalay.Marka koowaad waxaa layiri jaamici aan wax kusoo baran wadamo cayiman oo reer galbeedka kamid ah looma ogola inuu kamid noqdo madaxda sare ee dowladda iyo heyadaheeda dhexe ee waxqabadka leh. dabadeed intaa loogama harin ee waxaa lala meel dhigay mooryaantii lagasoo aruuriyey qabqablayaashii dagaalka ee baarlabaanka hore loogu darsaday oo waxaa layiri waa in la askareeyo.
Shirar isxigay oo kakala dhacay dalalka uganda iyo turkiga ayeey madaxweyne xasan maxamuud iyo wasiirkiisa fiqi degdeg waxay kasheegeen in jaamiciyiinta soomaaliyeed gaar ahaan kuwa koonfurta askar looqorayo,taasoo ay micnaheedu tahay in carro tuur ama gabbaad looga dhigayo kuwa amisom ee ku jabay dagaalka ay kula jiraan xshmujaahidiin.Si taas suurtagelinteeda ugu sahlanaato ayeey qafaal joogto ah kubilaabeen dhalinyaradi iyo ardaydii xamar wax kabaraneysay si loo jecleysiiyo inuu askarigu yahay kan awoodda leh. arintaan qafaalka qormadeena dambe ayaan uga hadli doonaa inshaa allaah.
W/Q, xagaleey

FG:
Shabakada Wararka ee Somalisan Mas'uul kama ahan Cidii ku xadgudubto
Shaqsi Raalina kama noqonayso Somalisan.com.



VIDEO Xiirey Xuuriye Dhuxul iyo dhooblow xersi taraarax iyo Muqaalka Sheekadii lacala
VIDEO Madaxweyne Xasan Shiikh oo booqday degmada dayniile tan iyo markii la doortay 05 05 2013 .
VIDEO Xeer ilaaliyahay guud ee qaranka 3dii garsoore laba ayaa ahlu naar ah ciidamda dowlada ciyaalka dugsiyada oo sunadu ka muuqato ayey xirxiraan maxkamad la.aana sidey doonaan ka yeelaan hadalo cajiib ah
VIDEO Mursal Muuse iyo heestii Run u sheeg naftaaduna, ha i raadsan IYO Cabdiqaboojiye iyo heestiisii riyaan kugulo noolahay iyo fanaaniin kale
VIDEO Xayawaanada Qarada Africa oo is cunaya iyo sida uu yahay dhaqankooda
VIDEO Sheeko la yaableh haween rumeysnaa in ay isqabeen oo midood tii kale hoyadeed mindi kala daashay ilaa ay ka dhimato
Filim kii The Good. The Bad. And The Ugly.Full Movie 1 oo dhameystiran Daawasho wacan Il poono il puruto ila katiivo
Maxkamada Gobolka Banaadir oo Edeysanayaal lagu helay danibyo ay ka mid ahaayeen dil iyo Burcadbadeednimo ku riday xakuno kala duwan ( DAAWO SAWIRADA )
VIDEO Abwaan Sugaal Cabdulle oo si la yaab leh ugu duceeyey dalka Somaliyeed dalbadayna in aysan dan inoo aheyn yuu ku deyn adne hadayn
Marwo Caasha X. Cilmi oo haween iyo caruur kula dabaal degtay xero barakacayaal, maalinta haweenka There must be an end to violence against women, Prime Minister declares on International Women’s Day ( DAAWO SAWIRADA )
Qarax Dhimasho iyo dhaawac burbur hantiyadeed dhaliyey oo ka dhacay Liido Sea food and restourant magaalada Muqdisho
(DAAWO SAWIRDA )
VIDEO Sheekh C/qaadir Nuur Faarax oo lagu dilay magaalada Garoowe iyo qaabkii loo Qabtay nin dilkiisa lagu tuhmayo
Daawo VIDEO laga soo duubay ninka la sheeegay in uu dilay sheekh
Dr. Maxamed Nuur Gacal wasaaradda arrimaha Dibadda mrnaba ma cafin doonto shaqsi kasta oo meel uga dhacay ama ku takri falay hantida qaranka ee dibadda.. ( DAAWO SAWIRADA )
Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo lagu amaanay howlaha ay ka qabato garoonka Aadan cadde ( DAAWO SAWIRADA )
Kumanaan arday oo maanta u fariisatay imtixaanka kama dambeysta ah ee Jaamacadda Somalia ( DAAWO SAWIRADA )