Dowlada britan oo sheegtay in aysan aqoonin wax Somaliland la yiraahdo
Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya Matt Bough waxaa kale oo uu ka hadlay Madax-banaani Somaliland ka hesho beesha caalamka, waxaanu tilmaamay in dowladda boqortooyada Ingiriisku aysan aqoonsanayn Somaliland wax la yiraahdo
Safiirka dowladda Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya Matt Bough ayaa ka hadlay dhawaaqii dowladdiisu kaga digtay xasiloonida Somaliland, waxaanu faahfaahin ka bixin kari waayey halista amaan daro ee dowladdiisu Somaliland ka sheegtay.
Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya Matt Bough waxaa kale oo uu ka hadlay Madax-banaani Somaliland ka hesho beesha caalamka, waxaanu tilmaamay in dowladda boqortooyada Ingiriisku aysan aqoonsanayn Somaliland wax la yiraahdo, balse ay ka warheyso dhibaatada ay ka tirsanayaan dalka Soomaaliya, taasina ay tahay wax la xallin karo oo aan loo sheegan Karin dowlad gooni ah.
Matt Bough oo wareysi siiyey saxafada ayaa isaga oo ka jawaabaya inuu faahfaahin ka bixiyo dhawaaqa dowladdiisu amaanka Somaliland kaga dayrisay yiri “Faahfaahinta dheeraadka ah ee aan ka bixin karo arrintan waa mid kooban, waxaan u sheegayaa dadwaynaha, talo-bixintayda dhinaca safarka ee ku daabacan website wasaaradda arrimaha dibada
(http://www.fco.gov.uk/en/travel-and-living-abroad/travel-advice-by-country/sub-saharan-africa/somalia),
waxaanu halkaas ku cadeynay in xilligan loo safro Soomaaliya oo ay ku jirto Somaliland, marka la eego halista gaarka ah ee la tilmaamay inay ku waajahan tahay dadka reer galbeedka ah ee Somaliland halkaasi jooga, waxaanu kula talinay dadka Ingiriiska u dhashay ee halkaasi jooga inay ka baxaan, laakiin faahfaahin intaa dheer kama bixin karayo, laakiin si dhib yar kumaano gaadhin (Go’aankaasi)”.
(http://www.fco.gov.uk/en/travel-and-living-abroad/travel-advice-by-country/sub-saharan-africa/somalia),
waxaanu halkaas ku cadeynay in xilligan loo safro Soomaaliya oo ay ku jirto Somaliland, marka la eego halista gaarka ah ee la tilmaamay inay ku waajahan tahay dadka reer galbeedka ah ee Somaliland halkaasi jooga, waxaanu kula talinay dadka Ingiriiska u dhashay ee halkaasi jooga inay ka baxaan, laakiin faahfaahin intaa dheer kama bixin karayo, laakiin si dhib yar kumaano gaadhin (Go’aankaasi)”.
Mr. Matt Bough waxa uu sheegay in dowladdiisu arrintan ay wadahadal kala yeelanayso Somaliland “Wadahadal ku saabsan arrintan ayaanu Somaliland kala leenahay, iyaga ayaanuna toos ugala xiriireynaa, waxaana mas’uuliyad naga saaran tahay muwaadiniinta Britain u dhashay ee guud ahaan caalamka ku sugan, go’aanka lagu bedelay dhanka socdaalkuna muu aheyn go’aan si fudud iyo taxadar la’aan lagu qaatay, intaasi wixii ka baxsan Somaliland ayaanu kala xidhiidhaynaa”ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray in gooni isku taag iyo Madax-banaani Somaliland heshaa ku xidhan yahay Somalida “Siyaasadayada Somaliland ku aadani waa mid cad, haddana waa arrin u taala Soomaalidu inay go’aan ka gaaraan midnimada labada dhinac u dhaxeysa, dhinaca kalena waa howl u taala Midowga Afrika, mana jiro qorshe gaar ah ama go’aan Ingiriisku doonayo in lagu xalliyo, Somaliduna waxay awood u leeyihiin inay wada hadlaan, taasina waa mid sii kordhaysa, midowga Afrikana waxay leedahay ansixinta go’aanka Somalidu isku raacaan, iyada oo aan la wada hadlina xal ma imanayo, sanadkii hore ayaanu dhiirigalinay in la wada hadlo, aakhirkiina waa la wada hadlay, ilaa imikana taasi ayaanu taageraynaa”.
Safiirka oo la waydiiyey sida dowladdiisu sida ay u aragto in Soomaaliya midowdo ama kala go’do ayaa ku jawaabay “Somaliland ma aqoonsanin, inkastoo aan ka warheyno dhibaatooyinka ay sheeganayaan, laakiin Soomaalida ayey u taalaa inay go’aan ka gaaraan xiriirkooda mustaqbalka”.

FG:
Shabakada Wararka ee Somalisan Mas'uul kama ahan Cidii ku xadgudubto
Shaqsi Raalina kama noqonayso Somalisan.com.



VIDEO Xiirey Xuuriye Dhuxul iyo dhooblow xersi taraarax iyo Muqaalka Sheekadii lacala
VIDEO Madaxweyne Xasan Shiikh oo booqday degmada dayniile tan iyo markii la doortay 05 05 2013 .
VIDEO Xeer ilaaliyahay guud ee qaranka 3dii garsoore laba ayaa ahlu naar ah ciidamda dowlada ciyaalka dugsiyada oo sunadu ka muuqato ayey xirxiraan maxkamad la.aana sidey doonaan ka yeelaan hadalo cajiib ah
VIDEO Mursal Muuse iyo heestii Run u sheeg naftaaduna, ha i raadsan IYO Cabdiqaboojiye iyo heestiisii riyaan kugulo noolahay iyo fanaaniin kale
VIDEO Xayawaanada Qarada Africa oo is cunaya iyo sida uu yahay dhaqankooda
VIDEO Sheeko la yaableh haween rumeysnaa in ay isqabeen oo midood tii kale hoyadeed mindi kala daashay ilaa ay ka dhimato
Filim kii The Good. The Bad. And The Ugly.Full Movie 1 oo dhameystiran Daawasho wacan Il poono il puruto ila katiivo
Maxkamada Gobolka Banaadir oo Edeysanayaal lagu helay danibyo ay ka mid ahaayeen dil iyo Burcadbadeednimo ku riday xakuno kala duwan ( DAAWO SAWIRADA )
VIDEO Abwaan Sugaal Cabdulle oo si la yaab leh ugu duceeyey dalka Somaliyeed dalbadayna in aysan dan inoo aheyn yuu ku deyn adne hadayn
Marwo Caasha X. Cilmi oo haween iyo caruur kula dabaal degtay xero barakacayaal, maalinta haweenka There must be an end to violence against women, Prime Minister declares on International Women’s Day ( DAAWO SAWIRADA )
Qarax Dhimasho iyo dhaawac burbur hantiyadeed dhaliyey oo ka dhacay Liido Sea food and restourant magaalada Muqdisho
(DAAWO SAWIRDA )
VIDEO Sheekh C/qaadir Nuur Faarax oo lagu dilay magaalada Garoowe iyo qaabkii loo Qabtay nin dilkiisa lagu tuhmayo
Daawo VIDEO laga soo duubay ninka la sheeegay in uu dilay sheekh
Dr. Maxamed Nuur Gacal wasaaradda arrimaha Dibadda mrnaba ma cafin doonto shaqsi kasta oo meel uga dhacay ama ku takri falay hantida qaranka ee dibadda.. ( DAAWO SAWIRADA )
Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo lagu amaanay howlaha ay ka qabato garoonka Aadan cadde ( DAAWO SAWIRADA )
Kumanaan arday oo maanta u fariisatay imtixaanka kama dambeysta ah ee Jaamacadda Somalia ( DAAWO SAWIRADA )