Raiisal Wasaaraha oo cambaareeyey weerarkii Fashilmay ee qof naftiisa biimeeyey ku soo qaaday Madaxtooyada
Shir jaraa’id oo uu qabtay Wasiirka Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Gaadiidka Mudane C/llaahi Ciil Mooge Xirsi ayuu ku sheegay in falkaasi uu ahaa mid Fashilmay ayna ka hortageen Askarta Dowladda ee illaalada ka ahaa Madaxtooyada, wuxuuna xusay in Xukuumadu ay ka hortagyso falalk ceynkan oo kale ah.
Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), ayaa cambaareeyey weerarkii Fashilmay ee uu nin naftiisa Hiligay ku soo qaaday meel ku dhow hoyga uu degan yahay oo ku yaala Xarunta Madaxtooyada.
Weerarkan oo uu ku dhintay mid ka mid ah Askartii illaalada ka aheyd hoyga Ra’iisal Wasaaraha ayaa waxaa sidoo kale ku dhaawacmay saddex Askari, waxaana sidoo kale halkaasi ku Dhintey shaqsigii is qarxiyay, oo la aaminsan yahay inuu ka tirsanaa Al shabaab.
Shir jaraa’id oo uu qabtay Wasiirka Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Gaadiidka Mudane C/llaahi Ciil Mooge Xirsi ayuu ku sheegay in falkaasi uu ahaa mid Fashilmay ayna ka hortageen Askarta Dowladda ee illaalada ka ahaa Madaxtooyada, wuxuuna xusay in Xukuumadu ay ka hortagyso falalk ceynkan oo kale ah.
“Falkani wuxuu cadeyn u yahay sida Xukuumadu ugu howlan tahay Sugida Amniga maadaama laga hortegay ruuxii doonayay inuu isku qarxiyo Xafiisyada madaxda Dowladda” ayuu yiri Ciil Mooge oo xusay in kooxaha Nabadiidku ay marayaan heer Naf la caari ah.
Wasiirka ayaa xusay in Xarakada Alshabaab ay ujeedadoodu tahay in dalka Soomaaliya uusan noqon dal Xuduudo leh, isla markaana leh Dowlad matasha, balse Madaxda Soomaaliyeed ay aaminsan yihiin in Soomaaliya ay tahay Dal madaxbanaan oo Xuduudo leh, sidoo kalena leh Dowlad iyaga matashada oo ay shacabku raali ka yihiin.
Ugu dambeyntiina, Wasiirku waxa uu Tacsi u diray, isaga oo ku hadlaya magaca Xukuumada Qoyskii, Qaraabadii iyo Ummadda Soomaaliyeed, geeridii ku timid Askarigii saaka ku geeriyooday falkan Fuleynimada ah, isaga oo u rajeeyey kuwa dhaawaca ahna inuu alle Bogsiiyo.
-----DHAMAAD-----

FG:
Shabakada Wararka ee Somalisan Mas'uul kama ahan Cidii ku xadgudubto
Shaqsi Raalina kama noqonayso Somalisan.com.



VIDEO Xiirey Xuuriye Dhuxul iyo dhooblow xersi taraarax iyo Muqaalka Sheekadii lacala
VIDEO Madaxweyne Xasan Shiikh oo booqday degmada dayniile tan iyo markii la doortay 05 05 2013 .
VIDEO Xeer ilaaliyahay guud ee qaranka 3dii garsoore laba ayaa ahlu naar ah ciidamda dowlada ciyaalka dugsiyada oo sunadu ka muuqato ayey xirxiraan maxkamad la.aana sidey doonaan ka yeelaan hadalo cajiib ah
VIDEO Mursal Muuse iyo heestii Run u sheeg naftaaduna, ha i raadsan IYO Cabdiqaboojiye iyo heestiisii riyaan kugulo noolahay iyo fanaaniin kale
VIDEO Xayawaanada Qarada Africa oo is cunaya iyo sida uu yahay dhaqankooda
VIDEO Sheeko la yaableh haween rumeysnaa in ay isqabeen oo midood tii kale hoyadeed mindi kala daashay ilaa ay ka dhimato
Filim kii The Good. The Bad. And The Ugly.Full Movie 1 oo dhameystiran Daawasho wacan Il poono il puruto ila katiivo
Maxkamada Gobolka Banaadir oo Edeysanayaal lagu helay danibyo ay ka mid ahaayeen dil iyo Burcadbadeednimo ku riday xakuno kala duwan ( DAAWO SAWIRADA )
VIDEO Abwaan Sugaal Cabdulle oo si la yaab leh ugu duceeyey dalka Somaliyeed dalbadayna in aysan dan inoo aheyn yuu ku deyn adne hadayn
Marwo Caasha X. Cilmi oo haween iyo caruur kula dabaal degtay xero barakacayaal, maalinta haweenka There must be an end to violence against women, Prime Minister declares on International Women’s Day ( DAAWO SAWIRADA )
Qarax Dhimasho iyo dhaawac burbur hantiyadeed dhaliyey oo ka dhacay Liido Sea food and restourant magaalada Muqdisho
(DAAWO SAWIRDA )
VIDEO Sheekh C/qaadir Nuur Faarax oo lagu dilay magaalada Garoowe iyo qaabkii loo Qabtay nin dilkiisa lagu tuhmayo
Daawo VIDEO laga soo duubay ninka la sheeegay in uu dilay sheekh
Dr. Maxamed Nuur Gacal wasaaradda arrimaha Dibadda mrnaba ma cafin doonto shaqsi kasta oo meel uga dhacay ama ku takri falay hantida qaranka ee dibadda.. ( DAAWO SAWIRADA )
Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo lagu amaanay howlaha ay ka qabato garoonka Aadan cadde ( DAAWO SAWIRADA )
Kumanaan arday oo maanta u fariisatay imtixaanka kama dambeysta ah ee Jaamacadda Somalia ( DAAWO SAWIRADA )