Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed oo lagu casuumay Jaamacadda Boston ee dalka maraykanka
Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed ayaa dowladda Yugandha ka helay degenaansho rasmi ah
Wararka naga soo gaaraya magaalada Washinton ee dalka Mareykanka ayaa waxay sheegayaan in Madaxweynihii hore Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed uu shalay gaaray gudaha dalka Mareykanka, halkaas oo uu ku diyaarin doono sida la sheegay darajada Master-ka, ka dib markii uu casuumaad ka helay Jaamacadda magaalada Boston ee dalka Mareykanka sida ay sheegeen warar safarkiisa la xiriira.
Sida ay sheegayaan wararka Madaxweyne Shariif ayaa casharo ka bixin doona Jaamacadda Boston ee gobolka Massachusetts, waxayna Ilo wareedyo ku dhow dhow Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed ay sheegayaan in casharada uu ka jeedin doono ay ka mid tahay mudadii uu siyaasada ku jiray Maxkamadihii Islaamiga illaa markii uu Madaxweynaha Soomaaliya loo doortay sanadkii 2009-kii.
Madaxweyne Shariif ayaa waxaa shalay garoonka diyaaradaha Kampala ku sii sagootiyey wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya C/xakiin xaaji Maxamuud Fiqi oo booqasho ku jooga dalka Yudgandha iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Yuganda iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalkaas Sayid Axmed Sheekh Daahir.
Waxaa la sheegay inuu noqonayo Madaxweynaha afaraad ee lagu casuumo Jaamacadda Boston, kuwaasoo ah Madaxweynayaal hore oo si dimuqraadi xilkooda u wareejiyay, ka dib doorasho looga guuleystay, ka dibna Jaamacaddu qiimeyn ay sameysay sidaasi ku dalbatay.
Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed ayaa dowladda Yugandha ka helay degenaansho rasmi ah, iyadoo deegaan ka siisay magaalada Kampala, ka dib markii uu ka guuray magaalada Muqdisho bishii November ee sanadkii hore uuna u guuray magaalada Kampala ee xarunta dalka Yugandha.
Si kasta oo ay ahaataba Madaxweynihii hore Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa bishii September looga guuleystay doorasho ka dhacday magaalada Muqdisho, iyadoo uu noqday Madaxweynihii ugu dambeeyay ee dowladihii KMG ahaa ee isaga kala dambeeyay Soomaaliya

FG:
Shabakada Wararka ee Somalisan Mas'uul kama ahan Cidii ku xadgudubto
Shaqsi Raalina kama noqonayso Somalisan.com.



VIDEO Xiirey Xuuriye Dhuxul iyo dhooblow xersi taraarax iyo Muqaalka Sheekadii lacala
VIDEO Madaxweyne Xasan Shiikh oo booqday degmada dayniile tan iyo markii la doortay 05 05 2013 .
VIDEO Xeer ilaaliyahay guud ee qaranka 3dii garsoore laba ayaa ahlu naar ah ciidamda dowlada ciyaalka dugsiyada oo sunadu ka muuqato ayey xirxiraan maxkamad la.aana sidey doonaan ka yeelaan hadalo cajiib ah
VIDEO Mursal Muuse iyo heestii Run u sheeg naftaaduna, ha i raadsan IYO Cabdiqaboojiye iyo heestiisii riyaan kugulo noolahay iyo fanaaniin kale
VIDEO Xayawaanada Qarada Africa oo is cunaya iyo sida uu yahay dhaqankooda
VIDEO Sheeko la yaableh haween rumeysnaa in ay isqabeen oo midood tii kale hoyadeed mindi kala daashay ilaa ay ka dhimato
Filim kii The Good. The Bad. And The Ugly.Full Movie 1 oo dhameystiran Daawasho wacan Il poono il puruto ila katiivo
Maxkamada Gobolka Banaadir oo Edeysanayaal lagu helay danibyo ay ka mid ahaayeen dil iyo Burcadbadeednimo ku riday xakuno kala duwan ( DAAWO SAWIRADA )
VIDEO Abwaan Sugaal Cabdulle oo si la yaab leh ugu duceeyey dalka Somaliyeed dalbadayna in aysan dan inoo aheyn yuu ku deyn adne hadayn
Marwo Caasha X. Cilmi oo haween iyo caruur kula dabaal degtay xero barakacayaal, maalinta haweenka There must be an end to violence against women, Prime Minister declares on International Women’s Day ( DAAWO SAWIRADA )
Qarax Dhimasho iyo dhaawac burbur hantiyadeed dhaliyey oo ka dhacay Liido Sea food and restourant magaalada Muqdisho
(DAAWO SAWIRDA )
VIDEO Sheekh C/qaadir Nuur Faarax oo lagu dilay magaalada Garoowe iyo qaabkii loo Qabtay nin dilkiisa lagu tuhmayo
Daawo VIDEO laga soo duubay ninka la sheeegay in uu dilay sheekh
Dr. Maxamed Nuur Gacal wasaaradda arrimaha Dibadda mrnaba ma cafin doonto shaqsi kasta oo meel uga dhacay ama ku takri falay hantida qaranka ee dibadda.. ( DAAWO SAWIRADA )
Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo lagu amaanay howlaha ay ka qabato garoonka Aadan cadde ( DAAWO SAWIRADA )
Kumanaan arday oo maanta u fariisatay imtixaanka kama dambeysta ah ee Jaamacadda Somalia ( DAAWO SAWIRADA )