Maamulka Faroole oo sheegay in dowlada fadaralka ah aysan u matali karin ciyaaraha olompikada
Wasiirka Ciyaaraha iyo dhalinyarada Puntland C/weli Xirsi Cabdulle (Indho guran) oo saxaafadda kula hadlay Gaalkacyo ayaa sheegay inay xubnaha Guddiga Olombikadu ay yihiin dhowr iyo toban dhamaantoodna ay ka soo jeedaan hal gobol
Maamulka Puntland ayaa sheegay inaysan matelin Soomaaliya Guddiga Olombikada ee dhawaan lagaga dhawaaqay magaalada Muqdisho, waxayna ku sababeyeen iyadoo aan Puntland lagala tahsan,isla markaana aysan jirin cid lagaga daray xubaha ay shegeen inay qabsadeen doorasho 3-janayo 2013-ka.
Wasiirka Ciyaaraha iyo dhalinyarada Puntland C/weli Xirsi Cabdulle (Indho guran) oo saxaafadda kula hadlay Gaalkacyo ayaa sheegay inay xubnaha Guddiga Olombikadu ay yihiin dhowr iyo toban dhamaantoodna ay ka soo jeedaan hal gobol, taas oo muujineysa iska indha tir gobollada kele dalka waa sida uu hadalka u yiriye.
“Waa nasiib daro arrintani Muqdisho ka dhacday, Soomalida iyo caalamku way ogyihiin dowrka aan Soomaaliya ku leenahay, Puntland ayaa lagu qabtay ciyaarihii gobolada oo labaatan sano ka badan aan la qaban, anagoo awalba ka xun qaabka ay wax u mareeyaan Guddiga Olombikadu ayey haddana tani timid” ayuu Yiri C/weli.
Guddiyada kala duwan Olombikada, cayaaraha cufudu iyo tan cagta ee Puntland ayuu wasiirku uu ku booriyey inay sii wataan howlaha ay ku horumarinyaan cayaaraha Puntland, wuxuuna dhinaca kale sheegay inay qaadaceen ciyaaraha Muqdisho lagu qabto ee lagu sheego in Soomaaliya lagu metelayo, madaama buu yiri aysan jirin ciyaartoy ka tagta gobollada kele ee dalka,wuxuuna sheegay in tartamada ay dibada u adaan ciyaryahnada aysan ku jirin cayaartoy reer Puntland, isagoo xusay in hal cayaryahan oo qur ah hal mar la kaxeeyay oo uu ciyaar ka qeybgalay, wax kalena aysan jirin.
Ugu dambayntii wasiirka cayaaraha Puntland waxa uu ugu baaqay madaxda dowladda Soomaaliya inay wax ka qabato musuqmaasuqa ka jira Guddiga Olombikada, isla markaana ay arrimaha ku aadan cayaaraha & waxyaabaha lagu horumarinyo ay noqdaan kuwo cadaalada oo loo siman yahay.

FG:
Shabakada Wararka ee Somalisan Mas'uul kama ahan Cidii ku xadgudubto
Shaqsi Raalina kama noqonayso Somalisan.com.



VIDEO Xiirey Xuuriye Dhuxul iyo dhooblow xersi taraarax iyo Muqaalka Sheekadii lacala
VIDEO Madaxweyne Xasan Shiikh oo booqday degmada dayniile tan iyo markii la doortay 05 05 2013 .
VIDEO Xeer ilaaliyahay guud ee qaranka 3dii garsoore laba ayaa ahlu naar ah ciidamda dowlada ciyaalka dugsiyada oo sunadu ka muuqato ayey xirxiraan maxkamad la.aana sidey doonaan ka yeelaan hadalo cajiib ah
VIDEO Mursal Muuse iyo heestii Run u sheeg naftaaduna, ha i raadsan IYO Cabdiqaboojiye iyo heestiisii riyaan kugulo noolahay iyo fanaaniin kale
VIDEO Xayawaanada Qarada Africa oo is cunaya iyo sida uu yahay dhaqankooda
VIDEO Sheeko la yaableh haween rumeysnaa in ay isqabeen oo midood tii kale hoyadeed mindi kala daashay ilaa ay ka dhimato
Filim kii The Good. The Bad. And The Ugly.Full Movie 1 oo dhameystiran Daawasho wacan Il poono il puruto ila katiivo
Maxkamada Gobolka Banaadir oo Edeysanayaal lagu helay danibyo ay ka mid ahaayeen dil iyo Burcadbadeednimo ku riday xakuno kala duwan ( DAAWO SAWIRADA )
VIDEO Abwaan Sugaal Cabdulle oo si la yaab leh ugu duceeyey dalka Somaliyeed dalbadayna in aysan dan inoo aheyn yuu ku deyn adne hadayn
Marwo Caasha X. Cilmi oo haween iyo caruur kula dabaal degtay xero barakacayaal, maalinta haweenka There must be an end to violence against women, Prime Minister declares on International Women’s Day ( DAAWO SAWIRADA )
Qarax Dhimasho iyo dhaawac burbur hantiyadeed dhaliyey oo ka dhacay Liido Sea food and restourant magaalada Muqdisho
(DAAWO SAWIRDA )
VIDEO Sheekh C/qaadir Nuur Faarax oo lagu dilay magaalada Garoowe iyo qaabkii loo Qabtay nin dilkiisa lagu tuhmayo
Daawo VIDEO laga soo duubay ninka la sheeegay in uu dilay sheekh
Dr. Maxamed Nuur Gacal wasaaradda arrimaha Dibadda mrnaba ma cafin doonto shaqsi kasta oo meel uga dhacay ama ku takri falay hantida qaranka ee dibadda.. ( DAAWO SAWIRADA )
Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo lagu amaanay howlaha ay ka qabato garoonka Aadan cadde ( DAAWO SAWIRADA )
Kumanaan arday oo maanta u fariisatay imtixaanka kama dambeysta ah ee Jaamacadda Somalia ( DAAWO SAWIRADA )