Alshabaab oo Buulo mareer kula dagaalantay ciidamo faransiis ah oo diyaarado wato
Wararka ugu horeeya ayaa sheegaya in diyaaradahaasi ay ku degeen guri lagu hayey sarkaal u dhashay wadanka Faransiiska oo sanadkii 2010 ay afduubteen ururka Al Shabaab.
Warar goordhow soo baxay ayaa sheegaya in xalay saqdii dhexe saddex diyaaradood oo nooca ciidamada ay adeegsadaan ah ay weerar ku qaadeen guri ay deganaayeen xubno ka tirsan arakada Al Shabaab oo ku yaalla degmada Buulo Mareer oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose.
Wararka ugu horeeya ayaa sheegaya in diyaaradahaasi ay ku degeen guri lagu hayey sarkaal u dhashay wadanka Faransiiska oo sanadkii 2010 ay afduubteen ururka Al Shabaab sida warku sheegayo.
Dagaal iska horimaad ah ayaa la sheegayaa inuu dhexmaray dagaalyahano ka tirsan Al Shabaab oo goobta waardiye ka hayey iyo ciidamadii diyaaradaha watay oo Faransiis ahaa.
Dad deegaanka ku sugan oo aan rabin in la magacaabo ayaa sheegay in ay jiraan dhimasho iyo dhaawac ka dhashay weerarkan xalay saqdii dhexe ka dhacay degmada Buulo Mareer, iyadoo saaka ciidamada Al Shabaab ay xireen goobta weerarku ka dhacay.
Illaa hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhanka Al Shabaab iyo dawlada Faransiiska oo ku aadan weerarkan iyo in ninkii Faransiiska ahaa ee u afduubnaa Al Shabaab lagu furtay weerarkan xalay dhacay.

FG:
Shabakada Wararka ee Somalisan Mas'uul kama ahan Cidii ku xadgudubto
Shaqsi Raalina kama noqonayso Somalisan.com.



VIDEO Xiirey Xuuriye Dhuxul iyo dhooblow xersi taraarax iyo Muqaalka Sheekadii lacala
VIDEO Madaxweyne Xasan Shiikh oo booqday degmada dayniile tan iyo markii la doortay 05 05 2013 .
VIDEO Xeer ilaaliyahay guud ee qaranka 3dii garsoore laba ayaa ahlu naar ah ciidamda dowlada ciyaalka dugsiyada oo sunadu ka muuqato ayey xirxiraan maxkamad la.aana sidey doonaan ka yeelaan hadalo cajiib ah
VIDEO Mursal Muuse iyo heestii Run u sheeg naftaaduna, ha i raadsan IYO Cabdiqaboojiye iyo heestiisii riyaan kugulo noolahay iyo fanaaniin kale
VIDEO Xayawaanada Qarada Africa oo is cunaya iyo sida uu yahay dhaqankooda
VIDEO Sheeko la yaableh haween rumeysnaa in ay isqabeen oo midood tii kale hoyadeed mindi kala daashay ilaa ay ka dhimato
Filim kii The Good. The Bad. And The Ugly.Full Movie 1 oo dhameystiran Daawasho wacan Il poono il puruto ila katiivo
Maxkamada Gobolka Banaadir oo Edeysanayaal lagu helay danibyo ay ka mid ahaayeen dil iyo Burcadbadeednimo ku riday xakuno kala duwan ( DAAWO SAWIRADA )
VIDEO Abwaan Sugaal Cabdulle oo si la yaab leh ugu duceeyey dalka Somaliyeed dalbadayna in aysan dan inoo aheyn yuu ku deyn adne hadayn
Marwo Caasha X. Cilmi oo haween iyo caruur kula dabaal degtay xero barakacayaal, maalinta haweenka There must be an end to violence against women, Prime Minister declares on International Women’s Day ( DAAWO SAWIRADA )
Qarax Dhimasho iyo dhaawac burbur hantiyadeed dhaliyey oo ka dhacay Liido Sea food and restourant magaalada Muqdisho
(DAAWO SAWIRDA )
VIDEO Sheekh C/qaadir Nuur Faarax oo lagu dilay magaalada Garoowe iyo qaabkii loo Qabtay nin dilkiisa lagu tuhmayo
Daawo VIDEO laga soo duubay ninka la sheeegay in uu dilay sheekh
Dr. Maxamed Nuur Gacal wasaaradda arrimaha Dibadda mrnaba ma cafin doonto shaqsi kasta oo meel uga dhacay ama ku takri falay hantida qaranka ee dibadda.. ( DAAWO SAWIRADA )
Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo lagu amaanay howlaha ay ka qabato garoonka Aadan cadde ( DAAWO SAWIRADA )
Kumanaan arday oo maanta u fariisatay imtixaanka kama dambeysta ah ee Jaamacadda Somalia ( DAAWO SAWIRADA )