Golaha Wasiirada Shirr Ay Isugu Yimaadeen Xalay Kaga Dooday Sidii Barakacayaasha Loo Dajin Lahaa Goobo Ka Baxsan Caasimadda
Moqdisho, 11, Jan, 2013…Shirr ay xalay isugu yimaadeen Golaha Wasiiradda oo uu shir-gudoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa shirkaas looga hadlayay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin , Dib-U-dijin loo samaynayo dadka Barakacayaasha ah ee ku sugan malaagada Muqdisho iyo warbixino laga dhageystay Wasiirka Hurmarinta iyo Adeega Bulshada.
Ugu horayntii Goluhu wuxuu warbixin dheer ka dhageystay Wasiiradda Hormarinta iyo Adeegga Bulshada Drs Maryam Qaasim Axmed oo safaro ku soo martay dalalka Turkiga iyo Tuniisiya.
Goluhu markuu dhageystay warbixintaas oo qodobka ugu muhiimsani uu ahaa deeqaha waxbarashada ee lasiiyo Soomaaliya sidii wax looga badali lahaa, ayaa dood dheer kadib waxaa Goluhu isla gartay in loo magacaabo gudi heer Wasiir ah oo ka kooban lix xubnood oo ay Drs Maryam horkaceyso iney soo diyaariyaan qaabka ay xukuumadda Soomaaliya uga faa’iideysan karto deeqaha waxabarashada ayna horkeenaan kulanka dambe oo uu goluhu yeelanayo.
Sidoo kale Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Mudane C/kariin Xuseen Guuleed ayaa Golaha horkeenay qorshe Barakacayaasha looga rarayo magaalada si loo dejiyo meelo loo qoondeeyay.Waxaana arinkaas Wasaarada ka caawinaya hay’ado caalami ah sidii dib-u-dajin loogu samayn lahaa Barakacayaasha loogana raro gudaha Caasimada, si kor loogu qaado amnigooda, Nolashooda, Caafimaadkooda, Waxbarashadooda iyo Sidii ay u heli lahayeen Biyo nadiif .
Ugu danbayntii Golaha wasiirada ayaa ka dooday soo jeedin ay samaysay Qaramada Midoobay taas oo ah in ay u soo rarayaan bisha Sadexaad ee sanadkaan magaalada Muqdisho shaqaale gaaraya ilaa 300 oo xubnood oo hada ka howl gala magaalada Nairobi. Dood dheer ka dib goluhu wuxuu magacaabay gudi ka kooban sadex xubnood oo uu hormuud ka yahay Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka, gudigaas ayaa ka shaqayn doona sidii loogu samayn lahaa daagaamayn, looguna dhamaystiri lahaa dhamaan adeegyadii ay u baahnaayeen.
----DHAMAAD----

FG:
Shabakada Wararka ee Somalisan Mas'uul kama ahan Cidii ku xadgudubto
Shaqsi Raalina kama noqonayso Somalisan.com.



VIDEO Xiirey Xuuriye Dhuxul iyo dhooblow xersi taraarax iyo Muqaalka Sheekadii lacala
VIDEO Madaxweyne Xasan Shiikh oo booqday degmada dayniile tan iyo markii la doortay 05 05 2013 .
VIDEO Xeer ilaaliyahay guud ee qaranka 3dii garsoore laba ayaa ahlu naar ah ciidamda dowlada ciyaalka dugsiyada oo sunadu ka muuqato ayey xirxiraan maxkamad la.aana sidey doonaan ka yeelaan hadalo cajiib ah
VIDEO Mursal Muuse iyo heestii Run u sheeg naftaaduna, ha i raadsan IYO Cabdiqaboojiye iyo heestiisii riyaan kugulo noolahay iyo fanaaniin kale
VIDEO Xayawaanada Qarada Africa oo is cunaya iyo sida uu yahay dhaqankooda
VIDEO Sheeko la yaableh haween rumeysnaa in ay isqabeen oo midood tii kale hoyadeed mindi kala daashay ilaa ay ka dhimato
Filim kii The Good. The Bad. And The Ugly.Full Movie 1 oo dhameystiran Daawasho wacan Il poono il puruto ila katiivo
Maxkamada Gobolka Banaadir oo Edeysanayaal lagu helay danibyo ay ka mid ahaayeen dil iyo Burcadbadeednimo ku riday xakuno kala duwan ( DAAWO SAWIRADA )
VIDEO Abwaan Sugaal Cabdulle oo si la yaab leh ugu duceeyey dalka Somaliyeed dalbadayna in aysan dan inoo aheyn yuu ku deyn adne hadayn
Marwo Caasha X. Cilmi oo haween iyo caruur kula dabaal degtay xero barakacayaal, maalinta haweenka There must be an end to violence against women, Prime Minister declares on International Women’s Day ( DAAWO SAWIRADA )
Qarax Dhimasho iyo dhaawac burbur hantiyadeed dhaliyey oo ka dhacay Liido Sea food and restourant magaalada Muqdisho
(DAAWO SAWIRDA )
VIDEO Sheekh C/qaadir Nuur Faarax oo lagu dilay magaalada Garoowe iyo qaabkii loo Qabtay nin dilkiisa lagu tuhmayo
Daawo VIDEO laga soo duubay ninka la sheeegay in uu dilay sheekh
Dr. Maxamed Nuur Gacal wasaaradda arrimaha Dibadda mrnaba ma cafin doonto shaqsi kasta oo meel uga dhacay ama ku takri falay hantida qaranka ee dibadda.. ( DAAWO SAWIRADA )
Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo lagu amaanay howlaha ay ka qabato garoonka Aadan cadde ( DAAWO SAWIRADA )
Kumanaan arday oo maanta u fariisatay imtixaanka kama dambeysta ah ee Jaamacadda Somalia ( DAAWO SAWIRADA )