Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida oo Xukuno ku Riday Askar lagu helay in ay danbiyo kala Duwan ka Geesatay Qeybo ka mid ah Gobalka Sh.Hoose. ( DAAWO SAWIRADA )
Ciidamada howlgalka sameeyay aya waxay soo qabteen ilaa3 dhalin yaro ah oo lagu eedeeyay in dhac ay halkasi kagaysteen
Howlgalo lagu sugyey amaanka degaanada hoos yimada gobolka shabeelaha hoose oo ay maalmahan kawadeen ciidamada dowlada kadib markii dadka deganadaas ay siweyn cawasho uga muujinayeen qaar kamid ah ciidamada dowlada oo halkasi kagaysanayaay falal isugu jiray dil dhac iyo kufsi
Ciidamada howlgalka sameeyay aya waxay soo qabteen ilaa3 dhalin yaro ah oo lagu eedeeyay in dhac ay halkasi kagaysteen
Wafdi uu hogaminayo wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka oo ay wehliyaan taliyasha ciidamada dowlada iyo maxkamada ciidamda qalabka sida ee Somalia ayaa baritano laxiriira xaalada aman ee gobolka shabeelaha hooe ku tagay waxayna soo kormeereen xarunta degmada afgooye
Mid kamid ah garsoorayasha maxkamada ciidamada qalabka sida Shiiq aadan garweyne ayaa ku dhawaqay xukunka maxkamada ay ku riday 3daan dhalin yarada ah oo katirsanaa ciidamada kuwwas oo lagu kala magacaabo dable Xooga Guutada 4aad Dagan Xaafada Madiino 1 Cumar Nuur Xuseen 20 jir ah 2 Dable Xooga guutada 4aad salaad cabduule taakow 24 jir ah dagan madiino 3 dable Xooga Cadde yuusuf Maxamed Gacal Guutada 4aad Dagan Xaafada Madiino 21 jir ah
3da edeysane ayaa lagu soo oogay danbi ah burcad nimo Hubeysan oyaga oo sitay hubkii dowlada iyo dareeska ciidamada xooga dalka Somaliyeed waxayna jidka u galeen shacab ku safrayey wadooyinka qaarkood
Edeysanyaasha ayaa dhacay 91600 sh Somali ah 3 mobele oo shiineys ah caamiro video iyo 2 sim card maxkamada ayaa cadeymahaas la horkeenay iyo qalabkii ay dhaceen hubkii ay ku dhaceen iyane waa qirteen danbiga lagu soo oogay waxayna maxkamada ciidamada qalabka sida ay ku xukuntay min 5 sano oo xabsi ciidan ah hubkana dowladu la wareegto iyo dhibanayaashii oo la siiyey qalabkii ay ka dhaceen
Gudoomiyaha maxkamada ciidamada qalabka sida janaraal xasan xusen mungaab ayaa sheegay in ay dib u dhigeen xukunka ragkale oo katirsana ciidamada dowlada oo iyana lagu eedeeyay in falal kufsi ah ay kageesteen deegano katirsan gobolka shabeelaha hoose
Gudoomiyaha maxkamada ciidamada qalabka sida janaraal xasan xusen mungaab ayaa sheegay in ay dib u dhigeen xukunka ragkale oo katirsana ciidamada dowlada oo iyana lagu eedeeyay in falal kufsi ah ay kageesteen deegano katirsan gobolka shabeelaha hoose
Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka dowlada Somalia cabdi kariin xuseen guuleed ayaa fahfahin kabixiyay socdalka ay kuyimadeen deg mada afgooye iyo qorshayasha ay doonayaan in ay ku sugaan amaanka degmooyinka gobolka
Tan iyo markii ay lawareegtay dowlada Somalia degmooyinka shabeelaha hoose qaar kood ayaa waxa soo badanayay falalka lidiga ku ah amaanka deeganadaas oo ay lakulmayeen shacabka degan gobolka shabeelaha hoose mana jirta ila iyo hada cid sinaba ugu istagtay sugida amanka deganadii ugu danbeeyay ee dowlada lawaregatay

FG:
Shabakada Wararka ee Somalisan Mas'uul kama ahan Cidii ku xadgudubto
Shaqsi Raalina kama noqonayso Somalisan.com.



VIDEO Xiirey Xuuriye Dhuxul iyo dhooblow xersi taraarax iyo Muqaalka Sheekadii lacala
VIDEO Madaxweyne Xasan Shiikh oo booqday degmada dayniile tan iyo markii la doortay 05 05 2013 .
VIDEO Xeer ilaaliyahay guud ee qaranka 3dii garsoore laba ayaa ahlu naar ah ciidamda dowlada ciyaalka dugsiyada oo sunadu ka muuqato ayey xirxiraan maxkamad la.aana sidey doonaan ka yeelaan hadalo cajiib ah
VIDEO Mursal Muuse iyo heestii Run u sheeg naftaaduna, ha i raadsan IYO Cabdiqaboojiye iyo heestiisii riyaan kugulo noolahay iyo fanaaniin kale
VIDEO Xayawaanada Qarada Africa oo is cunaya iyo sida uu yahay dhaqankooda
VIDEO Sheeko la yaableh haween rumeysnaa in ay isqabeen oo midood tii kale hoyadeed mindi kala daashay ilaa ay ka dhimato
Filim kii The Good. The Bad. And The Ugly.Full Movie 1 oo dhameystiran Daawasho wacan Il poono il puruto ila katiivo
Maxkamada Gobolka Banaadir oo Edeysanayaal lagu helay danibyo ay ka mid ahaayeen dil iyo Burcadbadeednimo ku riday xakuno kala duwan ( DAAWO SAWIRADA )
VIDEO Abwaan Sugaal Cabdulle oo si la yaab leh ugu duceeyey dalka Somaliyeed dalbadayna in aysan dan inoo aheyn yuu ku deyn adne hadayn
Marwo Caasha X. Cilmi oo haween iyo caruur kula dabaal degtay xero barakacayaal, maalinta haweenka There must be an end to violence against women, Prime Minister declares on International Women’s Day ( DAAWO SAWIRADA )
Qarax Dhimasho iyo dhaawac burbur hantiyadeed dhaliyey oo ka dhacay Liido Sea food and restourant magaalada Muqdisho
(DAAWO SAWIRDA )
VIDEO Sheekh C/qaadir Nuur Faarax oo lagu dilay magaalada Garoowe iyo qaabkii loo Qabtay nin dilkiisa lagu tuhmayo
Daawo VIDEO laga soo duubay ninka la sheeegay in uu dilay sheekh
Dr. Maxamed Nuur Gacal wasaaradda arrimaha Dibadda mrnaba ma cafin doonto shaqsi kasta oo meel uga dhacay ama ku takri falay hantida qaranka ee dibadda.. ( DAAWO SAWIRADA )
Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo lagu amaanay howlaha ay ka qabato garoonka Aadan cadde ( DAAWO SAWIRADA )
Kumanaan arday oo maanta u fariisatay imtixaanka kama dambeysta ah ee Jaamacadda Somalia ( DAAWO SAWIRADA )